Afartan-guuradii Qoraalka Afka Soomaaliga: U Duulitaankii Jabuuti iyo Hannaankii Ambabaxa (Qormada 1aad)

Maanta oo sooyaalku yahay 17kii Disember 2020ka waxa uu ku beeganyahay sannad-guurada 48aad ee qoraalka Farsoomaalida iyo siddeedgurada shirkii ugu ballaadhnaa ee lagu faaqido afka Soomaaliga tan iyo markii ay dhacday ama ay jidka toosan ka baydhay xukuumaddu kacaanku 1988-1991kii.

Dhawr qormo ayaan maskaxda ka tuujin doonaa, kuwaas oo ku aaddanaa qabsoomiddii shirkaas, tegitaankaygii, wixii la isla qaatay, waxa qabsoomay, qabyada iyo sida loo qummin karo, waana tan tii kowaad:

2011kii ayaa aan xidhiidh toos ah iyo wadashaqayn la yeeshay Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed ee SOMALI PEN. Waa markii daabacaadda loo diray buugga kowaad ee aan qoro, laba kalena ay ii diyaar ahaayeen.

Laantiisa Somaliland waxa ay lahayd qaab-dhismeed ah

  1. Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Guddoomiye
  2. Farduus Siciid Dirir Guddoomiye ku xigeen
  3. Sacdiya Axmed Agaasime
  4. Abwaan Axmed Aw Geeddi

Madalo suugaan ah, isku day xafiis in la furo ah, qorsheyaal kala duwan oo hirgal iyo dhicis noqdayba waa aanu dhignay. Kolkaas xubin guud baan ahaa, in aan rasmi ugu biiro ayaan filayay. Soo-dhaweynta madaxda ururka ee Hargeysa timaadda ayaan ka qaybqaadan jiray iyo hadba wixii hawl taagan. Laba dhinac oo la kala ahaaba waanu isku fiicnayn.

Wax arrimuhu soo jiitamaan……… 13kii Oktoobar 2012ka ayaa buugga Culuumta Maansada lagu daahfuray magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybalay dad kala geddisan. Maalmahaas ayaa ay Guddoomiye Amina Fardus Dirir ii sheegtay in dabayaqaada 2012ka lagu qabanayo Jabuuti afartanguurada qoraalka afka Soomaaliga, waxaanay ii bushaaraysay in aan ka mid noqon doono dadka ka qaybgelaya. Buugaagta lagu bandhigi doono kulannada ayaa lagu daray Culuumta Maansada.

Galabtii ay taariikhdu ahayd 12kii Disember 2012ka ayay Farduus Siciid Dirir igu wargelisay in aanu u baxaynno berri arooryada Jabuuti aniga oo markaas Wargeyska Haafuf la joogay bareyaal iyo suxufiyiin aanu jaal dhaw nahay oo la kala yidhaahdo Axmed Yaasiin Dool Cabdiraxmaan-Buraale, Xasan Xuseen Keefkeef iyo qaar kale. Halkaas oo aanu kaga qaybgalaynnay sidii qorshuhu ahaa xuska 40 sanno guurada qoraalka Afka Soomaaliga iyo hawlo kale.

Waxa aan bilaabay inaan diyaar-garoobo. Dal-ku-gal (passport) iga dhacsanaa ayaan cusboonaysiiyay, nuqullo buugga CULUUMTA MAANSADA ah ayaan ka soo qaaday Red Sea Online, agabkii kale ee safarkana xaafadda ayaa ii diyaarisay. Ehel, asxaab iyo akhyaarta aanu isu dhawnahay inta wakhtigu ii saamaxay waxa aan ku nabaadiineeyay duco iyo salaan aan uga diray moobilka taas oo ahayd sms, qaar badanina waa ii fal-celiyeen.

Markii ay goorsheegtu ahayd abbaaro 01:10 habeennimo ayuu baska Daallo naga qaaday Hargeysa annaga guure ku galnay Berbera 04:20 aroornimo. Subaxnimadii hore ee 13ka Disember 2013ka, ayaa ay diyaaraddu ka haadday Madaarka Saaxil, iyada oo Jabuuti caga-dhigatay 08:30 waxa halkaa noogu diyaar ahaa gaadhi ay Somali Pen noo heenseeyeen. Baabuurkii ayaanu guudka uga baxnay, waxaa nala dejiyay Hotel noo darbanaa oo ah Darasalaam.

Waa hoyga ku caan-baxay xayeysiiska uu suxufiga iyo abwaanka weyn ee Ali Rabi  (Seenyo) ka baahin jiray HCTV ee ah.

Furaashyada hiigmay iyo

Sariiro habtii la dhigay

Qaarbaa weli haysta oo

Hudheellana loo yaqaan!

Habeekaad seexatay

Feedhuhu ku hagaagmayaan

“Hoh” iyo “caku” baad tidhaa

Adoo hiinraagayaad

Salaadda ka haajirtaa

Hudheello iskuma jiraan

Anigu waxan kuu hayaa

Horseedkii maanta iyo

Hoygii raaxada dalkoo

Haddeer la dhisoo qashtiya!…….. Daarasalaam Hotel

Duullimaadka waxa igu wehelinayay mudan suugaaneed, marti-sharaf iyo qoraayo ay ka mid yihiin:

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganey)

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale ( Boobe)

Abwaan Aadan Tarabbi Jaamac

Abwaan Abwaan Ahmed Aw Geeddi (Dheeraad)]

Axmed (Shiraac)

Dr Cabdi Xuseen Gaas, Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa

Prof Xuseen Cabdillaahi Maxamed,  Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Admas

Farduus Siciid Dirir

Sacdiya Axmed

Sahra Ladan Cali  ikk

Xilli ka horraysa markan ma dhex-gelin Jabuuti, waxaanse gudub (transit) ku maray madaarkeeda 24kii Juun/2006da kolkaas oo aan u sii jeeday dalka Baakistaan. Xilligaas waxa lagu jiray xagaa waxaana ku leefayay suudiga iyo sammadda xeebta ka aloosay.

Markanse waxa ay ahayd jiilaal heerkulkuna waa hooseeyay, waana cimilo u dhawayd ta Hargeysa. Waa magaalo aan ku leeyahay saaxiib iyo xigaal door ah. Ma dareemin qalo iyo inaan tegay meel igu cusub. Dadkii u horreeyay ee aan kula kulmay Cabdalle Xaaji Cismaan Ceeleeye oo ah qoraa, cilmibaadhe iyo suxufi ka tirsanaa RTD.

 

La soco qaybta 2aad idanka Alle

Siciid Maxamuud Gahayr

#Hayaannews,Office

Hargeysa, Somaliland

Emai: Hayaannewssoma@gmail.com