Horta shaqada Maayar waa Maxay?

Eraygu ugu habboon ee shaqadiisa qeexayaa waa “Guddoomiye” ama “Guddoonshe”. Guud ahaan waxa uu socodsiiyaa howlmaalmeedka maalinle ee magaalo-madax ama magaalo, isaga oo la shaqaynayaa xubnaha kale ee golehiisa. Kullannada ayuu hagaa, oo hoggaamiyaa, wixii ka soo baxana wuu guddoonshaa.

Haddaba waxa is weyddiin leh, ma shardi baa in uu yeesho xirfado gaar ah oo la’aanteed aanu howsha loo igmaday u socodsiin karin sidii loo baahnaa?

Warcelinta weyddiintan sare waxa aynu ka dhex heli karnaa Maayarrada caasimadaha iyo magaalooyinka hoos ku qoran waxbarashadoodii:

  1. Sadik Khan, Landhan, caasimadda Ingiriiska, waa garyaqaan. #Hayaannews
  2. Ann Hidalgo, Baariis, caasimadda Faransiiska, waxa ay baratay cilmiga bulshada.
  3. Michael Müller, Baarliin, caasimadda Jarmalka, waxa uu bartay taariikhda iyo luqadaha Slavonic.
  4. Bill de Blassio, Niyuu Yoork, magaalo weyn oo ku taal dalka Maraykanka; wuxuu bartay cilmiga siyaasadda.
  5. Chen Jining, Bakiin, caasimadda Shiinaha, waxa uu bartay cilmiga deegaanka
  6. Yuriko Koike, Tookyo, caasimadda Jabbaan, waxa ay dalka Masar ku baratay cilmiga bulshada.
  7. Ugu dambayn, Madaxweynaha dalka Turkiga oo hore u ahaan jiray Maayarka magaalada Istanbuul, waxqabadkiisii la mahadiyayna ay qayb ka ahayd in uu ku guulaysto xilka Madaxweynenimo, waxa uu bartay cilmiga dhaqalaha iyo maamulka.

Qofka maayarka noqonayaa xeel-dheeri kasta waa yeelan karaa, waxa se muhiim ah in uu yahay qof wax dhegaysta, aqoontana xeeriya oo ciddii u ehelka ah howl geliya. Ogowna, shaqada Maayar kuma koobna uun arrimo dhisme, waxa se ka badan inta loo baahan yahay in uu ka qabto arrimaha bulsho.

@Ahmed Ibrahim Awale

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com