Dhagaraha Qorshaysan ee ka Dhanka ah Jiritaanka Qarannimada Jsl Qore Xuseen Adan Cige (Deyr)

Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran Hanaqaaday oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo nabad iyo degenaansho; dal-dhismay iyo horumar muuqda iyo shacab walaalo ah oo dan qudha wadaaga, shacab leh hal ujeedo iyo hadaf midaysan oo ku wada nool xasilooni iyo is qadarin.

Talada iyo hoggaanka Dalka Somaliland waxa haya Dawlad iyo Goleyaal Qaran oo ku yimid hannaan dimuqraadi ah iyo rabitaanka shacabkooda, isla markaana masuul ka ah dhammaanba xuduudaha dalkooda, sidaana ku soo tama-rinayay sodonkii sano ee ugu dambeeyey!

Beesha Caalamku in kasta oo ay muddo dheer si indho la’aan ah isku-diidsiinayeen horumarka ay ku tallaabsadeen ummadda Somaliland iyo Qadiyadda Gooni-Isu-Taaga Qaranka Somaliland, hadana Jam. Somaliland waxay Beesha Caalamka tustay inay tahay dal si dhab ah oo dhamaystiran uga soo baxay dhammaanba sifooyinka ay Dunidu isku raacsan tahay ee saldhiga u ah Qarannimada iyo Dawladnimada waqtigan xaadirka ah.

Haddaba, iyadoo ay si cad u muuqdaan hagrashada, eexda, duudsiga iyo caddaalad darrada ay Beesha Caalamku ka galeen dadka iyo dalka Somaliland, haddana waxa intaa dheer Hagardaamooyin iyo Dhagaro Qorshaysan oo isla Beesha Caalamku ay horseed ka tahay oo ka dhan ah Jiritaanka Qarannimada JSL.

Ajendaha iyo ujeedada koowaad ee ay leeyihiin Xoogaga isku baahaystay Dhagaraha Qorshaysan ee ka dhanka ah Jiritaanka Somaliland waxa weeyi sidii ummadda Somaliland looga niyad jabin lahaa ku adkaanta Qadiyadda Gooni -isu-taaga Somaliland iyo ku Qanacsanaanta jiritaanka Qarannimada JSL.

Xeeladaha iyo farsamooyinka qorshaysan ee lagula dagaalamayo Qarannimada Somaliland ee ay adeegsadaan Dawladaha iyo Xoogaga ka soo hor jeeda jiritaanka Somaliland waxa ugu muhiimsan saddexda arrimood ee soo socda:

 

  1. Bernaamijka u-gacan-haadiska

Dhallinyarada Somaliland:

  1. La Dagaallanka Geedi-Socodka Aqoonsi-Raadiska Somaliland:
  2. Carqaladaynta iyo La-dagaallanka

Xidhiidhada Caalamiga ah iyo Qorshayaasha Horumarineed ee ay

Somaliland la leedahay Dunida:

Falanqaynta iyo faahfaahinta saddexdan arrimood, In Sha Allah, waxaynu ku lafa-guri doonaa qormadeena dambe.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com