SHEEKADDII AQIINTA

Nin baa masaajid ka eedaami jirey oo uu mu’addin ka ahaa. Subaxdii ayuu wadaadku seyladda xoolaha u dillaal tegi jirey, si uu quutal daruurigiisa uga soo saaro. Dharaarba waxa uu iibiyaa xoogaa xoolo ah oo dillaalka uga soo baxaa kaga beegmo biilka qoyskiisa. Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa suuqii xooluhu xumaanayaa oo waxba laga iibsan waayey wadaadkii.

Wuu yaabayaa oo talaa ku caddaanaysa. Isaga oo gadhkiisii u ekaa sonkorta iyo shaaha madow ee la isku daray rifaya oo bidaar aad mooddo madaar diyaaradi soo degayso kolba salaaxaya, ayuu u tegayaa dillaal kale si uu bal xaalkiisa isna wax uga ogaado oo hadduu wax dhaamo bal shaxaad iyo qadadiisa ugu yaraan uga helo. Haddaba intaanu u tegin ayuu laba orgi oo loo sii dhiibtey oo laga iibsan waayey meel ku sii xidhayaa.

Ninkii dillaalka ahaa ayuu cabbaar ag joog joogayaa, waxaanu mu’addinkii ogaanayaa in aanu kan laftiisu isaga waxba dhaamin oo isba maanta qatan yahay. Waxa uu ku laabanayaa halkii labada orgi ugu xidhnaayeen. Markuu meeshii soo gaadho ayaa wuxuu arkayaa labadii orgi ee uu kaga tegey oo aan meeshii kuba xidhnayn. Cabbaar buu baadh-baadhayaa ilaa marka danbe arkayo iyadoo ay labadii orgi adhi kale ku dhex jiraan. Ninkii adhiga watey buu ku qabsanayaa oo ku odhanayaa, “Waar xaggee baad ka keentay labadan orgi”, ninkiina wuxuu farta ugu fiiqayaa dillaalkii ka iibiyey.

Dillaalkii kale ayuu kalladhka laacayaa oo ku odhanayaa “maxaa kuu geeyey labadaydaa orgi”! Halkii baa la isku dilayaa oo ninkii wadaadka ahaa budh ku dhufanayaa dillaalkii ilaa uu ugu tuuray oo gaggabiyey. Wadaadku waxa uu dabadeed ka daba tegayaa kii labada orgi laga iibiyey oo isaganiina is qabsanayaan markuu ku yidhaahdo dee lacag baa la iga siiyey. Halkii buu kiina budh la dhacayaa oo ugu tuurayaa. Waxa uu isku deyayaa inuu soo qabto labadii orgi. Mid baa ka cararaya oo mu’addinkii kolba dhinac uga boodaya. Wuu qaban kari waayayaa, ka dib buu intuu ka dabo cararo geeskaa budkii kaga dhufanayaa oo isagiina gaggabinayaa.

Ninkii oo xanaaqsan oo labadaa qawlal ka xunbadeeynaya oo gawnaxyada cadho la buuraya, ayaa is ogaanaya oo ku baraarugaya salaaddii oo xilligeedii soo dhowaadey. Xaggii masaajidka ee uu ka eedaami jirey ayuu is odhanayaa bal ku carar intaan la gaadhin xilligii eedaanka. Kiiyoo budhkii adhaxda haysta oo sii socda oo isla sheekaysanaya oo xanaaqsan, ayaa wuxuu maqlayaa masaajidkiisii uu ka eedaami jirey oo laga eedaamay. Isagoo muraaradillaacsan ayuu soo gaadhayaa masaajidkii oo eedaankii la dhammeeyey oo lagu jiro wakhtigii yaraa ee u dhaxaysay marka eedaamku dhaco iyo intaan salaadda la bilaabin oo ay dadka qaar laba ragcadood oo sunna ah iska sii tukanayaan. Intuu hor istaagey meel ku dhow halkii sheekha dadka tujinayaa istaagi jirey ayaa isagoo labada daanba ka xunbaynaya oo budhkiisina dhexda haysta odhanayaa: “Waar Yaa eedaamay”! Juuqla’! Haddana wuu ku celinayaa”Waar yaa eedaamay baan idin idhi“! Yaab iyo naxdin ayaa lala aamusayaa! Inta uu baalla daymood doc kasta indhaha ku ekeeyo, ayuu odhanayaa: “Iska daaya aqiinta ayaan ku garane, kol hadaad jawaabi weydeen”. Sababtoo ah ninkii eedaamay ayaa yaalaaba aqiinta salaadda ka hor sameeya, halkaasuuna rabey inuu ka daalacdo kii eedaankiisii isku taataabtay, si uu isagana budh ula dhaco. Kolkaa iska daaya aqiintaan ku garane.

Xigasho: Buugga Diiwaanka Qosolka 2 edition 2011

Baashe Publications.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland