Xog Ku Saabsan Qoraaga Buuga BUUGA KUN HABEEN iyo HABEEN Ee Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac-Sweden).

Qoraagu wuxuu ku dhashay miyiga Tuulada Gadhka-Yogol ee Somaliland, xilli ku began 28kii Feebarwari 1954kii. Jaamac wuxuu waxbarashadii dugsiga hoose ku qaatay tuulada Faraweyne, xilli ku beegan 1964kii -1968kii. Halka uu waxbarashadii dugsiga dhexe ku qaatay magaalada Cadaadley intii u dhexaysay, 1968kii -1972kii.
Wuxuu waxbarashadii dugsiga sare ku dhammaystay dugsigii sare ee 1st Julaay ee magaalada Hargeysa, 1972kii -1976kii. Halka uu dabayaaqadii 1976kii macallin ka noqday magaalada Hargeysa.1977kii ayuu shaqo ka bilaabay Wasaaraddii Arrimaha Dibedda, waxaanu u wareegay magaalada Muqdisho. Isagoo halkaa ka shaqeeya ayuu galay kulliyadda waxbarashada ee Lafoole, halkaasoo uu 1980kii ka qaatay Shahaadadda B. A, oo uu ku takhasusay Afka Ingiriisiga. 1980kii-1984kii wuxuu ka shaqeeyey waaxaha siyaasadda iyo hab-maamuuska ee Wasaaraddaasi.
1984kii ilaa 1987kii wuxuu xoghaye koowaad ka noqday safaaraddii Soomaalida ee Istockholm, Iswiidhan.1989kii wuxuu waxbarasho diblomaasiyadeed ku qaatay Machadka Diplomaasiyiinta ee Islamabad, Pakistan, halkaasoo uu ku qaatay Dibloma. Isla sannadkaasi 1989kii ayuu magangelyo siyaasadeed ku degay Magaalada Istockholm ee dalka Iswidhan.
1990kii ilaa 1992kii, wuxuu ahaa Guddoomiyaha Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee S.N.M laantiisii Iswidhan. Intii u dhaxaysey 1990kii ilaa 1995kii wuxuu Jaamac ahaa macallin Afka soomaaliga ka dhiga qaar ka mid ah dugsiyada magaalada Istockholm ee caasimadda Iswiidhan.
Sannadkii 1995kii ilaa 2003dii wuxuu ahaa Maareeyaha Machadka Life and Peace Institute ee Sweden, wuxuuna u qaabilsaa mashaariica Machadka ee horumarrinta dawladaha hoose ee Somaliland, dhismaha nabadda iyo xallinta khilaafaadka. 2004tii ilaa 2006dii, wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda Save the children USA gaar ahaan xafiiskeeda Hargeysa. 2007dii ilaa 2009kii wuxuu ahaa xubin komishanka doorashooyinka u qaabilsan cilaaqaadka caalamiga ah, markii dambena wuxuu noqday Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka ee Somaliland.
Qoraagu wuxuu ku hadlaa afafka Soomaaliga, Ingiriisiga, Carabiga iyo Iswidhishka.
Buugaagta uu qoraagani qoray waxa ka mid ah:
1) Buugga Af Soomaaliga ee Alifba’da
2) Maahmaaho iyo maanso Soomaali
3) Suugaanta Carruurta Tix iyo Tiraab
4) Qaamuus Iswiidhish iyo Soomaali ah
5) Riwaayadda Masiibadu Adduunyada iyadaa u Macallin ah
6) Cilmibaadhis ku saabsan hubka fufud ee Somaliland oo lagu daabacay machadka Jarmalka ee Bonn international center for arms conversion.
7) Cilmibaadhis ku saaban dhismaha nabad gunta laga soo dhisay oo uu daabacay machadka IPRT Hargeysa.