‘Caadifadda’ iyo ‘Siyaasadda’! Qalinkii Maxamed Haaruun Biixi

Aqoonyahan Mohamed Haaruun Biixi

 Labadaasi waa isu col. Dadka intooda caqli lihi waa kala ilaaliyaan. Kolka ay labadaasi isu fakadaan, gaar ahaan kolka ‘Caadifaddu’ gacanta sare yeelato, natiijo aan la mahadin baa laga dhaxlaa. Intaas oo tusaale oo aanu midna kan kale ka dhicin baa la heli karaa, sheekada UK iyo ka bixista Yurub baana u dambaysay. Haatan waxa meel aad u adag maraaya heshiiskii saldhigga u noqon lahaa xidhiidhka labada dhinac ee UK iyo Yurub, gaar ahaan ganacsiga oo ah kan xukuma wax kasta oo kale ba. Wadahadal aan waxba la isula hadhin ayaa usbuucii ina dhaafay ka socday London, waana la is mari waayay. Boris Jonson iyo Hogaamiyaha midowga Yurub ayaa soo faragaliyay wadahadalada, iyaka oo Axaddii iyo Isniintii ba tel ka ku wada hadlay, waa se is mari waayeen iyaku na. Boris Jonson waxa uu xalay sheegay in uu Brussels u safraayo dhamaadka usbuucan, si uu fool-ka-fool ula soo xaajoodo siyaasiyiinta Yurub, waxa ay se u egtahay isku day daciif ah.

Hadaba, maxaa la isku hayaa? Xukuumadda UK waxa ay doonaysaa laba aan is qaban karayn in ay is qabadsiiso  – in ay midowgii ka baxdo, oo iska dul qaaddo waajibaadkii xubinimada la socday oo dhan, isla markaana, ay hesho nacfigii ka mid ahaanshaha midowga, taas oo ay u horayso adeegsiga suuqa balaadhan ee Yurub. Siyaasiyiinta UK haatan hogaamisa ee Brexiters ka loo yaqaan, waxa ay rabaan in ay xaqiijiyaan asbaabtii ay midowga uga baxeen, kuwaas oo ahaa in waddan ahaan ay u madax banaanadaan siyaasadahooda dhaqaale ee gudaha, ganacsiga ay caalamka kale la leeyihiin iyo shuruucda ay ku dhaqmayaan intaba. Intii ay midowga ku jireen, intaas midnaba ma u madax banaanayn oo waxa laga go’aamin jiray dhinaca Brussels. Hadda midowgii UK waa ka baxday, laakiin waxa aad u adag, amaba mustaxiil ku dhow in la is waafajiyo rabitaanada is diidan ee aan tilmaamay. Saddex qodob oo labada dhinac ba dacarta kaga qadhaadh, oo aanay liqi karaynin baa hor yaalla. Xuquuqda kaluumaysiga ee biyaha UK ay Yurubiyanku ku yeelan doonaan, ganacsi aanay xukuumaduhu faragalin ku lahayn iyo tartan siman sidii loo abuuri lahaa, iyo tan u dambaysa oo ah sidii loogu heshiin lahaa nidaamka lagu maamulaayo heshiisyada la gaadho, amaba sida iyo cidda ka gar naqaysa wixii la isku qabto. Xukuumadda UK waxa ay sheegtay in aanay marnaba tanaasul ka samaynayn qodobadan, hadii ay samayso na, ay toos u burinayso ujeedkii Yurub looga baxay kolkii hore ba.

Geestooda, Yurubiyan ku waxa ay leeyihiin marnaba ma ogolaan karno in UK ay hesho waxa ay rabto iyada oo midowgii na ka baxday. Waxa ay si cad u sheegaan hadii taas la yeelo, in midowga intiisa kale na kala dhaqaaqayso, oo waddan waliba bixitaan u xidhxidhanaayo, heshiiska UK laga ogolaaday oo kale na dalban doono. Waxa ay leeyihiin UK boqolkii lixdan in ka badan badeecadaheeda waxa ay u suuq gaysaa wadamada Yurub si cashuur la’aan ah, taasna ma heli doonto hadii aanay shuruudaha Yurubiyan ka aqbalin. Badeecadaha UK hadii Yururbiyan ku ay cashuur ku soo rogaan, shirkadaha UK alaabtoodu qaali ayay noqon oo suuqyada Yurub dhexdooda kuma tartami karaan, suuq kale oo badeecadaha UK loo hayaa na ma jiro. Tani waxa ay keeni dhaqaale burbur wayn, dooddii Yurub looga baxay ee ahayd madax-banaani deennii ayaynu la soo noqonay na, markan oo kale waxba ma tarayso.

Al-muhim, UK laba daran baa isu garab yaalla – in ay shuruudaha Yurubiyan ka aqbasho oo danaheeda dhaqaale badbaadiso, una diyaar noqoto waji gabax siyaasadeed oo gudaha ah; iyo in ay teeda ku adkaysato, oo bilaa heshiis kaga baxdo Yurub (No deal option), labadu na waa kala daranyihiin. Geesta kale, Donald Trump oo dabada ka riixaayay kala bixista Yurub, oo si cad u yidhi UK waa ku hagaagsantahay in ay baxday, inta kale na ha kala tagto, meeshii wuu ka baxay. USA waxa taladii la wareegaaya nin aan bixitaanka UK la haynin sidii Obama oo kale. Trump waxa uu Boris Jonson ugu qalbi qaboojin jiray anaka ayaa garabkiina ah, suuqyada USA ayaanan bilaa cashuur idiinku furaynaa ee ha u biqina Yurub. Hadda taasi waa is bedeshay oo Trump waa shaydaan la naaray oo kale, ninka cusubi na waxaas ma qoraayo. Jonson iyo kooxdiisii waa ku adagtay xaaladdu maanta, xisbigayagii Danyarta iyo Shaqaaluhu na, gees buu ka fiirsanayaa waxa dahcaaya. Siyaasad caadifad lagu disay, abidkeedba dib ayay ka soo fool xumaataa, waxaana adkaata in la yidhaahdo jid qaldan baan marnay kolkii hore ee dib inoo celiya. Aan dhawrno caadifadda iyo caqliga ka xoog roonaada.

 

Qalinkii: Maxamed Haaruun Biixi

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com