Faman La’aanta Soomaalida Wakhtiga Iyo Waaqiciga iyo Foolashada Etoobiyada Cusub

Foolashada Etoobiyada Cusub:-

waxa shinkeedi dhammaaday dhalashada is-bedel 🇪🇹 Cusub oo ku qotoma Federaalismka Qowmiga ah, oo sidii hore kasii muhiimad badan, maadamay qoomiyadaha Ethiopia kaliya kusii wadda joogi karaan nidaamka Fadaraalismka Qowmiga.

Sidokale waxaa hungoobay hamigii diidanaa nidaamka Federalismka Qowmiga ah in dalku ku dhisnaado.

Qoomiyadaha Ethiopia waxay isu diyaariyeen qaybna kayihiin qorsheeyeyaasha isbedelka dalka ka dhacaaya, qurbajog iyo qaran joogba.

Fahan la’aanta Somalida Wakhtiga iyo Waaqiciga:-

Qomiyadeena Somalidu kama maqna hammiga diyaargarowga isbedelka Ethiopiayada cusub balse waa hammi ee hogaan isku dubaridaan jirin,

Iyadoonu Aqonyahanka hal abuurka lihi himilo gabin, hadana waa hawl marka hogaaminta bulshadu kursi dufaacasho u heeganka tahay, Himiladii mustaqbalka bulshadeena Somalidu kubaylahaysa illaashashada danohooda gaarka ah,

Cidii hammi keentana wanjal iyo jallaafo marin habaabineed lala horjoogo.

Sikastaba ha ahaato ee Somalidaa ku maahmaada

(wixii qayrkaad qabo qosolkood kudhan)

oo Qoomiyadaha Oromo iyo Tegray u horeeyaan ayaa wixii iyaga udan ahi Somalidana udan yahay.

Somalidu marka danaha Deegaanka Somalida laga hadlayo ayuunbay Ethiopian yihiin! Balse marka danaha Dalka Ethiopia laga hadlayo waa Somali iyagaana iska dhiga ee cidii kama dhigto?.

Tussaale:- Dhaqdhaqaayada Xaalada Dalka kasocda Qurbaha iyo Gudaha Dalka si jiritaanka loo badbaadiyo Cid Somali ahi kama dhexmuuqato, halka Qoomiyadaha kale midwaliba Cid miisaanlihi kadhex muuqato, mana jiro qorshe Somalida looga faqo gaar’ahaan oo Qoomiyadaha isdilaya Aqonyahankoodii iyo siyaasintodi ayaa xalka kawada tashanaya!.

Ethiopianimadu ma aha mid lakala leeyahay ee waa mid lakala Qorshaysto, hadaad kamid tahayna ma aha in aad inan layaal ka ahaato Ethiopianimada aad tahay ee aanad himilo kale kalahayn.

Kaqayb galka isbedelka Ethiopiayada cusubi ma aha in la dagaalamo ee waa in Wakhtiga iyo Waaqiciga Qorshe umaddeed loo lahaado.

Ka sheekaynta waxa dhacaya! Waxaa ka haboon Qorshe u lahaanta waxaa imanaya? Dareen Umaddeed oo Caafimaad qaba.

 

Qarnigu waa kii 21aad waxaanad noqonaysa waxaad iskadhigto? Ee ma noqon kartid waxaa lagaa dhigo!.

Xil dufaacasho, Xil doonimo midna guul ummadeed laguma gaadhi karo ee waxaa guul ummadeed oo dareen shacab leh lagu gaadhi karaa Xil kasnimo iyo lahaansho wadaniyadeed oo danta gaar’ahaan danta guud ee bulshadeena laga horaysiiyo.

Umaddi waxay horumarta markay Qorshe Guud leedahay.

By/Xildhibaan Nadir Yusuf Adan ahna Musharax doorashada 6aad kutartamaya Xildhibaan heer Kilil ah degmada Daror ee gobolka Jarar.