Dhallinyaro ma Dhabbaa Mise Gudcur Baan Guurayaa WQ: Xuseen Cali Nuur.

Dhallinyaro ma dhabbaa, inaad tihiin aqlabiyada shacabiga Somaliland?

Ma dhabbaa inaad tihiin qaybta bulshada ugu tirada badan ee isticmaasha baraha bulshada?Ma dhabaa inaad tihiin bulshada inta ugu badan ee haysata digriiyada Jaamacada ee heerka koowaad iyo labaad?

Dhallinyaro shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay inaanay idinka qarsoonayn xaalada dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee ay maanta dunidu ku jirto, kuna sugnayd dhowr iyo toban kii bilood ee na soo dhaafay. Mudada oo cudurka Covid19 ku habsaday caalamka.

Dhallinyaro intaydaan su’aashaydan ka jawaabin ma dhabbaa in shirkadaha waawayn ee dalalka horumaray qaar ka mid ahi kaceen musalafeen, gacan qabasho wax tari wayday albaabadana loo xidhay.

Ma dhabbaa in Somaliland mudadaa dhallinyaradii shaqo Qaran soo dhammaysatay la meeleeyey, dufcad kalena la qaatay. Barnaamijkanina ma dhabbaa inaanu ahayn shaqo aqbuur kaliya balse si wayn wax uga tarayo is dhexgalka dhallinyarada Somaliland ee gobolladeeda ku nool.

Dhallinyaro ma dhabbaa in mudadan madaxwaynaha iyo saddexda xisbi qaran ay go’aamiyeen in la isku tashado oo doorashadooda aanay  u dabrin kana sugin taageero shisheeye? Ma dhabbaa in go’aankan taariikhiga ah ee aan dunida saddexaad lagu arag ay ku qasabtay dalalkii saaxiibada ahaa  ee kaalmada laga sugi jiray inay dalbadaan in loo ogolaado in doorashadeena bisha May  kaalmo dhaqaale ku darsadaan.

Ma dhabbaa in deeqo waxbarasho oo dibadeed oo Jamhuuriyadda Somaliland hore u arag sannadkan loogu deeqay; qaar ka mid ah deeqahaasina araajidii codsiga laga qabtay bishan?

Ma dhabbaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay taariikhda dooroshooyinka dimuqraadiga ah ee caalamka ay noqotay dalkii ugu horeyey ee haween u tartamaya baarlamaanka iyo golayaasha deegaannada ay xukuumaddu ka bixiso lacagtii dhigaalka ahayd?

Ma Dhabbaa in Alle bariga iyo istiqfaarka Illaahay yihiin kuwa naga badbaadiyey  halaaga iyo aafooyinka ku habsaday caalamka dhowr iyo tobankii bilood ee ina soo dhaafay?

Dhallinyaro hadday arrimahan kuwa jira  oo dhab ah oo aanay ahayn kuwo aan ku riyooday  miyaanay idinla ahayn arrin meesha ku jirtana ahayn in doorkii dhallinyaro ee dal u dhashay dalkooda ay ka qaadan jireen inaad ka qaadataan maanta.

DHAAMMAD.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com