Horta Ma Hirgelin karraa Dimuqraadiyad?

Waxa aynu ku jaha wareerray wax aynaan awoodi Karin. Qabyaad, faqri iyo aqoon darro meel ay tallo kama suurtoobi karto dimuqraadiyad dhab ihi. Bal u fiirso, adduunka marka doorasho la galo xisbiga ku guulaysta ayaa dhisa xukuumadda. Innaga taasi suuro gal maaha. Haddii aad iga rayso waxa aad ku khasban tahay in aad si is le’eg beeshaada iyo tayda wax ugu qaybiso haddii kale balaaya dhacaysa. Kama hadli kartid xisbinimo iyo xaalkeeda. Bal eega waxa innag haysta in aynu xulanno 7 qof oo innoo garsoora. Waxa aan u malaynayaa in markii hore lagu soo xulayay beelnimo sidaana lagu wada qanacsanaa. Imika ayay soo baxday “waxa u badan kulmiye”. Haddii barri saddexda xisbi uqaybsadaan si is le’eg waxa laga yaaba inuu dheelli tirkii beeluhu lumo oo haddana muran cusbi bilaabmo iyo dhanbay ka raran yihiin. Xataa haddii laga dhigo kulligood beelaha aan lahayn murshaxa, dadka qaarbaa odhan doona waxay u badan yihiin bari ama galbeed.

Waxa ila haboon in dadka inta isbidaysa aqoon, baahi dhaqaalena aan qabin hantina ku leh dalka, qabyaaladana ilaa heer ka fayoow, malaha la helimaayo cid 100% ka caafimaad qabto eh, waddaniyaduna ka dhab tahay ay isu tagaan oo innoo sameeyaan hab lagu wada qanco oo ummadda kala badbaadiya dalkan horumar u horseeda. I am thinking of a modified democracy that is compatible with our values, believes and pastoral way of life.

Thank You

Dr. Aden Ismail

Canada

adismail52@yahoo.ca