Aqoon aan akhlaaq
lahayni waa geed aan ubax lahayn. Ma dhasho faaiido. Waxa adag adiga oo Islaam
ah, joogana dhul islaam inaad ubadkaaga u geyso gaal aanad fahmi karin
manhajkiisa, rabitaankiisa iyo nooca ilmaha ah ee uu beerayo ama abqaalayo.
Xadiis laga weriyay Nebiga NNKH ayaa “Ubadkiinna ku fara salaadda toddoba jir,
uleeya haddii ay tukan waayayHiilka markay toban jir yihiin, markaasna (10 jir)
u kala sooca jiifka”.
Haddii uu udgoonuhu
inna farayo in wiilasha iyo hablaha; weliba walaalaha ah, la kala seexiyo meelo
kala gaar ah marka ay 10 jir yihiin, bal ka warrama wiilal iyo gabdho geyaan ah
oo loogu talo-galay inay hurdaan qolal isu dhaw oo aan lahayn deyr ama soohdin
iyo dhisme kala celiya. Ma askari ayaa kala dhex taagnaanaya? Maxaa diiday in
sida Dugsiga Sheekh ee SOS la kala sooco dhismeyaasha hurdada iyo wiilasha iyo
hablaha? Ma Injineerkii dhisay ABAARSO TECH ayaa illaaway mise waan lagu amrin?
Waa ceeb in iskuul
noocaas ahi uu ku yaallo Somaliland oo ah dal 100% ummaddiisu muslin tahay,
calankiisa uu tawxiidku ku xardhan yahay, isla markaana aanay jirin sabab ay
ugu habrato habdhaqanka noocan ahi.
Gabadh ka soo
qaybgashay dhegaysigii maxkamadda Rafcaanka ee 18kii Sebtember 2019ka ayaa
tidhi “Waxa dhigan jiray wiil iyo gabadh aan habaryar u ahay. Inantii ayaan
helay, waxaanan ku idhi soo raadi walaalkaa. Sidii ay qolalka wiilasha midba
kol uga eegaysay ayay soo heshay, galabnimo ayaanan booqday. Markii aan arkay
sida ay ragga iyo dumarku isu dhex qaadayaan ayaan labadii arday ka saaray
dugsiga”.