CODKARNIMADA IYO DHAWDHAWDA

Siciid Jaamac Xuseen-Hayaannews

Codkarnimada iyo dhawdhawdu waa laba aad u kala durugsan, aan waxba isaga dan ahayn. Codkarnimadu waa sifo la isku ammaano, oo hoggaamiye kasta badanaa laga fisho. Halka ay dhawdhawdu tahay nuqsaan la isku yaso oo maangaabta lagu tilmaamo. Taas ayaana keenta dadka adduunka ugu xilka culus inay si gooni ah isugu xilqaamaan inay isbaraan sidii khubado soo jiidasho leh ay u hanan lahaayeen. Inahaasi waa kuwo laga dheregsan yahay oo xiise badan looma qabo. Waxaase jira oo run cad ah in hadba sida qofku afka hodon ugu yahay, uu adeegsiga ereyada u yaraystaa.

Haddaan si kale u dhigo, arrin walba sida loogu kala aqoon yar yahay, ayaa soo-koobidda murtideeda loogu kala hadal dheeraadaa. Aqoontoo yaraataa hadal badni ayay kuu dirtaa, jeer aad dhawdhawle ku sifowdo. Codkarnimada iyo dhawdhawda waxaa la sheegayaa in xuub caaro ah oo qafiif ahi u dhexeeyo, ee bal aan eegno kuwii dantu ku qasabtay inay khudbado taariikhgal ah dunida u soo bandhigaan. Mid walba iyo kaalintiisa.

Mucammar Qadaafi

Madaxweynihii dalka Liibiya ayaa sannadkii 2009 khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay (UNO).

Qofka saddexaad ee shirkaa ka hadla ayuu ahaa. Xilliga la isu qabtay in ereyada lagu jeediyo waxuu ahaa 15 daqiiqo. Isagu wax badan kuma uu darsan qiyaastiisa, ee wuxuu fadhiga haystay 100 daqiiqo keliya!! Afar arrimood ayuu isku soo koobay. Tan hore oo kaalinta dalkiisa uu wax ka iftiimiyay; tan labaad in golaha ammaanka ee QM uu yahay mid qowlaysatadu iyo waxa loo yaqaan Qaacidaddu ku qaraabtaan. Tan saddexaad, burcad-badeedda lagu sheego Soomaaliya inay hafar iyo been Safar aan jaho lahayn hadoodilan tahay. Tan afraad, in safka cudurka dunida soo galay ee lagu magacaabo Durey-Doofaarka ee af-ingiisiga loo yaqaan “Swine Flu” uu yahay sun iyo shirqool gumeystuhu ku faafinaayo dunida. Markuu ereygiisii ka gab siiyay oo go’iisii ka qaatay ayuu tegey khaymad (teendho) uu beerta Qarammada Midoobay dhexdeeda ka dhistay suu ciddii soo booqata ugu soo dhoweeyo.

Fidel Kaastro

Hoggaamiyaha dalka Kuuba, khudbad uu ka jeediyay shirweynihii xisbiga shuuciga ee Kuuba 1986 ee lagu qabtay meesha fagaaraha ee lagu magacaabo geesiga Latin Americca ee Jose Marti isagoo kala fanedaya, kala dhigdhigaya siyaasadda dalka lagu maamuli doono dhawrka sano ee soo socda – dhinacyada dhaqaalha, bulshada, xiriirka dibedda, nabadda, waxbarashada, caafimaadka, isboortiga, isgaarsiinta iwmwaxay qaadatay 7 saacadood. Qiyaas ahaan waa intii buugyare laga aqriyi lahaa dhererkeed. Ciddii daal iyo caajis ka muqdaa waa cid wadaninamadooda iyo kacaannimadoodu naaqus tahay oo uurka ka bukta.

Krishna Menon

Wasiirka dalka Hindiya u qaabilsan UQM oo ka hadlayay fadhi uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM 1957. Arrintu waxay ku saabsan tahay gobolka Kashmiir ee ay dalka Hindiya iyo kay deriska yihiin ee Baakistaan isku hayeen, welina sidii u taagan.

