Caqabaha Hortaagan Doorashada Golaha Wakiilada Oo 14 jirsatay iyo Dooda Saami qaybsiga.


Xikmad somaaliyeed ayaa tidhaa “Duruufi Xeerka Ka Wayn”

Bishii February 2005, waxaa golihii wakiillada ee Somaliland ee xilligaas jiray uu ansixiyey Xeer Lr. 20/2005 kaas oo ay ku jireen qodobo caqabad ku noqonayey qabsoomidda doorashadii golaha wakiillada ee la filayey inay dhacdo isla sanadkaas, waxaana qodobada caqabadda ku ahaa doorashada ee ku jiray xeerkaas doorashada ka mid ahaa qodobo ay tahay in la fuliyo ka hor doorashada oo ay ka mid yihiin:

1. Inay mudan tahay in la sameeyo diiwaangelin codbixiye,
2. In la sameeyo tirakoob dadweyne,
3. Sugidda xuduudaha dalka
4. In la kala xadeeyo degmooyinka cusub.

Qodobadaas kor ku xusan, dhamaantood waxay ahaayeen caqabado waaweyn oo dabar ku ahaa in doorashada baarlamaanku ay dhacdo sannadkii 2005, hase ahaatee Madaxweynihii Somaliland ee xilligaas Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu 19kii bisha Feb. 2005 uu qoraal u diray xafiiskii Xeer ilaalinta iyada oo xeer ilaalintuna ay maalin ka dib u gudbisay Maxkamaddii Dastuuriga ahayd dacwad nuxurkeedu ahaa in golaha wakiilladu ay ku xadgudbeen xuquuqdii muwaadinka ee ahayd in la doorto ama uu wax doorto. Sidaas awgeed waxay maxkamadda ka codsadeen inay laasho qodobo ku xusnaa xeerkii Doorashada ee Baarlamaankii waqtigaas ansixiyeen, kaas oo ay xukuumaddii Daahir Rayaale u arkaysay inay caqabad ku yihiin qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada..

Wax ka yar usbuuc maalintii dacwada la gudbiyay, waxay Maxkamada Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ay soo saartay Qaraarkan oo ku taariikhaysan
26/02/2005.

“Waxaa Maxkamadda u caddaatay in ay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladu ka soo horjeedaan Dastuurka JSL, Dabar iyo carqaladna ku yihiin qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada mudada loo cayimo. Sidaa darteed, Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay laashay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ee No. 20-2/05 ee 18/01/05. Qodobada la laalay wixii qaab farsamo ah ee looga maarmi waayo doorashada Madaxtooyada Socodsiinta Hawsha Doorashada Golaha Wakiilada, waxaa loo raacayaa xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Dalka ee Lam.20/2001”.

Qaraarkaas maxkamadda ayaa horseeday in wax laga bedelo xeerkii doorashada golaha wakiillada, isla markaana lagu qoro, sida ku cad qodobka 12aad ee Xeerka Lr. 20-2/2005 in saamiga kuraasta golaha wakiillada ee gobollada lagu geli karo oo keliya doorashadan (Doorashadii qabsoontay 29/09/2005).

Haddaba, muddo 14 sannadood oo ka soo wareegtay Doorashadii Golaha Wakiillada, illaa maanta oo la joogo xal lagama gaadhin arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada. maaha arrin sharci oo keliya hase yeeshee waa arrin siyaasadeed oo u baahan hoggaamin siyaasadeed iyo go,aan qaadasho adag iyadoo la eegayo duruufta lagu jiro iyo danta qaranka oo ah Doorasho.

Bayd ka mid ah Maansadii Dabataxan ee Abwaan Gaariye IHN wuxuu odhanayaa:-

Nin dariiq xariiqdaa
Garan kara dayawdee
Dhidarkii ku kacay danab
Doc kastaaba waa u toos.

Xaalkeena ayaa muuqaalkaas Abwaanku sheegay oo kale ah oo maalinta doorashadu kaabiga soo saarto ayaynu baraarugnaa oo buuqa iyo sawaxanka laysla oogsadaa, iyadoo eeda baylahdana qolaba qolada kale dusha u saarto danbiga cida iska leh? (Xukuumad, Xisbiyo iyo Golayaasha). Hadaba waxa biyo kama dhibcaan ah dhammaan xukuumadihii dalka soo maray midna uma badheedhin inuu xal ka gaadho arrintan, waxaana taas bedelkeedu noqday in la yidhaa bal maantana haloo kordhiyo muda xileedka iyo Guurtida haloo gudbiyo.

Mudo kordhintii 6aad ayay ku fadhiyaan Golaha Wakiilada JSL tan iyo markii uu dhamaaday mudo xileedkii sida sharciga ah loosoo doortay, waxaanay mar kale naawilayaan mudo kordhintii 7aad maadaama aanay doorashadu ku qabsoomayn waqtiga loo mudeeyay oo ah dhamaadka sanadkan 2019.

Lasoco:—– Xukuumada M/weyne Biixi maxaa la gudboon? Xalka saami qaybsigu muxuu yahay? Waa inoo qormada danbe….

Maxamed Aadan GACAYTE

Wabilaahi tawfiiq

W/Q: Mohamed Adan Gacayte
Hargeisa/Somaliland
Gacatye09@gmail.com