“Axmed Cismaan Geellena waxa uu Helay ciidamo malaa’igeen oo ka Badan kuwa Shirqoolka Walaandaynaya Ee Djibouti iyo Hargeysa U Dhexeeya”

Hore ayaynu u aragnay, una sheegnay in warqaddii been abuurka ahayd ee la wareejinayey loogu talo galay in rayal caamka lagu habaabiyo si xaqiiqada soo baxday looga qariyo.

Cidda warqaddaas qortay ee faafisay waa isla cidda la hadaafaysa shirqoolkan iyo dhagartan loo soo maleegey ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Xag Alle ayay ka fashilantay, deedna waxa la soo saaray warqaddii beenta ahayd oo lagu beegay oo lagu tashuushadaynayey hadalkii dareenka lahaa ee odayaasha birmageydada ahi soo bandhigeen.

Warqadda dhabta ah ee odayaasha gaadhey ee fadhiga ka soo kicisay waa warqaddan hadda suuqa soo gashay ee FB-ga lagu faafiyey.

Djibouti bay ka timi, Faransiisna waa ay ku qoran tahay, waa yeedhmo si xukun loogu qaadi Axmed Cismaan Geelle.

Wasaaradaha dibedda iyo caddaaladda ee Somaliland ayaa warqadda dhabarkeeda ku cad in ay tastiiqiyeen 14.02.2019.

Wasiirka guduhuna waxa uu maanta sheegay in arrintaas aanay waxba ka jirin oo meesha ay ku soo horrayn lahayd haddii warqadi jirto ay wasaaraddiisa ahaan lahayd.

Fallaadhi se gilgilasho kaagama go’do.

Qolyaha jiritaanka arrintan u beeninaya 1da April (maalintii beenta waxan loogu yeedho) iyo warqaddaas been abuurka ahna waa laba oo qolo waa dan iyo wanaag jeclayaal leh “Allow been ka dhig arrintan dhegxumada ku ah Somaliland iyo dawladnimadeeda”, qolada kale waa “shirqoolka iyo mu’amaradda kuwii samaynayey oo doonaya in ay runta murgiyaan ama lumiyaan”.

Cadceedda se gacmo laguma qarin karo, Axmed Cismaan Geellena waxa uu helay ciidamo malaa’igeen oo ka badan kuwa shirqoolka walaandaynaya ee Djibouti iyo Hargeysa u dhexeeya.

“Qudhun buu far geliyaa

Marka gacal la yaabuu

Guudkiisa mariyaa!”

Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Hadhwanaagnews, Office