Krishna Menon siddeed saacadood ayuu hadalka haystay jeer uu dawakhay oo cusbitaalka loola cararay. Waddaniguse sidaa kuma haro, ee markuu soo kala miiraabay ayuu kobtii ku soo laabtay oo saacad kale halkii hadalkii ka sii waday

Madaxda Falastiin Ururrada xoraynta dalka Falastiin oo tiradooda cid si dhab ah u taqaan ay yar tahay, haddaan ka soo qaado 8 keliya oo aan la kulmay madaxdooda ee xafiisyada ku lahaa Cadan (Yemen) 80aadkii qarnigii 20aad ee la soo dhaafay. Hoggaamiyeyaashaa iyo ku-xigeennadooda oo dhammaantood la wada baxa:

– Abu Kifaax .. Abu Salaax .. Abu Milaax .. Abu Ribax .. Abu Niwaax .. Abu Filaax .. Abu Siyaax .. Abu Riyaax iyo ..iyo

– Abu Minaal .. Abu Hilaal .. Abu Qitaal .. Abu Xibaal .. Abu Jibaal .. Abu rigaal .. Abu Gidaal .. Abu Niwaal iyo.. iyo

Inta kaga baxday khudbado ay ku tartamayaan oo sannadkiiba dhawr jeer la qabto ee la isugu faanayo sida loo kala codkarsan yahay, haddii hawl dhab ah la gelin lahaa – inta dhegaysnaysana marka lagu daro – maanta Qudus sidaas uma gacan gasheen.

Gabyaagii caanka ahaa ee NIZAR QABBANI ayaa arrintaa beyd maansa ah ka yiri: Af-carbeed “kallafanaa irtigaaluna .. khamsuuna alfa khaymaten gadiidah!”

Tarjumid: ‘Dhawdhawdaasi waxay nagu kacday.. qaxooti 50,000 ah in xeryo hor leh loo furo!’

General Maxamed Siyaad Barre

Madaxweynihii dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya (1969 – 1991). Intii uu xukunka dalka hoggaanka u hayay, weliba sannadihii kacaanka ugu horreeyay, aad ayuu ugu dadaali jiray in khudbadaha dhaxalgalka ah aanay ka qadin wasaarad, wakaalad, hey’ad, iyo goob kale oo dalka muhim u ah. Sidaas darteed, ayaa casharka ugu weyn ee uu bixiyaa ahaan jiray: “Horta bal aan isweyddiinno, maxaa kacaanku u dhashay.”

Kolkaas ayuu khudbad ka jeedin jiray. Waqti intee le’eg? Hadba sida jawigu yahay. Tan ugu yar saacad ka soo qaad. Middase xusuusta mudani waxay tahay isla khudbaddii loo jeediyay aqoonyahanka isugu yimi kulliyadda Lafoole ayaa muddo ka dib, ay nasiib u yeelan jireen dhallinta xarunta kacaanka ee Afgooye agtiisa ku tiil. Sidoo kale ayaa lafteeda uu uga jeedin jiray Golaha Ummadda ee Muqdisho oo madaxdii dalka oo dhammi isugu timi, intaan maalmo ka dib aanu sed u yeelan kulan lagu qabanayo suuqa Jalalaqsi.

Kolkaas ayaa duul sheeganaya inay soo aqriyeen oo fuuqsadeen culuumtii ay dareeriyeen Plato.. Darwin .. Marx .. Einstein .. Tagore.. .. Taha Xuseen .. Fanon .. Gandhi ..iyo iyo odhan jireen, “ninku waa aftahan daran!” Khudbadaha aan soo sheegay inta qoraal af-soomaali ah lagu dejiyo ayaa af-ingiriisi lagu tarjumi jiray

Qaybta labaad

Safar aan jaho lahayn oo madaxda dalka Soomaaliya booqasho ku timaadda hadiyad loo siin jiray iyagoo ku soo baxay buugga loo yaqaan “My Country And My people” si ay laftoodu duruus uga korodhsadaan.

Leonid Brezhnev

Madaxweynihii dalka Midowga Soofiyeeti (1968 – 82), sannadihii u dambeyay ee uu sida ba’an isugu darsamy ayuu munaasabad walba khudbad loo soo qoray ka jeedin jiray, isagoo weliba mararka qaarkood isla bogga laftiisii ku laaban jirey arag-xumo iyo illawshiinyo isu biirsaday darteed. Khudbad walba inay dahab ka qaalisan tahay ayaa lagu qiimayn jiray oo billad hor leh lagu toli jiray.

