Ereyga ”Hal” iyo Bariga Burco: Ma Geel Jacayl Baa?

Ereyga ”hal” oo mar neef geel ah, marna kow/mid ah oo tiro ah, waxa aan inta badanka maqlay/bartay bulsho-weynta Bariga Burco. Buugaagta, abwaannada iyo siyaabo badan ayay u adeegsadaan. Markii uu igu batay ereygaas oo siyaabo kala geddisan ugu jira meelo kala geddisan, waxa aan ururiyay sida uu ereygaasi saamaynta ugu leeyahay bariga Burco.

Walaw afku dhex u yahay ummadda, maanta meelaha aan kaftanka ugu soo qaadanayo Bariga Burco waxa ka mid ah:

Buugaagta Hal ay ku jirto waxa ka mid ah:
1. Hal-ka-raan: Buugga Suugaanta Hadraawi
2. Hal-ka-haleel: Buugga labaad ee suugaanta Hadraawi W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan 
3. Hal-qabsi: Buugga Abwa Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq), gabayada Hal-deeq waxa ka mid ah hal-maal
4. Hal aan tebayey: Suugaantii Xaaji Aadan Afqallooc W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Abwaan Hadraawi ayaa ii sheegay in suugaanta loo qaybiyo hal-shidaad iyo hal-ladaad:
1. Hal-shidaad: Suugaanta hawsha/tacabka
2. Hal-ladaad: Suugaanta maaweelada/ciyaarta

Mar kale suugaanta waxa loo qaybiyaa hal-duleed iyo hal-dugaal, sida aan ka qoray Abwaan Hadraawi:
1. Hal-dugaal: Suugaanta lagu adeegsado gudaha oodda guriga
2. Hal-duleed: Suugaanta lagu adeegsado guriga dibaddiisa

Meelaha kale ee aan ereyga ”Hal” ka maqlay adeegsigooda waxa ka mid ah:
1. Heestan oo uu ”Hal-hayskeedu yahay, heestan uu hal-ku-dhiggeedu yahay” waxa aan ka maqli jiray Suxufiga caanka ah ee Cali Caanodhame
2. Heesta hadhkaygaa lagu gam’aa waxa sameeyay Abwaan Hal-beeg
3. Hal-jiraal oo u dhiganta Sooyaal, waxa aan ka maqlay Abwaan Cabdirisaaq Axmed Geeddi (Aakhiro)
4. Hal-kula-bax: waa wax aan hadlin oo laga dhigayo in uu hadlo sida waraabe ayaa yidhi ”ma anaan roorayn, ma raybadkii baan raybadkii ahayn, mise rimaydu ka soo dhacdii ayaan run sheegayn”. Waxa ay ku jirtaa buugga suugaanta Hal-qabsi ee Abwaan Hal-deeq

Haddaba intaas oo ”Hal” maxaa keenay in deegaan qudha laga adeegsado, ma geel jacayl baa?

Bal halkaas culimadu ha ii fasirto Afgaab Guuleed Abdikarim Ahmed AllaaleMuhammad Suleiman Sharmaarke Abdi Laki Qaloonbi iyo Ahmed-Badeed Mohamed Farah

Maalin-badh wanaagsan iyo kaftan aqoon-korodhsi ah!

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland