Farriin Ku Socota Prof.Galaydh Iyo Prof. Samater Oo Dhowaanahan Isku Fikir Ka Ah Xal U Helista Qaddiyadda Somaliland

Qalinkii: Rasheed Ali Meigag Samater) Marka hore salaam xishmad iyo qaddarin mudan ayaan u soo gudbinayaa labada Proffessor ee maqaalkani ku waajahan yahay, waa Amed Ismaciil Samater iyo Cali Khaliif Galaydh. Marka labaadna waxan labada Proffessorba ku tahniyadaynayaa go’aankoodii geesinimada lahaa ee mid waliba ka badheedhay inuu si fiican uga faraxasho midnimadii lagu hungoobay ee dadka reer Somaliland iyo Somalia, kaasoo mid walibana goonidiisa caddadis, cay iyo habaarba laabta u dhigtay si inta nolosha uga hadhay ay dhexda ugu xidhaan inay ka shaqeeyaan midnimada, walaalaynta iyo gooni isu taagga Qaranimada Somaliland.

Farriintani waxay xambaarsan tahay inaan idiin soo gudbiyo sawirka bulsho-weyn ahaan aanu idinka haysanno, taasoo ah inaad tihiin 2 wiil oo ka dhashay Somaliland oo garsho iyo aqoon dheeraad ahba leh, bulshada Somalilandna idiin hanweyn tahay, ooidinku faraxsan tahay. Inaad dalkiinna iyo dadkiinna u soo noqotaanna go’aan geesinimo ah buu ahaa oo hambalyo mudan, waayo Somaalida sida badan kama dhacdo inay khalad qirtaan oo markaa dib wax u saxaan.

Haddaba waxa hubaal ah oon cidna ka qarsoonayn, in muddadii Bulshadiina iyo Somalilandba aad ka soo hor-jeeddeen, in qaranku waxyeelloooyin idinka tirsanayay kuwasoo qaarkood xagal-daaco geyaysiiyay, sida mathalan qoraallada iyo muxaadarooyinka caalamiga ah ee Qaranka lidka ku ahaa ee adduunyada daafaheheeda ku faafay, waxase hubaal ah haddii badhi-taarista qarankana u soo jeesataan, garashadeed iyo kartideedba weli leedihiin.

anigoo ka mid ah dadka aad u xiiseeya golayaasha aad ka hadlaysaan iyo waraysiyada aad warbaahinta siisaanba, sharafna mudan tihiin, ayaa waxa dhowaan jirtey laba hadal oo midkiinba mar ka soo yeedhay, sababayna inaan maqaalkan kooban idin soo diro. Hadalka hore oo Prof. Samater dhowaan madal ka sheegay ayaa ahaa inuu waayay war tifatiran oo uu siiyo Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Koffi Annaan mar ay kulmeen oo uu weydiistay meel uu ka dheehan karo Somaliland iyo arrimaheeda.waayo ma jirtoba ayuu yidhi Professorku, iyo hadalka labaad oo ahaa mar labada Proffesor wadajir loogu waraystay magalada Burco oo Prof. Galaydh sheegay in wada-socodkoodani haddii ay doonaan soo noolayn karaan U.S.P dii lixdanaadkii.

Haddaba farriintaydu waxay tahay labada Proffessoor oo ah niman qoraal ahaan iyo hadal ahaanba Aftahanno ah “Orators”, lehna aqoon dheeri ah ama “Academic” ah, caalamkana muddo dheer uga warramayay arrimaha Somalida – maantana weli loo soo joogsan karo, maxaa ka hor jooga inay buuxiyaan kaalinta maqan ee ay qudhoodu tebayaan, had iyo goorna sheegaan inaan tallaabo hore-u-kaca la helayn inta ay maqantahay qorshe cilmiyaysan iyo qoraallo togan oo Qaddiyadda Somaliland caalamka lagaga iibin karo. Midda kale, Bulshadu waxay idinka eegaysaa inay mahadiso soo noqodkiinna, oo kaabtaan baahida aynu qaran ahaan u qabno aqoon iyo Garasho dadka caadiga wax badan dheer. Marnaba idinkama eegaynno inad soo noolaysaan aaffooyin shacabkeenna lixdamaadkii kala irdheeyay iyo xisbiyo qabyaalad ku salaysnaa qaybna ka ahaa ismiidaamintii iyo hubsiino laaantii xamar lagu tegey.

Rajadu waa inad dabooshaan goldaloolladaasi iyadoon xil qaran midkiinna ku magacawnayn, iyo inaad horseed ka noqotaan in Xisbiyadan maantaa ka jira S/Land (oo u baahan in garasho cilmi ah lagu duro), aanay marnaba la mid noqonnin U.S.P iyo kuwii la midka ahaa ee waagaas jirey. waajib qof walba saaran weeye ka midho dhalinta in dalkeennu ka mid noqdo ummadaha caalamka.

Gebagebadii, Magaciin ha jiro, noo ahaada kuwo Hanka iyo Meeqaamka aanu idinka filaynno noo buuxiya.

Rasheed Ali Meigag Samater

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somalida W. London