HAYAANNEWS.NET
Maxaad Ka Taqaanaa Hanti Dhawre Cali Bilyan, Taariikhdiisa Iyo Qaabka Uu Wax U Baadho + Sirta Ka Dhexaysa Axmed Dirir. Q: 5-Aad.
June 1, 2019 - Written by editor editor
Cali Bilyan waxa
uu hanti dhawrka dhexdiisa ka samaystay kooxo ay isku adeegtaan kuwaasi oo uu
ku shaqaysto islamarkaana uu si gaar ah ugu dirto goobaha qoyan ee uu sida gaar
ah danta uga leeyahay. Waxa ay kooxahani u fududeeyaan khidadaha layaabka leh
ee uu ku caano maalay kuwaasi oo uu iyagana dhaqaalaha kasoo gala wax kasiiyo.
Waxa uu sidoo kale iska dhigaa ninka Awood ahaana ugu xiga hanti dhawraha guud
ee Qaranka isagoo si toos ah ugu xidhma hanti dhawraha guud islamarkaana ku
maala khidaha iyo laaluushka uu kasoo qaado hay’addaha qaranka qaarkood kuwaasi
oo uu si bil ah uu lacago dheeri ah uga qaato.
Hanti Dhawrihii
hore ee Hay’addaasi xilkeeda soo qabtay Siciid Saleebaan Mire oo ahaa shaqsi
aqoon dheeraad ah uleh Shaqada Hanti dhawrka qaranka islamarkaana intii uu
joogay dar dar culus galiyay, aadna loo dareemay shaqadiisa ayaa islamarkii uu
qabsaday Xafiiskaasi waxa uu Fahmay hanaanka shaqo ee Cali Sheekh Maxamed Axmed
(Cali Bilyan), waxaanu toos ah dagaal ugu qaaday hawl maalmeedkiisa iyo
dhaqdhaqaaqiisa shaqo, isagoo shaqo ka fadhiisin ku sameeyay, islamarkaana
tusay qaladaadkiisa. Waxa uu Siciid Saleeban Mire ka diiday inuu la wadaago
khidadaha xun ee uu muddada dheer kusoo shaqaynayay waxaanu ka joojiyay gabi
ahaanba inuu wax ogaado hawl maalmeedka hanti dhawrka iyo shaqooyinkii
baadhiseed ee ay sameeyeen wakhtigii uu joogay. Waxa uu sidoo kale ogaaday oo
uu si fiican u fahmay Goobo gaar ah oo uu Cali Bilyan ku xidhnaa oo uu maali
jiray islamarkaana uu laaluush ka qaadan jiray kuwaasi oo uu Hanti dhawrka kaga
gudbanaa.
Baadhisihii U
Dambeeyay Ee Uu Cali Bilyan Hormuudka Ka Ahaa.
- Waxa uu Cali Bilyan Watay tiimkii
baadhay Dawladda Hoose Ee Berbera, waxaana la sheegaa inuu heshiis hoose
lagalay Maayar Cabdikariin Cidin Iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera,
isagoo sida la sheegay ka qaatay Lacag iyo dhul cabirkiisu wayn yahay, waxa
arintaasi la qaatay oo ay heshiis ku ahaayeen si hoose, Hanti dhawraha Guud
Axmed Yuusuf Dirir. Waxa Documantigii Dawladda hoose ee Berbera Habeen madaw
Hargeysa ka qaaday nin lagu magacaabo Naasir oo ay Hanti dhawre Axmed Dirir
Ilmaadeer yihiin. Sidaasi ayaana lagu aasay baadhistii Dawladda Hoose ee
Berbera. Berbera waa meesha ugu musuqa badan ee lagu hiigay xoolaha umadda
waxaana muuqata sababta loo qariyay baadhistaasi, ee Dokomentiga habeenka loo
guureeyay, in Xoolo buuran la
waydaarsaday, waxaana hawshaasi fuliyay Cali Bilyan.
- Waxa uu Cali Bilyan dhawr bilood ka hor
baadhay Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxa uu iyagana heshiis ama gor gortan kala
galay Maayarka iyo nin ay ilmaadeer yihiin Cali oo dhulka u qaabilsan dawladda
hoose oo lagu magacaabo Khaalid Abiib. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay
inay Cali Bilyan iyo Axmed Yuusuf Dirir ka qaateen Dawladda Hoose ee Hargeysa
lacag sodon kun oo dollar dhan(30,000-Dollars), waxa lanoo xaqiijiyay inuu
lacagtaasi Cali Bilyan gacantiisa kaga soo qaaday Kaalinta Dawladda Hoose ee
Hargeysa ku dhegsan halkaasi oo ay ugu balamiyeen Masuuliyiinta ugu saraysa
Dawladda Hoose ee Hargeysa. Lacagtaasi ayaa laaluusha ahaan looga dhigay si uu
u qariyo xogta baadhista faylka uu gacanta ku hayo ee hanaanka Xisaabta
Dawladda hoose kaasi oo uu illaa hadda kuu taagan yahay oo uu hoosta dhigay si
loo ilaawo hadhayna uu habeen madaw dib ugu celiyo Dawladda Hoose.
- Waxa uu sidoo kale Baadhay oo uu madax u ahaa
tiimkii baadhay Xafiisyadda Lacagta Airport-ka Hargeysa gaar ahaan shirkaddo
yar yar oo halkaasi lacago buuran ka ururiyo, waxaanu iyagana la galay heshiis,
iyadoo la sheego inuu halkaasna lacago ka qaatay, faylkoodii baadhistana uu
illaa hadda ku taagan yahay oo uu hoosta dhigay.
F.G: Cali Bilyan
Waxa Shaqadiisa Xun Sii Libin Laabay Intii Xukuumaddani Jirtay, Waxaanu Isku
Haleeyaa Walaashiisa Golaha Guurtida Joogta Oo Inta Badan Sheegata Inay Saaxiib
Dhaw La Tahay Marwada Labaad Ee Madaxweynaha.
Qaybtii:
5-Aad.
Lasoco Qaybaha
Dambe:
Diblomaasi Haybe
Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London.
COMMENTS
|
|