“Ismaaciil Mirre Macalin & Masuul Muxtarim Ahaa….. “.

Habeen jiilaal oo ku beegan Bishii December ee 2004 ayaanu goor habeenimo ah oo aad u qabow anagoo kasoo baxnay Class Jaamacadda Hargaysa oo lugaynana aanu kula kulanay wadada dhinaca Barri ka marta Jaamacadda ee tagta xaafadda Isha Boorame Ismaaciil oo wata Tagsi Mark 2 ah oo u laabanaya dhinaca Barri oo xaafadiisu wadada ka xigtay .

Ismaaciil markuu na arkay ayuu baabuurkii noo joojiyey dabeeto wuxuu na waydiiyey adeero halkee ku socotaan markaasaanu u sheegnay in aanu ku socono Xaafada Qudhac-dheer , markaasuu yidhi ina mariya aan idin sii dhaweeyee . #Hayaannews

Barigaas Jaamacadda iyo Xeradda Birjeex inta u dhaxaysaa cidla aay ahayd manay dhisnayn baabuurta iyo cagtuna kuma ay badnayne markaanu meel dhexe marayno ayuu Ismaaciil noo sheekeyey waxaanu yidhi ” Adeer waxaan degenahay halkii aan idinka soo qaaday ee Jaamacadda agteedda , waxaan ahaan jirey Arday oo ardaynimo ayaan soo maray , aradaynimaduna waxay leedahay Gaajo iyo dhibaato markaas waxaan idin gaadhsiinayaa adna  Adam Hospital .

Hadalkaasi wuxuu igu yeeshey raadayn , markasta oo aan imika arko Arday wadada agteeda lugaynaysana ma dhaafo waanan qaadaa sidii Ismaaciil Mirre habeenkaa noo qaaday waayo waxaan xasuustaa Dhibaatadii ardaynimo .

Dhinaca kale Marxuum Ismaaciil Mirre Hooyaday iyo Aabahay labadaba isku macalimiin bay ahaan jireen , Hooyaday waxay wax ka wada dhigi jireen Dugsigii sarre ee First July markii dambana waxay wada joogeen qaybtii waxbarashada Haweenka oo labadooda laggu bilaabay Gobolkii waqooyi galbeed , Aabahayna waxay wada ahaan jireen laba macalin Physics , markii  dambana Baaralamanka ayay kuwada jireen .

Sidaa darteed Ismaaciil Mirre wuxuu ahaa Macalin Muxtarim ah qoys ahaana xidhiidh wayni ka dhaxeeyey Qoyska aan ka dhashay , Naxariistii janno Alle ha siiyo guud ahaanteena samir iyo iimaan alle inaga siiyo , Inaalilaah wa inaa Ilayhi raajucuun .

Qalinkii Ahmed Nour Guruje

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland