Alle Ha U Naxariiste General Ismaaciil Ahmed Ismaaciil Oo Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Muqdisho(Hayaannews); Alle ha u naxariiste General Ismaaciil Axmed Ismaaciil ayaa caawa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, wuxuu ahaa asaasayaashii ciidanka Asluubta  Soomaaliya  waxaanu ahaa taliyihii ciidankaasi ee ugu waqtiga dheeraa.

Marxuumku waxa uu ahaa nin qaranka Soomaaliya shaqo baddan u soo qabtay oo ciidamada  sumcad fiican ku dhex leh ayuu ahaa aadna looga jeclaa.

Alle ha janneeyo Marxuum Ismaaciil Axmed Ismaaciil Ehelka iyo, Qaraabada, Asxaabtii iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan dhab ah ha waafajiyo, marxuumkana guri iyo gogol uga wanaagsan tii afka ha muhiibsiiyo.

Aamiin…………….Aamiin…………………….Rabbi.