|
|||||
HAYAANNEWS.NET
Af-kala-qaad: (Gabay + Sooyaal Maragfur Ah): Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo duray aabbihii oo geeriyooday 2005!
May 29, 2019 - Written by editor editorIntiinnii “Cimradu waa Cibaado Alle lahaydeey” bal fasira caasinnimadan ugubka ah: Daawo ama akhriso kala-badh bogga kowaad, waad fahmi dulucda IA. Dad badan ayaa doona inay wanaag iigu asteeyaan ama qof xalay-dhalay ah iiga dhigaan Engineer Faysal Cali-Waraabe. Nin qaran oo wanaagsan ayaa xilliyo kala duwan laga dhigaa. Dee haa, waa marka awrka lagu kacsanayo. Anigu maalmihii ay qolada mucaaridka ahi la jireen ee ay lahaayeen “ waa geesi” isla markaana uu Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki ku sheegay “polical prsotitute”, waxa aan raacsanaa Balaaki oo aan lahaa “Wuu cibaadaystay. Ilaahay ajar iyo xasanaad ha ka siiyo”. Inay iska hubsadaan baan jeclaa. “Hoggaamiyaha ruuxiga ah, aayatullaha Somaliland, aabbaha tanaasulka, siyaasiga qaran-jiraha ah” weedho noocaas ah oo lagu maaweeliyo Faysal Cali Xuseen ayaa jira. Ma odhanayo 100% waa qof xun ama wanaagsan, bal se waxa aan iga daaddegin in uu aabbihii duro! Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa “nin aad taqaan, ayaad tahay lama yidhaahdo”. Qiimaynta shakhsiyadda Guddoomiyaha UCID waxa inoogu filan sidii uu Aabbihii Caaqil Cali Xuseen Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e, uu ugu sheegay in uu ahaa nin la adgeesado, isaga oo markaas ahaa nin da’ ah. Marxuunku waxa uu geeriyooday 2005ta, wiilkiisii ayaa iilka kaga daba tegay 14 gu’ kaddib oo 2019ka naxli ku afuufaya. Ninkaas waalidkii oo aan noolayn buuriga ka tufaya ayay qaar dhibsanayaan weedhiisa iyo wejiyo-badnaantiisa. Faysal Cali Waraabe waxa uu yidhi “Aabbahay baan ka diiday markay isticmaalayeen ee ay lahaayeen waa odayga ugu weyn (Garaxajis)” adeer aabbahaa oo dhintay ha caayin. Nin weyn, caaqil ah, talada gooya oo hoggaamiye ah buu ahaa. Yaa adeegsanayay? Aragti uu wax ku diido waxna ku doono ayuu lahaa. Marxuun Caaqil Cali Xuseen (Cali-Waraabe) inta aan qof ahaantayda nolol ku soo gaadhay way kooban tahay, ma arkin, lama sheekaysan, mana hor joogsan, haddana warkiisu ima seeggana. Waxa aan se hayaa dhacdooyin dhawr ah oo uu ka warramay Marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ay ahaayeen ilmaadeer iyo saaxiib wada shaqeeyay muddo dheer. Caaqil Cali Xuseen wuxuu ka mid ahaa waxgaradkii Soomaaliyeed ee 1946kii ka qayb galay shirkii wada-tashiga aayaha Soomaalida ee Ingiriisku ku qabtay Hara-digeed 1946kii, waxa ku kulmay Soomaalida ku kala nool Soomaaliya, Somaliland, NFD iyo DDSI. Ma sii gelayo faahfaahintiisa. Cali-Waraabe waxa uu ka mid ahaa raggii ku baaqi jiray in wax la baro ubadka xilligii uu Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye diiday in jaaamacad Ingiriisku ka dhiso Somaliland, isla markaana uu ku baaqay in ubadka laga saaro dugsiyada. Ololahaas ka dhanka ah Suldaanka waxa Caaqil Cali Xuseen, Xaaji Cabdi iyo cuqaal kale ka soo gaadhay waxyeello aan badnayn. Marka laga yimaaddo labadaas dhacdo, waxa aan ku xoojinayaa toosintii uu Caaqil Cali Xuseen (Cali-Waraabe) ka geystay talo-bixin ay reer Hargeysa ka dhiibanayeen ninka loo doorayo/xulayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya, xilligii uu Madaxweynaha ahaa Marxuun Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde)…. Waa tan: Markii uu geeriyooday Janankii ciidamada Soomaaliya ee Janan Daa’uud ayaa waxa kaalintiisii u tartamay Maxamed Liqliqato iyo Maxamed Siyaad Barre. Aadan-Cadde oo markaas ahaa madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala doorashada labadaas nin kala tashaday wax-garadkii Hargeysa, kuwaas oo shir wada-tashi kugalay aqalka badhasaabka. Markii la waraystay badhasaabkii iyo dadkii aqoonta u lahaa labada nin oo uu ka mid yahay Koofiyad-cadde, ayaa waxa la sheegay in uu Maxamed-Liqliqato aqoon badan leeyahay, Maxamed Siyaadna uu yahay geesi ku-dhac leh. Dadkii Hargeysina waxa ay isku raaceen in ay doortaan Maxamed Siyaad, waxaana la isku dardaaray in taarar loo diro Muqdisho. Taararkaas waxa kala diray Culimo-aw-diinkii Ansaaru-Diinka, Dhallinyarada, Ganacsatada oo uu madax u ahaa Xaaji Ismaaciil Yoonis (Xaaji Gaydh) iyo madax-dhaqameedka oo uu hormood u ahaa Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ayna doorteen Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye iyo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, sidaas ayaanay reer Hargeysi Aadan-Cadde ugula taliyeen in uu jananka ciidamada u magacaabo Maxamed Siyaad Barre. Markii waraaqda la qoray ayuu Caaqil Cali Xuseen “Cali-waraabe”, oo shirka ka daahay dadkii weydiiyay magaca waraaqda lagu qoray, waxaana loo sheegay in lagu qoray Maxamed. Kaddib waxa uu Cali-Waraabe yidhi “Waar labada ninba Maxamed ayaa la yidhaahdaa ee Af-weyne ku qora”. Xaaji Cabdi waxa uu ku noqday inankii waraaqda garaacayay, waxaanu ku yidhi “waxaad ku qortaa Maxamed Siyaad Barre (Af-weyne)”. Sidaas ayaana dhambaalkii lagu diray xilkiina loogu magacaabay Maxamed Siyaad. Ma halyeyga sidaas wax u toosinaya ayuu wiilkiisii Faysal durayaa? Ma halkii uu kaga faani lahaa ayuu fidno-wade ka dhigayaa? Weedhaasi Allaan idinku dhaarshaye, ma wax meesha qabtaa? Nin ka yaabban in uu Faysal Cali Xuseen aabbihii duro, oo ku halqabsanaya Xasan Cabdiqaaddir Yuusuf ( Hassan Garnayl) ayaa tiriyay gabaygan magaciisu yahay af-kala-qaad! Waxa uu yidhi: Adduunyada hadduu Cali Xuseen, eegga nala joogo Ma af Faysal Cali leeyahaa, “oohow” lagu joojin Odayada xogtoodiyo haddaan, ereyo faalleeyo UCID-dhadhiye weedhuu ku yidhi, waa af-kala-qalaade Waxse jiray amuur ay dhammaan, wada ilduufeene Idilkood markii buu xasuus, duulki oogsade Axdi ma lihid been-sheegahaan, oofin wacadkiiye Siciid Maxamuud GahayrCOMMENTS
|
|||||
|