GORFEYNTA BUUGGA HAYAANKII NOLOSHAYDA ” The journay of my life.” Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf.WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham

Buugga Hayaankii Noloshayda” The jounay of my life.” Waxa qoray Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, waxa daabacday shirkadda Hiil press, waxa lagu daabacay Qaahira Masar, wuxuu soo baxay 2020. Wuxuu ka kooban yahan 185 bog.

Guud ahaanna buuggu waa laba iyo toban cutub, noociisuna waa taariikh nololeed. Gaar ahaanna, afarta  nooc ee taariikh nololeed wuxuu ka yahay bahda “Academic biography” loo yaqaan. “Farriinta dulucda buuggu waa in qofku shaqo kasta oo uu hayo uu waddankiisa uga faa’iidayn karo.” Sida oo kale,qodobbada xiisaha badan ee qof ahaan I soo jiitay waxa ka mid ah;

  1. Geeridii lama-filaanka ahayd ee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

2.Safarkii Madaxweyne hore Daahir R. Kaahin Laascaanood ku tagay ee isku dayga dil lagu sameeyay, ayuu Dr. Xasan Ismaaciil ku wehelinayay, sidii ay wax u dhaceenna qoraal kooban ayuu innagaga haqab-tiray.

  1. Geeridii qoraaga hooyadii oo ahayd mid aad u xannuun badan iyo sida heerka sarreysa ee uu qalinka ugu sawiray. Arrinta kale ee soo jiidashada badan ee geeridan ku hoos jirta ayaa ah; in qoruhu (Dr. Xasan) jirradii hooyadii u dhimatay xilligii dhallaannimadiisii uu takhakhus ku sameeyo, si uu ummaddiisa ugu adeego ama uga daweeyo.
  2. Doorkii uu Dr. Xasan ku lahaa halgankii hubaysnaa ee dib u xoreynta dalka “Somaliland.”
  3. Siyaasadda caafimaadka Qaranka.
  4. Magacaabistii Wasiirnimo ee Dr. Xasan xilligii Madaxweyne Cigaal.
  5. Qofnimada dun-wanaagga, qiyamka suuban, waddaniyadda iyo dal-jacaylka ku dhisan ee Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa laga daawan karaa buuggan.
  6. Wasiirnimadii xukuumadda M. Biixi iyo intii uu shaqada ku jiray wixii u qabsoomay, ayuu sida oo kale qoruhu xusay. Waxa aanu M. Biixi ku ammaanay maamuuskii, iyo xurmadii uu ka helay wakhtigii uu la shaqaynayay.

Intaas kaddib, aan bogaadiyo ilbaxnimada qoraal ee raad-baradka ah, in kacdoonkaasi hano-qaadana Rabbi baan ka tuugayaa. Sida oo kale, in ahmiyadda dhigaalka Soomaalidu ku soo baraarugayaan, ayaa iyana arrin lagu diirsado ah. Si kasta ba ha ahaatee, Soomaali badan baa rumaysan in buugta taariikh nololeedka ah ee qofku iska qoro ama laga qoro “biography & autobiography,” ay yihiin alban sawirro ah, iyo waraaqo ammaan ah. Sidaas oo ay tahay, buuggan iyo kuwa la nooca ahi, waxa ay burburin karaan khalad fahankaas.

Xiisaha gaarka ah ee buuggu leeyahay waxa aan u arkaa laba qodob in ay dabada ka riixayaan. Kuwaas oo kala ah:

  1. Farshaxannimada qoraaga oo aad u heer-sarreysa oo kugu khasbaysa in aad buugga dhammaysato adiga oo well xiisaynaya. Sida oo kale, luuqadda sahlan ee buuggu ku qoran yahay, iyana waxa ay sababtay in akhristuhu dhigaalka fahmo, kuna raaxaysto.
  2. Awoodda hummaag reebka “Power of imagination ” qoraha oo gaadhsiisan heer ay ku daawadsiiso, idil ahaan ba dhacdooyinka kala geddisan ee waayaha kala jaad-jaadka ah xambaarsan, ayaa ka mid ah waxyaabaha sii aloosaya xiisaha marba marba ka dambeeya cirka isku sii shareeraya. Gaar ahaanna, waxa aan la dhaygagay sida qoruhu u sawiray nolosha reer miyi, reer guuraa ee qoyskiisa kuwaas oo ku kaydsanaa xasuustiisa dhallaannimo.

Haddaan taabto buuggani wuxuu kaga duwan yahay buugta kale ee dhiggiisa ah, waxa aan ku soo koobi lahaa; In aan wax ammaan ah buugga gudihiisa luugu tagayn, qoruhuna isaga oo aan hawl-qabadkiisii waxba dhaafin, ayuu haddana si garaad wanaag ka muuqdo u dhigay qoraalka.

Dr. Xasan Daahir Ismaaciil qofnimadiisa gobonnimadu sumadda u tahay, waxa laga dheehan karaa in saddex Madaxweyne oo Somaliland soo maray oo kala ahaa;

☆Maxamed Xaaji Ibraahim “Cigaal”

☆ Daahir Riyaale Kaahin

☆ Muuse Biixi Cabdi iyo idil ahaan ba shakhsiyaadkii hayaankiisa nololeed ay soo wada shaqeeyeen ba, sida uu xuska sifooyinkooda wanaagsan uga horreysiinayo wax kasta oo kale. Sida oo kale, shaqo kasta oo uu qabto wuxuu kaga tagayaa raad, daacadnimadiisa iyo hagar-bixiisuna wuxuu ka muuqanayaa shaqada lafteeda.

SIDUU CIGAAL UGU MAGACAABAY XILKA WASIIRNIMO?

Laba kun guuradii tirsiga miilaadiga (2000) ayuu Dr. Xasan Ismaaciil dalka dib ugu soo laabtay. Waxa aanu ka hawl-galay dhakhtarka weyn ee Burco, halkaas oo uu agaasime ka noqday, xilli wax nidaam ahi aanu dhakhtarka Burco ka jirin. Guud ahaanna, adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah ee dalku burbursan yihiin, oo aanay jirin saacado la yaqaan oo shaqaalaha caafimaadku bukaanka u adeegaan, labbis gaar ah oo lagu aqoonsado. Isla markaa maamul cisbitaal oo shaqada adeeg caafimaad habsami u socodkeeda aqoon ku maamulaa aanu jirin. Wax walbana jaantaa-rogan u socdaan ayuu shaqada la wareegay, dedaal naf-hur ah kaddib sannad gudihii wuxuu ku guulaystay in uu nidaam wanaagsan u sameeyo cisbitaalka. Sannaddii 2001 bishii labaad ayuu Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim “Cigaal” (AHN) Wasiirkiisii caafimaadka dhambaal bogaadin ah oo shaqada wanaagsan ee uu  Dr. Xasan ka qabtay Cisbitaalka Burco ku aaddan ugu soo dhiibay. Intaa kaddibna in Madaxweynuhu rabo in uu la kulmo ayuu u sheegay.

Markii Cigaal iyo Dr. Xasan kulmeen wuxuu Cigaal uga warramay sida uu uga dharagsan yahay ee aan waxba ugu seegganayn dedaallada, iyo shaqada wanaagsan ee uu Dr. Xasan dhakhtarkii Burco ka qabtay. Sidaas darteed, uu Madaxweyne ahaan u jeclaan lahaa in uu wax kala qabto shaqada siyaasadda guud ee caafimaadka Qaranka. Hase  ahaatee, in aad wakhti kooban i sugto ayaan u baahnaa si aan xil kuugu magacaabo ayuu yidhi. Alle ha u naxariistee markii uu Cigaal hadalka dhigay ayuu Dr. Xasan qaatay, waxa aanu yidhi:” Madaxweyne shaqada caafimaadka qaranku waa mas’uuliyad aad iyo aad u culus anna qabyo badan baa Burco iga taal, Hargeysa imaatinkeeda iyo ka shaqaynteedana xiise uma qabo. In aad halkaygaa ii dayso ayaan jeclaa, si baylahda caafimaadka ee Burco aan uga shaqeeyo.

Intaas haddii kulankii (AHN) Cigaal iyo Dr. Xasan ku idlaaday, usbuuc kaddib BBC-da ayaa baahisay magaacibta WASIIRNIMO ee Dr. Xasan.

Ugu dambayn buugga in aad akhridaan ayuun baan ugu talo-galay in gorfeyntaydani xiisihiinna ku aaddan ay bac-rimiso.

TALO-BIXINTAYDA.

Buuggan haddii aan iin ku sheegi lahaa ama dhalliisha keliya ee iiga muuqataa waa; in aanu afkeenna hooyo “Soomaali” ku qornayn, talo-bixintayduna waxa ay noqonaysaa in la turjumo.

Dhammaad.

#Hayaannews, Office