C A A S H A  B A D H I D A W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

Waa mid ka mid ah boqortooyada xayawaanka (Animal Kingdom). Bahda lafdhabarleyda ah (Chordata). Gaar ahaan bahweynta xammaaratada (Reptilia). Sidoo kale waxay ka tirsan tahay qoyska: (Squamata) kaas oo ay ku midaysan yihiin bahda Mulacyada (lizards) iyo Masasku (snakes). Caash-badhida waxay kamid tahay jilibka hoose ee mulacyada (Agama). Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (dwarf shield-tailed agama). Asal ahaan waxay kasoo jeedaa qaaradda afrika gaar ahaan dhulalka Itoobiya iyo Soomaaalida. Luuqadda ingiriisida waxaa looyaqaannaa (Xenagama taylori) ama (shield-tailed agama), halka afka soomaaligana looyaqaanno Caasha-badhi ama Dabasaqaf .

Waxa ay ku nooshahay dhulalka oomanaha ah (Arid regions), dhulka buuraleyda ah iyo dhulka bacaadka ah, kaas oo leh ciid adag. Waxay leedahay madax yar iyo afar lugood oo gaagaaban, iyo dib yar oo dhuuban. sidoo kale waxay leedahay 40 hiddo-side. Caasha-badhida ta lab ayaa ka weyn ta dheddig. Waxayna leedahay dahaadh ama qolof sarre oo adag. waxay dhashaa marka kali ah 8 midh oo beed ah, kuwaas oo ay ka dilaacaan afar ama shan midh. Badanaa tadheddig waxay aastaa beedka markay dhasho ilaa 8 ilaa 10 senti mitir oo dhulka hoostiisa ah. sidoo kale ka lab waxa uu xagga hoose ku leeyahay midab buluug ah kaas lagaga garto ta dheddig. #Hayaannews

Caasha-badhidu markay qaangaadho dhererkeedu wuxuu gaadhaa 10 senti mitir. halka culayskeeduna gaadho saddex garaam. Caasha-badhidu waxay badanaa u hooyataa godadka hoostooda kuwaas oo kuyaala meelaha geed gaabka ah ama buuraha hoostooda. wuxuuna jidhkeedu u adkaysan karaa dhulka heerkulkiisu yahay: 45 ilaa 50 digrii. inkastoo badanaa uu celcelis ahaan u dhaxeeyo 25 ilaa 35 digrii. waxay qudataa badanaa: cayayaanka iyo xasharaadka (’insectivorous) iyo qaybo ka mid ah caleemaha dhirta cagaaran iyo midhaha. Waxayna wax quudataa maalintii (Diurnal).

Caasha-badhidu waa xayawaannada u kora si dhakhso ah. waxa ay dibkeeda danbe iskaga difaaca xayawaannada wax ugaadhsada habeenkii, taas oo kusoo awda afka laga soo galo, godka ay u hooyato. Nin saynis yahan ah oo lagu magacaabo (Tomas Mazur) kaas oo u dhashay jamuuriyadda jeek, kunna takhasusay cilmiga xammaaratada: (Herpetology) ayaa waxa uu cadeeyay in laba nooc oo kamid ah caasha-badhida laga helo deegaanada soomaalida, kuwaas oo kala ah (Xenagama batillifera, iyo Xenagama taylori).

Caasha-badhidu waxay ka mid tahay xayawaannada leh dhiigga qabow (Cold blooded). Sidoo kale waxay Ku jirta qoyska weyn ee Mulacyadda (Lizards family) kuwaas oo laga helo dhulka soomaalida waxaana kamid ah: Malowga, Goodaadda, Siilaanyadda, Qorrotada, Geelkaga cabaadista, Qulka, Buuryo jebiska, Wasakhadda, Xayraxadaha iyo Mascagaleydda ama Masalugoleydda. Ugu danbayntii waxaa saddexdii sanno ee ugu danbeeyay Soo noqnoqday, dhacdooyin lagu qabtay caasha-badhi waddanka lagaga dhoofinayay si aan sharciga waafaqsanayn, taas oo aan la garanayn sababta iyo waxyaabaha loo adeegsanaayo toonna. baadhitaano aan sameeyay weli kumaan guuleysan in aan si rasmi ah u ogaado xikmada Ku jirta xammaaratadan cajiibka ah.

Mayeedhaan Magazine.

dribraahimm@gmail.com

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com