Khudbadahaas waxaa lagu dari jiray manaahiijta waxbarashada si aan faca soo korayaa aanu sedkaas uga qadin. Markay billadahaasi wax qof korkiisa ku sido ay ka bateen, jaakadiina meel looga waayay ayaa sarkaal gaar ah loogu qoray oo derajadiisu tahay billad-sidihii madaxweynaha. 1982 ayuu L. Brezhnev geeriyooday. Xilligaa waxaan ku sugnaa dalka Itoobiya. Safaarraddii Midowga Soofiyeeti uu Addis Ababa ku lahaa ayaan tegey oo buuggii tacsida soo saxiixay iyadoo koox Soomaaliyeed oo murugaysani ay i daba safan yihiin.

George Bernard Shaw

Intaas keliya innagoo ku dhaafaynna kuwa aynu maantaa fursad u hellay khudbadahoodii, aan u gudubno George Bernard Shaw wuxuu isagu ka qabo khudbadda iyo dhererkeeda habboon.

Raalli ahow! Horta George B. Shaw kumaad tahay?

Iftiimin aad u gaaban, waa qoraa u dhashay dalka Ireland dabayaaqadii qarnigii 19aad. Suugaanta, siyaasadda iyo cilmiga bulshada ayuu wax badan ka qoray. Qof burji kulul, oo carrabkiisu maddani yahay ayaa lagu yiqiin. Wuxuu ka tirsanaa aasaasayaashii ururka la yiraahdo “The Fabian Society” ee shicbiweynaha iyo danyarta u hadla.

Muuqaal ahaan wuxuu ahaa nin dheer oo dhuuban, gadh weyn oo isku jooga leh iyo madax aan tin lagu arag.

(Dhacdo): Gabadh jalaqsan, quruxda dhinac walba u saydhaysa oo magaciisa bilan ka dheregsan ayaa ku tidhi:

‘Ka warran, George, haddii aynu isguursanno?

“Maxaynnu ka dheefaynnaa?”

‘carruur caqli-badnaantaada iyo qurux-wanaaggayga leh si aynu iskaga dhallo’. George kuma uu raajin jawaabtii.

“waxaan ka cabsi qabaa, inay sida kale u dhacdo oo aynu kuwo foolxumidayda iyo caqliyaraantaada wata soo kordhinno.”

(Dhacdo kale): Maalqabeen, millionaire weyn ah oo dhibsaday qoraallada George B Shaw ee wargeysyada ku soo baxa, ayaa mar ay kulmeem Shaw si kulul u weyddiiyay:

‘Horta George, maxaad xilli walba lacagta iyo dadka hodonka u hadal haysaa oo wax uga qortaa?’

“Maxaad rabtaa haddaa, in aan wax ka qoro?”

‘Waxaad ka qortaa oo ka hadashaa anshaxa, asluubta san, akhlaaqda, naxariista iwm.’

“Waa gartaa, oo labadeenna, midkeenba wixii ka maqan ayuu had walba ka hadlaa oo carrabka u badiyaa!!”

Maalqabeenkii intuu micnihii si fiican u dhuuxay ayuu ka jaqaafiyay.

Bal imminka aan u soo jeesanno sida uu George Bernard Shaw uga hadlo khudbadaha la jeediyo. Sidan ayuu ku jawaabay mar arrintaa laga waraystay.

Wariye: Waqti intee le’eg ayaad u baahataa si aad khudbad ama erey micno leh oo 1 daqiiqo socda inaad ku diyaarsatid?

GBS: Waxaan u baahdaa toddoba maalmood.

Wariye: Mid saacad barkeed socotona diyaarin intee le’eg ayay Kaa qaadataa?

GBS: Afar maalmood

Weriye: Mid aad saacad jeedinaysona?

GBS: Maalin qudha

Weriye: Mid lagaa rabo inay afar saacadood qaadatona?

GBS: Ma taa! Taas waan isla taagaa, oo ku daansha-daanshoodaa.

(For a 4-hour speech, I don’t need any preparations. I do it at the spur of the moment, on the spot!)

Siciid Jaamac Xuseen-Hayaannews

Qalinkii. Siciid Jaamac Xuseen

Hayaanews, Office