Dhagaxa MADOW iyo Diinta Maxaa ka Dhexeeya?

Dhagaxa madoobi rooxaan buu lee yahay, waayo yaab buu lee yahay, ha ahaado mid samada ka soo dhacay, ama ha ahaado mid fulkaanuhu reebeen. Nafsiyadda hiddeed iyo sooyaalka aadamiga wax uu ku lahaa haybad iyo rooxaan la diineeyo.
Wax aynnu wada og nahay Kacbadeenna in uu yaal Xajar Aswad – Dhagax Madow, oo samada ka soo dhacay. Wax aynnu kale oo og nahay dhagaxaasi in uu Kacbada yaallay sebaankii mushrikiinta Carbeed oo diintooda ka mid ahaa, u gu yaraan kun sano Ciise hortii, uuna ahaa saaciidada dhalmada iyo taranta. Haa, maalmaha xajka ayay dumarka mushrikiintu dhalmada u ga saacidaysan jireen oo gudaha ku xoqan jireen.
Dhagaxa labaad ee madow waxaa ku naqshadaysan mid ka mid ah Fircoonnadii Masar kuwii u gu horreeyay oo ahaa boqor Shoonshaq (Shoshenq I), hormuudna u ahaa dhaxaltooyadii qoyskii 22-aad ee Masar, kaas oo talinayay sannadihii 943–922 C.H.
Dhagaxa 3-aad waa ka ninka ducaysanayaa ku tiirsan yahay oo wax uu yaal Qudbiga Sheekh Isxaaq ee magaalada Maydh, Sanaag. Inta la yaqaan waa qiyaastii 800 oo sano. Hidde ahaan dumarka ayaa dhalmada u ga barakaysan jiray oo isku xoqi jiray Wahaabiga ka hor.
Dhagaxa 4-aad waa ka u gu weyn ee la hubo dhagxaanta samada ka soo dhacday, culayskiisuna waa 60 tan iyo 2.7 mitir oo dherer ah. Wax uu yaallaa Naamiibiya.
Qalinkii Ibraahim-HAWD