Bandhigga Buugtu Waa Guul Lagu Wada Farxo

Shan iyo labaatan sannadood ka hor ayaa waxa igu soo mudh yidhi wiil yar oo aad u firfircoon. Dhiirran oo weydiin badan. Meel aanan magaceeda hore u maqal ayuu degganaa. Xisaab ayuu jaamacad ka marsan jiray.

Anigu waagaas tororogta ayaan aad ugu foognaa. Gabayga iyo heesta ayaan shubaalin jiray. Somaliland qaddiyad la yidhaahdo na tuurta ayaan ku sitay.#Hayaannews.net

Afar iyo toban sannadood ka hor ayuu wiilkii, oo doorkan Jaamac Muuse aan u bartay, abaabulay bandhigga buugaagta Hargeysa.

Bilowgii hore waxan u haystay fikradda Jaamac tororogtayda oo kale. Gu iyo laba ka dib waxa jiibta iyo jaanta is la helay buugaag geeddi ah, bari iyo galbeed.

In akhrisku bato, afka hooyo wax la gu qoro, garaadka wax curiyaa cartamo ayaa ka hulaaqay dabkii Jaamac shiday.

Waxa halkaas ka dhashay bandhigga buugaagta ee Hargeysa iyo xarunta dhaqanka ee fududaysa qabashada madashaas sannadlaha ah.

Guusha koowaad ee dedaalkii wiilka yar, ee Pisa ka soo baqoolay, curiyay ka dhalatay waxay noqotay tobannaan halabuur oo qoraalcurinta ku xarragooda, agagaarkayga na hadda tuban.

Guusha labaad waxay noqotay allifaadda bandhigyada buugaagta ee degaannada Soomaalida ku fiday.

Guusha saddexaad ee dedaalka Jaamac Yare ka timi waa ogaalka iyo baraarugga dadyow badan oo qalaalood ku barteen curinta iyo farshaxanka isirka Soomaalida.

Intaas ba dedaalka Jaamac la’aantii la ma heleen.

Sidee hadda ba bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaan reer Hargeysa, u qiimeeyeen dadaalka Jaamac guud ahaan, iyo gaar ahaan hawsha akhriska, qoraalcurinta iyo farshaxanka ee xarunta dhaqanku horseedka ka tahay.

Horta sideeda ba qof ama koox hawl baaxaddaas oo kale leh u babac dhigay ma dhaliil la’aan karo. Dhaliil meel la ga waayay waa meel aan hawl loo dhididay ama dhafray ka fulin.

Dhaliishu kolkaas, iyo canaantu ba waa ina daanweyne, mid daw ah iyo mid madalhufsan ba.

Weydiinteennu na taas ma aha, weydiinteennu waa ogaanshaha ama abaalgudka hawsha intan le’eg bulsho ahaan loo gu hayo qofkii abyay ee abaabulay.

Halkan weeye meesha taranta anfariirka leh inaga ga soo mudh odhanaysaa.

Marka dunida aamusan ee aan sharkeeda iyo samaheeda mid na kor u qaadin la ga tago, ee loo gonda dego ra’yiga qoran, odhaahda ah ama muuqda ee xarunta dhaqanka, bandhigga buugaagta iyo curiyaheeda laga dhiibto, waxa kuu muuqanaya abaalgad xaadurnimo ah oo gobannimada baal marsan.

Weerarrada bandhigga buugaagta, xarunta dhaqanka iyo Jaamac Muuse Jaamac la gu oogaa ma aha daw, dhaliil ma aha, dhaleecayn ma aha, xitaa magac loo bixiyo oo aan tilmaami karaa ma jiro.

Waxa keli ah oo falalka noocaas ah iiga soo dhiraandhirmaa waa dhaqan, Soomaali ahaan, inagu badan oo ah: wax shaqaynaya haddii la arko waa in ay duntaa.

Afka Soomaaligu halis buu ku jiraa uu ku doorsoomo ama xitaa ku baaba’o. Suugaanteennu sidii ay u shaxshax iyo xarrago badnayd ma aha. Dhaqankii guunka ahaa kaydintiisa iyo keenna casriga ah maarayntiisa talo inoo ga taallaa ma jirto.

Haddii aad dhugmo u yeelato, oo in yar xiskaaga oo aan wax kale ku marnayn siiso kaydka xarunta dhaqanka, bandhigga buugaagta iyo Jaamac Muuse ka reebeen haldoor magac iyo sooyaal ku lahaa bulshadeenna, waxa kuu soo baxaya abaalka la inagu leeyahay.

Hadal iyo murti, hawl qaran u aayo qof ama koox tuurta u ridatay talo seegta iyo arrin ka qalloocata inta ba waa yeelan karaan, se dedaalkaas daadafayntiisu cid keli ah uun bay dan u tahay: cid dhaqankaaga, afkaaga, sooyaalkaaga iyo isirkaaga mid na ba inuu suulo aan ilmo u qubayn.

Cabdilaahi Cawad Cige

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com