Hargeysa: Suuqa WAAHEEN iyo Ganacsi Dhaqameedka

Dr. Ahmed Ibrahim Awale.

Waa arrin lagu yididiishu in dib-u-dhiskii suuqii Waaheen meel fiican marayo. Waxa aan ka filaynaa in uu noqdo mid habaysan, kana bilic iyo badbaado badan kii hore, soona ceshada kaalintiisii ballaadhnayd ee dhaqaale-abuur.

Suuqa Waaheen oo casriyeyn ballaadhani ku socoto, ka sokow ganacsiga ku salaysan waxyaabaha dibedda laga soo dhoofso, waxa uu saldhig u ahaa baayaca-mushtar xero-dhalad ah oo dad danyar ah, una badan islaamo iyo hooyooyin kaga ganacsan jireen alaabooyin boqollaal ah oo la xidhiidha dhaqankeenna, inta badanna aan laga helin suuqyada lagu tilmaamo in la casriyeeyey.

Tiro laguma koobi karo kala-duwanaanshahooda: Waa duqus, dhikri, geed-xamar, tiire,  toobin, xadhko xig ah, mudacyo iyo maxaadho, mashqac, mafiiq, mawo, ganbadh, babis, cusbo, xabko iyo faleen, caws-dameer, xabag-god, dhagax-aboodi, asal, iyo qaar kale oo badan.

Ilaa intii Hargeysi noqotay meel degaan ah, islaamaha ganacsigan yaryar ku jiray meel bannaan, boodho iyo awaare uun bey wax ku dul gadi jireen. Waana halka uu ka soo jeedo erayga ‘wadhato!’  Haddaba sida hadda qorshuhu yahay waxa ay iila muuqataa in nuglaanshahoodu ka soo xidhi doono kaalintoodii ganacsi. Maxaa yeelay, awood-darradooda dhaqaale uma oggolaan doonto in ay kiraystaan guryahaas ka samaysan sabbadda iyo muraayadaha.

Waxa aan is-weyddiinayaa in ganacsiga bulshada danyarta ah ee kaalintaas aadka u doorka roon kaga jiray joogtaynta dhaqankeenna, in qorshaha dib-u-dhiska suuqa Waaheen meel laga geliyey iyo in indhaha laga laliyey kol haddii ‘casriyeyn’ laga hadlayo!

Suuqyo-dhaqameedyadu kaalin weyn bey ka qaataan muujinta ahaanshiiyaha bulsho iyo waxyaabaha u gaarka ah, waxana ay noqdaan meelo ay dadka dalxiiseyaashu daneeyaan bookhashadooda, waxna ka bartaan kana iibsadaan.

Bulshadan aan ka hadlayaa waxa ay u baahan yihiin meelo dhismahoodu isku siidaysan yahay (isku furan) iyo in kirada laga fududeeyo.

W/Q: Dr. Ahmed Ibrahim Awale.

Dr. Ahmed Ibrahim Awale.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com