Guddoomiyaha Ku Meelgaadhka Ah Ee Xisbiga WADDANI Oo Tacsi U DIrey Khadiija Xaaji Cismaan Mire Oo Geeriyootay

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka guddoomiyaha xisbiga, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Khadiija Xaaji Cismaan Mire oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah tacsi ugu dirayaa Kayse Cali Geeddi guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga WADDANI iyo Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ay marxuumaddu hooyadood ahayd.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumadda in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun