Waa Maxay Mucjisada Ku Jirta Heesta Caanka Ah Ee “Walaac Anigoo Ku Seexday”? Waxa Heesta Qaada Maxamed Mooge 

Hargeysa(Hayaannews): Dabcan, Heestan  waxa curiyey Hal abuur, Fayslasuuf, Macallin, Abwaan  Maxamed Ibraahim Warsame( Hadraawi), Alle cimriga, Caafimaadka Iyo cududaba ha u barakeeyo ee Luuqdana waxa saarey, Cabdikariin Qaar Jiir, Waxa si xarrago leh ugu luuqeeya Hoobalkii Caanka ahaa  Alle ha u raxmaado’ ee  Maxamed Mooge liibaan.

Haddii eynu intaas kaga soo gudubno, Hordhaca Heesta, waxa eynu si toos ah u eegi doonaa Mucjisada ey  Xambaarsantahay heestani , Ogoow uma soconno Falanqeynta heesta.

Heestan Waxa uu hal abuurku adeegsanayaa farshaxnimo cajiib ah taas oo ah Waxa loo yaqaan ” Labaaley”‘, waa halka ey ku jirto    farshaxanimada iyo mucjisada heestu. Labaaley: Waxa aan uga jeedaa sida ka muuqataba waa laba meeris/Tuduc oo Haddii gaar loo gu dhawaaqo ama loo Qoro, micno buuxa sidooda u  sameyn kara.

Tusaale, waxa inoo gu filan isla Heesta, Bal u fiirso laba tuduc ama meeris oo kastaa sidooda ayaa ey isku buuxinayaan oo uma baahna Meeris kale!

Walaac anigoo ku seexday

Maxaan walbahaar la toosay.

Labadan meeris miyaa aaney  sidooda micno buuxa u sameynin ! Dabcan Haa Heesta inteeda kale oo dhanna waa sidaa bal u fiirso.

Wareer Anigoo la liita

Maxaan walbahaar la toosay

Maxaan sida weer cadheysan

Saqaa dhexe gaaf wareegay

Intuu waqal ii hilaacey

Maxaan kula roorey weelka

U beydhay wadiiqo leexsan

Waqtigu i tilmaami waayey

Jaceylku muxuu i wiiqey

Muxuu wadnaheyga shiiley

Maxaan shimbiraha wareystay

U dhiibey waraaq daboolan.

Sidaas ayaa ey isku heystaan laba meeris oo kaste ilaa dhamaadka heesta.

Ugu dambeyn, Ogaalkayga ma arag hees sidan oo kale laba meeris oo kastaa isku haystaan laba laba Waad noo sheegi kartaa haddii aad garaneyso.

HALKAN KU DHUFO OO DAAWO:

DHAMAAD, W/ Q :  Sakaria Abdalle.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com