Aragtiyaha Ha La Isku Ixtiraamo!

Hot news conceptual logo composed using breaking live news writing and press microphones. Global broadcasting theme illustration.

Hannaanka Dimuqraadigu waa laba mid uun. Waa ta koowaad ee waa Dimuqraadiga Tooska ah (Direct Democracy). Kan muwaadiniintu waxa ay su’aal ka keeni karaan siyaasad, xeer, go’aan iyo habka siyaasiga ah ee dalkooda, maadaama ay yihiin isha awoodda dawladnimo (Sovereign power/popularity), waa haddii ay dareemaan in hannaanka siyaasiga ah ee jiraa siyaasadaha ay fulinayaan amma xeerarka ay sameeyaan ka soo horjeedo ujeeddada ay awoodooda u bixiyeen ee ku qotonta dastuurka. Markaa waxa hannaan cod ahaan ah oo sababaysan ku gudbinayaan arrinkay tabashada ka qabaan, haddii laga jawaabi waayana waxa ay qadaan tallaabooyinka kale ee sharcigu u ogol yahay sida in ay Maxkamad Dastuuri ah codsigooda (Petion) u gudbiyaan wali ba hannaan dacwadeed, kadibna la eego sharcinimada arrinkaas (Legality of the act), haddii kalena mudaharaad salmi ah oo ay danayntooda ku muujinayaan.

Waa ta labaad ee waa Dimuqraadiga Wakiilashada (Representative Democracy). Hannaankan muwaadiniintu waxa ay codkooda sii mariyaan amma ku metela wakiillada doorteen ee siyaasiga ah. Haddii ay jidkii loo doortay ka leexdana muwaadiniintu xaq bay u leeyihiin in ay wax iska waydiiyaan waxa tabashadoodu ku qotonto.

Haa waa run oo Somaliland waxay ka timid maangad ilaa qaran dimuqraadi ah, taasna su’aal kuma jirto, balse cida dhisatay waa muwaadiniinta ee garo oo wadajir la’aanteed wax ba ma ay socdeen.

Haddii aad dib ugu noqoto Axdi Qarameedkii (1993) ee dastuurkan bud-dhiga u ahaa waxa aad dareemaysaa in ahmiyadu ahayd nabad iyo wada noolaanshaha bulshada maadama colaado, burbur iyo dagaallo sokeeye la soo maray, la isna cafiyo.

Sidoo kale haddii aad u fiirsato Araarta (Preamble) dastuurka oo ah qayb muhiim ah dastuurka ka mid ah, lagana fahmo ujeeddada dastuurka, raadadka tasriikh ee bulshadu soo martay iyo halka loo socdo, waxa laba tuduc oo ka mid ah odhanayaan

“IYADOO UU HIGSANAYO dawladnimo ummadda wada deeqda, oo Ia mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad”

“IYADOO UU YAQINSAN YAHAY in lagu gaadhi karo degganaansho iyo xasillooni waarta, is-waafajinta Ia is-waafajiyo dhaqan-maamuleedka dalka iyo caqiidada ummadda.”

Taas way caddahay oo hannaankeena siyaasiga ah waynu is waydiin karnaa gudaheena oo aragti iyo danayn waa laga yeelan karaa oo dastuurkeenna ku dhisan ixtiraamida rayi cabirista.

Mid aan ogaanno dastuurku waa qoofal (Skeleton) oo wuxuu dhisaa dawladda, xadidaa awoodaha hay’adaha dawliga si looga ilaaliyo in aanay dhaafin xayndabka u yaal  (Limiting government powers), iyadoo ujeeddadu tahay in muwaadiniinta la ilaaliyo xuquuqahooda oo laga xayndaabo  awoodda dawladda si aanay ugu tacadiyin iyo in sidoo kale dayr loo kala sameeyo laamaha dawladda si awoodahoodu is dhaafin. Waa dhukumanti amma heshiis bulsheed oo lagu maamulayo hannaanka siyaasiga ah si hadafka siyaasiga ah ee loo wada socdo loo gaadho.

Sidoo kale dastuurku wuxuu tibaaxa oo meel u banneeyaan (Constitutional space) shuruucda ka farcamaaya ee arrimaha dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo siyaasiga ah lagu dhaqaayo.

Markaa mar wal ba muwaadiniinta waa mid u bannaan in ay wax iska waydiiyaan sida iyo jihada siyaasadda lagu hagayaa u socota; ma mid jid horumar ah qaaday baa? Mise waa mid toobiye qaloocan ku socota? Halkay wax inoo marayaan, halkeese aan rabnaa?

Waxa kaliya ee aan bannaanayn oo lama  taabtaan amma xuduud xidhan  in wax laga beddelo arrimahan uu qodobka 127aad ee dastuurku dhigaayo:  “Ma bannaana in soo jeedinta wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurku ay xambaarsanaato nuxur ka soo horjeeda:

  1. Mabaadi’da Shareecadda Islaamka.
  2. Midnimada dalka ( Israacsanaanta dhul-ahaaneed ).
  3. Mabaadi’da talo-wadaagga iyo hannaanka xisbiyada badan.
  4. Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyaadka qofka.”

Wixii intaa ka baxsan soo jeedin iyo tallo waa laga yeelan karaa. Haddaba, waxa kaliya een u baahanahay waa in aragtiyaha iska soo horjeeda la isku ixtiraamo.

 

Haddii aad wax tabasho ah qabto  ogow mid kalaa la dhacsan oo siduu u difaacan lahaa falawgeed ku jira, sababtoo ah dabeecada aadamuhu abuuran yahay baa ah in mid wax saluugo, midna la dhacsanaado, mid ajendayaal baahidiisa ku tolon doono oo ajende kasta ku soo hoos qariyo dantiisa, midna dan guud ka shaqeeyo. Ha la is qanciyo oo bisayl uun ha la muujiyo.#Hayaannews

Midna waa iga su’aal iyadoo baahiyo kale oo aasaasi ah ka hadalkeedu bannaan yahay siyaasadda guud maxa loogu dawakha? Tusaale ahaan, baahiyo biyo, kuwo caafimaad amma wax barasho cid sidaa uga hadlaysa ma haysaan?

Ibraahim Khadar Siciid

#Mustafe_janaale.

#Hayaannews, Office

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net Oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com