“Ina Saleebaan Dafle Cusub Ayaa Xukuumada Muuse Biixi Ka Soo Baxay”..Cismaan Cumar Dool

Hargeysa(Hayaannews)Siyaasi Cismaan Cumamr Dool oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka dareen celiyey qaabka uu wasiirka warfaafinta uga hadlay qadiyada ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo dawlada Djibouti.
Wasiirku Warfaafintu wuxuu yidhi “Arinta Ina Cismaan Geele yaan la siyaasadeyn” Oo yaa Siyaasadeeyay ma Suldaanada Arab ee hadlay markay heleen waraaqiihii aad ku qabaneyseen, mise waxaa Siyaasadeeyay Dawlada Qabiilka gaarka u badan ee Hargeisa ka jirta ee aad Ina Saleebaan Daflaha ka tahay?.
Waa kiis madaniya oo civilian case ah ee maxaa Dawladaada soo dhex geliyay, ee ilaa Wasaarada Arimaha Dibada iyo ta Cadaalada u geeyay in ay arinta dhex dabaashaan.?
Maxay cidii wax u sheeganaysaa si toosa ugu tagi weyday waaxda Garsoorka ee dalka.?
Ta kale maxaa dusha iska saaray Banka uu ninkan hantiilaha ahi la macaamilay iyo Taliska Djibouti taasi Siyaasad ma aha.?
Dadka ha moodina inay yihiin xoolo idiin xaraysan ee marka aad hor imanaysaan ku hadla arin xaqiiqa.
Arintani waa Siyaasad waxaana ninkan haysta Taliska Djibouti idinkana iyaga ayaa idin soo amray.!!!
Runta qirta.
“Ubadkeena ha loo tudho” ayaad tidhi Malaha waxaad u aragtaa in tudhaalaha ubadkeenu uu ku jiro Wasaarad nin reerkiina ah uu ka qaaday Madaxweynaha oo reerkina ahi ka dibna uu dhiibay Adiga oo reerkooda ah.
Anaga maxaad noogu badasheen Wasiir ku xigeenkii Daadhiga ahaa!! Hell.
Ubadku waxay u baahan yihiin Cadaalad iyo Sinaan in wax loogu qaybiyo uma baahna isku dul macaash iyo cid gaara oo Mareexaan noqota.

Ilmada Yaxaaska!!!!!!.
Alla Mahad leh
Osman Omar Dool Oslo Norway