29kii Abril 1982kii: Sannad-guurada 37aad ee Ku-biiritaankii SNM Ee Hadraawi, Gaarriye, Gamuute, Rashiid, Yaasiin Xaaji Nuur iyo Nuuradiin.

“Xadhiggii Hadraawi 1973-1973, Kulankii Maxamed Siyaad Barre iyo Hal-abuurka, Bilawgii Deelleyda iyo U Bixitaankii Halganka SNM”

29kii Abril 1982kii, muddo hadda laga joogo 37 gu’ waxa xuduuddii Soomaaliya iyo Itoobiya ka tallaabay Abwaan Gaarriye, Abwaan Hadraawi, Faarax Gamuute, Yaasiin Xaaji Nuur, Rashiid Sheekh Cabdillaahi, Nuuraddiin, kuwaas oo ku biiray SNM. Marka laga yimaaddo xadhiggii Kacaanku ay Abwaan Hadraawi ku xidheen Deegaanka Qansax-dheere 1973kii illaa 1978kii, dulmigii nidaamkaas laga tirsan jiray ee bulshada iyo saluugga guud ee ay hal-doorkani ka qabeen askartii xilka maroorsatay, waxa isa-seegga iyo inay soohdimaha ka gudbaan uu ka dhashay Silsilad-maanseedkii caanbaaxday ee Deelleyda oo curatay dabayaaqadii 1979kii.

Intii aanay weliba silsiladdaasi curan, waxa uu Maxamed Siyaad Barre kulanno la yeeshay hal-abuurro ay ka mid yihiin Hadraawi iyo Cabdiqays. Waxa uu rabay in uu taageeradooda hanto, balse taasi ma dhicin.

Sida uu Hadraawi ku faahfaahiyay barnaamijka Xasuusreeb ee Horcable TV uu ka baahiyo Ducaale, markii Hadraawi laga soo daayay Qansaxdheere waxa ay kumeen Maxamed Siyaad Barre. Madaxweynihii ayaa yidhi “Ka warran Qansaxdheere?”. Hadraawina wuxuu yidhi “Ninkii i xidhay baa warkeeda haya”. Wuxuu yidhi “Maxamed kacaanku kuma necba. Waxaan is idhi ninkani malaha wuu waalan yahaye, naftiisa ha la shiro. Cidla’dana ha ku fekero. Waxna ha is weydiiyo. Imakana waxa aad jeceshay ha i weydiiso”.

Wuxuu filayay in Hadraawi dalbado maal, mansab iwm. Kaddibna Hadraawi ayaa yidhi “Waxa aan u baahanahay gaadhi aan Qansaxdheere ku tego, si aan u macasalaameeyo dadkii halkaas ila joogay”. Cabbaar ayuu Maxamed Siyaad Barre aammusay waxaanu amray in Hadraawi la siiyo gaadhi iyo dirawal. Hadraawi waxa uu sheegay in Madaxweynuhu yidhi “Keligaa ayaan wax waddani ah hayaa”. Markii uu Hadraawi socdaalkiisa soo dhammaystay waxa uu guri la degay Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Qays).

Hadraawi oo ka warramaya kulan ay isaga iyo Cabdiqays la yeesheen Maxamed Siyaad Barre ayaa yidhi “Aniga iyo Cabdiqays ayuu haddana noo yeedhay oo yidhi “Wax waddaniyiin ah labadiinna ayaan idin hayaa”. Markii hore keligay ayaa waddani ahaa, marka dambena aniga iyo Cabdiqays ayaa waddaniyiin ahayn.

Hadalkii dheeraa ee uu jeediyay markii aan kelida ahaa ayuu ku celiyay. Cabdiqays ayaa hadlay oo yidhi “Madaxweyne, annagu waanu iska tegaynnaaye, na sii sharci fiiseyaal iyo sharci aanu dalka kaga baxno” Maxamed Siyaad ayaa yidhi “Bixi maysaan, ma waxa aad doonaysaan inaad dibadda iga soo caydaan, fursadna heshaan oo aad isoo maagtaan”

Hadraawi waxa uu intaas kaddib degay guri gaar ah, waxaana mar saddexaad isaga oo keligii ah u yeedhay Maxamed Siyaad Barre. Hadraawi oo taas ka sheekanaynay ayaa yidhi “Wakhti ka-bacdi ayaa shantii subaxnimo ayaa anigoo guri iskaga jira, Xamarna iska degay ayaa shantii subaxnimo la ii yeedhay.

