Is- Qancin iyo is-maqal kalsoonida Ummadaa ku dhisan!

Xilligii uu cumar binu khadaab (RC) amiirka u ahaa muslimiinta, isagoo ka khudbadaynaaya masjidka rasuulka CSW, ayaa hadalkiisii waxaa Ku jiray “I adeeca” markaasuu istaagay asxaabigii weynaa ee salmaan Al-faaris wuxuuna Ku yidhi “Amiir Ku adeeci mayno” nooga warceli halkeed ka keentay go’an labaad Ee aad guntan tahay ! maxaa yeelay annaga waxaad na siisay mid, adiguna waxaad sidataa laba. Naga qanci kan labaad halka uu kaa soo galay. Cumar binu khadaab Amiirul muuminiinkii (RC), muu cadhoon, manuu odhan anigoo madax ah sidaas ha iila hadlina, wuxuu walaalkii Ku qanciyay si xikmadi Ku jirto; wuxuuna yidhi: “istaag Cabdilaahi binu Cumar, su’aashaa adigaa wax ka oge, siday ahayd uga jawaab. Cabdilaahi binu cumar wiilkii amiirka muuminiita ayaa ka war celiyay waydiintii; wuxuuna yidhi: ” Aabahay waa Nin dheer hal go’ kuma filna anigaa u dhiibay kaygii”. kadib salmaan baa yidhi: “Hadda waanu Ku maqalnay kuna adeecnay”.

Xikmadda aynu u soo qaadannay waxay tahay, madaxdeennu innagay inoo adeegtaa; waana sida dad inoo haya tukaan. Sida qof tukaan lihi uu ugu yidhaahdo shaqaalihiisa, waar ammaanada ilaaliya, xisaabta wanaajiya, alaabta kala hagaajiya, bulshada tukaanka ku xidhan waji wanaagsan ku qaabila. Haddaba qofka madaxda kuu ah waxaad ku odhanaysaa sida quruxda badan ee ay wax kuula muuqdaan, waxaad siinaysaa talo toolmoon, waliba adigoon cidna dulmiyeyn, cidna ku xadgudbayn Sharaftooda, Dadnimadooda; cadaaladana aan ka tagayn.

Nebi Muxamed (CSW) dagaalkii xunayn markii geel badan lasoo qaaday, ayaa qayb badan oo kamid ah geelii qaniimadda ahaa, intii badnayd waxaa la siiyey quraysh, iyadoo xikmadda ku jirtaa ahayd, kasbasho in si fiican qalbigooda islaamnimadu ugu dagto. Arrintaana waxa yar dhibsaday Ansaar oo ahayd Gargaarayaashii Rasuulka (CSW); waxaanay soo direen sacad binu mucaad oo kamid ahaa odayaashii ansaareed; ahaana asxaabigii qiimaha lahaa, daraadiina carshiga raxmaanku u gariiray, markaasuu ku yidhi: “Rasuulkii alloow masaladaa naga qanci, dhibtana annagaa leh, dheeftana Waxaa leh quraysh”. Rasuulka Allah (CSW) ma cadhoon manuu odhan anigoo rasuulkii Allah ah, dadna ugu sharaf badan miyaad sidaa iila hadlaysaan. Balse wuu qanciyey, waxana uu ku yidhi: “Dadka oo dhammi hadday waadi maraan, ansaarina mid kale marto idinkaan idin raaci lahaa, miyeydaan raali ku ahayn in idinna Rasuulka Alle idin raaco, iyagana xooluhu raacaan” sidii baanay raali ku noqdeen.

Sida tusaalayaasha aynu ka aragno, dawladnimadu waa Is-qancin iyo Is-maqal. Wakhtigii amiirul muuminiin cumar binu khadaab (RC), wuxuu ku dhawaaqay meherka in la jabiyo, qadar la isla garanayona laga dhigo, si loo fudaydiyo guurka, balse markii masjidkii laga soo baxay haweenay ayaa ku sugtay irridda masjidka, waxaanay ku tidhi “Yaa amiirul muuminiin rasuulka Alleba muu xadidin meherka ee sidaad adigu u xadidi kartaa” !! Markaasuu cumar binu khadaab Amiirul muuminiin garowsaday in arrintaa lagaga gar leeyahay, waanuu garwaaqsaday arintiina wuu ka Noqday. Nuxurka qoraalkaygu wuxuu ku soo ururayaa, Madaxdeennu waa adeegayaasheenna, hasayeeshee uma nihin addoomo. Xaq waxay innoogu leeyihiin, hab asluubaysan in aynu wax ugu sheegno. Innaguna waxaynu xaq ugu leennahay in ay inna qanciyaan, dhaliishana aanay u arag in mansabkooda lagu soo duulay.

Eng: Ridwaan Cabdilaahi Cilmi

Agaasimaha Han-dhis Academy

E-Mail: Ridwaancilmi@gmail.com