Hogaaminta Ummadda Waxna Waa La Bartaa Waxna Wakhtiga iyo Waayaha Lagu Jiro Ayaa Qofka Wax Bara

Maxamed DHIMBIIL

Hogaamin umadeed iyo raadkeega wanaagsan meel laga tix raaco iyo qof lagu daydo waxa ugu mudnaa Nebi Muxamed ( NNKH ) , waxa uu u yimid ama Alle ka soo saaray umad jahli halka ay ka taagan tahay hablahooga nolosha ku aasaya , xumaan aan waxba ka xaaraansanayn , walow dadka noocaas ahaa xiligaasi ay dhaameen dad maanta aduunka ku nool oo qiyamkii iyo binu-adenimadiiba lumiyey , sababta oo ah waxa ay lahaayeen dhaqano adag.

Waxa aan uga socdaa oo aan tusaaleynayaa in horumarka waxa aynu maanta u naqaano aanu aheyn ee uu yahay waxa ugu qiimaha badani in lagu tabco oo dedaal la galiyo dadka , si loo helo dal iyo duni qiimo badan leh oo looga badbaado duni aanay qofka waxba xidhin .

Marka aynu u soo noqono waxa loo yaqaano hogaaminta ( leadership) waxa ay noqon kartaa sida tan ;

1- Hibo iyo haybad hogaamineed oo qofka Alle swt u dhaliyo.

2- Hogaamin uu qofku aqoon ahaan u barto dabadeedna uu ku dabaqo nolosha iyo siyaasada.

3- Hogaamin uu qofku ka barto wadciga iyo waayaha uu nool yahay,  aqoonta uu u leeyahay dalka iyo dadkiisu sida dhabta ah ee ay u nool yihiin ( waayo aragnimo ).

Aduunka qaababka la isku maamulaa ama dunida casriga ah loo hogaamiyo maantu way kala duwan yihiin oo waxaa jira nidaamyo loogu yeedho ;

1- Dimuqaradiyad ( Democracy) oo macnaheedu yahay shacabka ayaa awooda leh marwalba.

2- Dawlad kakan ( Autocracy government ) maamul dadka ka yimid laakiin xoog dadban ku maamula.

3- Dawlad xoog lagu maamulo ( Dictatorship) oo ka timid in dadka xoog lagu qabsaday isla markaana xoog lagu maamulo.

Waxaa soo raaca qaabab kale oo dunida qaar laga aaminsan yahay ( Embarador ) in loo yaqaano ayaan u malaynayaa oo dadku aaminsan yihiin in dad koobani umada maamulkeeda iska leeyihiin,  dalalka qaarna waaba laga barakaystaa.

Qaababkani waxa ugu muhiimsan in umadu u soo jeedo u tababaran tahay isla markaana garanayso qaabka loo maamulayo si ay u fududaato hogaamintoodu , waana dhibaatooyinka ugu badan ee maanta haysta wadamada dunida sadexaad ( third world).

Isku soo wada xoori waxa aan uga socdaa hogaaminta umada dhamaanteed marka la isku wada geeyo waxa ugu muhiimsani waxa uu ku soo ururay;

1- In aad garanayso dadka aad maamulayso iyo dalka aad maamulayso.

2- In aad garanayso halka aad ka qaadeyso aanay ku calaamadsan tahay halka aad u wadaa.

3- iyo In aad la iman karto hal abuur hogaamineed hadba xiliga lagu jiro lagaga bixi karo .

Dhibaatooyinka dadka soomaaliyeed marka la iskuwada geeyo qabsaday waxa ka mid ah in laga raray nidaamkii ay isku maamuli jireen iyo noloshii ay macno yaqaaneen waagii hore oo ahaa wax isku qoofalan oo halkiisa ku sigib tiran.

Qaababkii loo soo maamulay 62kii sanadood ee ugu dambeeyay oo aan aheyn wax dadku faham ka haystaan isla markaana aan loo tababarin ayaa abuuray jaah wareer badan oo Geeska Africa haysta maanta.

Waxa inoo dheer afkaaraha siyaasadeed, diimeed iyo istaratijiyadeed ee aduunka guudkiisa ku loolamaya oo ay dadka soomaaliyeed noqdeen kuwa ugu nugul ee cidwaliba waxii ay waday dhex keentay.

Maxamed DHIMBIIL

Hogaamiyaha iyo siyaasiga soomaaliga ah ee maanta jooga ee intani maanka ku haya , fahamsan isla markaana waxna u soo joogay waxii soo dhacay waxna dib u daraaseeyey waxa aan aaminsanahay in uu ka dabaalan karo dadka iyo dalalka soomaalidana u horseedi karo in ay aduunka hogaamiyaan.

Mohamed Abdi Jama.

Mohamed Dhimbiil