Waxaa ii yimi niman nabad-sugid ah, waxaanay yidhaahdeen “Madaxweynihii ayaa ku raba”, waan iska raacay aniga oo moodaya in la i xidhayo. Waa markii uu ka soo guuray Afisiyoone ee uu Villa Somalia soo degay. Arooryo hore ayaan madaxtooyadii ugu tegay isaga oo keligii fadhiya. Waxa uu galay hadalkiisii caadiga ahaa, wuxuu doonayay in uu kaa dhigo qofka uu rabo

Waxay ahayd markii uu sameeyay Xisbiga Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee shacbiga ahaa Waxa uu igu yidhi “Xisbigii aan sameeyay ayaa i khiyaameeyay. Kacaan labaad ayaan samaynayaa. Wax waddani ahna keligaa ayaan ku hayaa. Af-gembi labaad ayaad samaynayaa, waxaan kuugu yeedhay inaad ila gelayso iyo in kale?”. Waxa aan ku idhi “aan ka soo tashado”.

Hawshiina waxa aan uga warramay Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo igu lammaanaa. Maalintaas wax waddani ah keligay ayaa jiray. Intaasna waxa ku xigay kulanka ay yeelanayaan Maxamed Siyaad Barre iyo hal-abuurka bilaabay Deelleydu.

Waxa aynu si kooban u milicsan doonnaa Abwaan Gaarriye oo ka hadlaya sidii ay ku bilaabantay Silsiladda Deelleydu, waxaanu marxuunku tiraabtan ka jeediyay munaasibad ka dhacday Norway 2012kii oo lagu daah-furay Buugga Gorfaynta Silsiladda Deelley ee uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed (Ibraahin-Hawd). Waxa uu ugu horreyn faahfaahinayaa silsilad ka horraysay Deelleyda.

Alle ha u naxariistee waxa uu Gaarriye yidhi “Berigii ay SSDF halganka u baxeen kaddib markii uu dhacay inqilaabkii dhicisoobay, ayaa nin gabayaa ah oo dhintay, lana odhan Khaliif Sheekh Muumin Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e uu soo gabyay. Anigu waxa aan is idhi waa laga gardarnaa marka aad eegto sida gabaygiisa loo turjuntay. Khaliif waxa uu doonay in uu Soomaalida guubaabiyo oo kiciyo, laakiin waxa laga yaabaa in waddada uu maray ay ka qaldantay. Markii dambe ee aanu jabhadda wada noqonnay ayaan bartay oo niyad-samidiisii ayaan anigu hubaa.

Ummaddii ayuu qabaail ula hadlay sida:
“Hawiyow moxog baad cunaysaan” 
“Iidoor marduuf jaada helay, waa magnuun falane” 
“Dhulbahantow sidan yeela”. 
Qabaailkii ayuu mid walba caayay isaga oo leh “meesha ka kaca, oo kaalaya dagaallama”. Waxa lagu eedeeyay in uu beelihii kale waa caayay.

Kaddibna waxa soo galay nin Dhirbaaxo-jin la yidhaahdo oo Kiiniya joogay, kuna hadlaya magaca Isaaqa. “Aabbahay goblan, haddaanu Isaaq nahay, ma annaga ayuu Majeerteen xumi na caayayaa” wax u dhigma ayuu yidhi oo shan jeer ayuu u jawaabay ninkii Khaliif Sheekh Muumin. Waxa curartay Silsilad Miimley ah oo ah la isku qabiil-caayayo, sidaas awgeed ayaa ay hoos ugu dhacday oo ay uga daaddegtay mustawihii. “Majeerteenkii sida loo galay ma maqasheen? Sida Hawiye loo galay mala socotaan?. Amxaaro ayaad raacdeen” iyo wax la mid ah baa socda, maalmahaasna xoog ayay u socotay.

La soco qaybta labaad idanka Alle.

Siciid Maxamuud Gahayr

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland