Jacaylka Gabadha Wariyaha Ah (Saxafiyada) Kuu Gala, Iyo Ku Baraarugsanaanta 10 Qodob

Jacaylka Gabadha Wariyaha Ah (Saxafiyada) Kuu Gala, Iyo Ku Baraarugsanaanta 10 Qodob oo Ay Muhiim Tahay Inaad Damacaaga Ka Hor Laabta Ku Sii Haysato.

Miyaan Ka Garnaqay , Mise Way I Soo Martay, Mise Laabta ayaan Ku Hayaa Oo Diyaar Baan U Ahay, Bal Adba.

Gabadha noqota saxafiyada marka ay go’aansato iney mihnada saxaafadda ka shaqeyso waxey ka gudubtaa caqabado badan oo hortaagnaa sannooyin badan marka horeba, taas oo ay ugu wacan tahay in ay meel wanaagsan kaa gaadho saxaafadda dhib badan ayaana dhacda in ay u marto, markaa haddii aad dooneyso inaad xidhiidh jacayl la yeelato saxafiyad waa in aad 10 kan qodob marka hore sii ogaataa, kuwaas oo loo baahan yahay in aad adkeysigeeda danbe aad yeelato.

 

  1. Haddii aad khiyaanto wey ku shaacineysaa sida dhacda.

Haddii aad tahay qof xidhiidho badan sameeya waa inaad ka fogaataa dumarka saxaafadda ka shaqeeya iyo kuwa kaleba, dabeecad ahaan waxey jeceshahay iney noqoto iyadu marwada koowaad iyo tan ugu dambeysa labadaba, marka ay ogaato inaad khiyaamo kula kacday, wax kale kuma fakareyso aan ka ahayn inay kaa aargoosato mooyaane..

2- Xogtaadu ma noqonayso mid ka qarsoonta, waana khasab iney helayso

Gabadha saxafiyadda ah waxey dareentaa dhacdooyinka inta aaney dhicin ka hor oo ay sii saadaalisaa, iyadoo isku xidhaysa dhacdooyinku sida ay u dhacayaan isla markaana taqaanna habka faahfaahinta ka dhiman loo raadiyo, markaa si kasta oo aad warkaaga u qariso waa qof ay u fudadahay soo helista wixii kuu qarsooni.

3- Maskaxdeedu waa raadaar

Shaqadeeda ayaa ka dhigeysa inuu yahay xadiis (xogteedu) awood badan oo ay ku kaydin karto faahfaahinnada ugu yaryar, xitaa arrimaha yaryar ee aan agtaada qiimo ka lahayn iyada wey u tirsan yahay una keydsan yihiin mana illowdo.

4- Waqtiga iyo baahiyaha shaqada guriga, sida dhacda maba hesho sida badan..

Shirarka ay ka qeybgaleyso, shaqadeeda iyo doodaha saxafiyiinta ee ay ka tahay qaybtu, waxey keenayaan iney guriga timaaddo iyadoo daallan oo raadineysa meel ay dhinaca dhigto, si ay xoogaa nasasho ah u qaadato subixiinna ay u kallahdo, halkaana waa inaad qadarin karto qiimaha shaqadeeda adag markaa iney maacuunta dhaqdo fursadeeda lama helayo.

5- Ilaheeda wararka ayaa hortabinta u leh. #Hayaannews

Arrimaha ay muhiimadda weyn siiso waxaa ka mid ah ilo wareedyadeeda gaarka ah, markaa waxaad ogaataa inaadan muhiimadda koowaad lahayn adigu.

6- Wax walba iyadaa gacanta ku haysa.

Gabadha saxafiyadda ah meel sare ayey bulshada kaga jirtaa dadka oo dhanna waxey u hayaan ixtiraam iyo qadarin, marka ay adiga meel kula joogto dadka oo dhan ayaa indhaha ku haya iyada, markaa waxaad arkeysaa iney dad badan doonayaan iney salaamaan, markaa dhib ha u arkin adigu sayga markaad u noqoto.

7- Waxay doonto waa in ay hore ka heshaa.

Shaqo walba oo loo dhiibo dhanka saaxaafadda waxey hore u caadaysatay iney ka soo dhalaasho, sidaa darteed; shaygan lama fulin karo, lama heli karo kama dhaadhaceyso oo waxey soo baratay in wax mustaxiil la yiraahdo aanu agteeda ka jirin, sidaa darteed; kaama qaadaneyso inaad codsigeeda u fulin weydo ee ogow.

8- Kama fileysid iney guriga ku nagaanshihiisa ku xukunto.

Waxey la qabsatay iney waddooyinka lugeyso si ay u hesho war ama shay soo jiidashada ah oo ay ka sameyso shaeekadeeda gaarka ah ama bamaamijkeeda, markaa kuma khasbi kartid in ay guriga kuugu sugnaato xitaa xilliyada fasaxa ay tahayna ku dhahoo.

9- Iska illow inaad adigu guriga ka taliso

Ka hadalka tirada badan ee sinnaanta ragga iyo dumarka iyo tabinta shirarka dumarka ayaa waxaa uu ka dhigayaa iney aaminto in kaalinteedu aanu ka hooseyn kaalinta ragga ee dhanka bulshada markaa ogow inaadan taliye ka noqoneyn kaligaa guriga ee xilkaaa lagula qaybsanayo.

10- Xidhiidhkeeda bulshada marna ma soo koobi kartid

Gabadha saxafiyadda ah dad badan ayey xidhiidh la leedahay oo walaaltinimo iyo shaqo ay ka dhaxaysaa, markaa kuuma aha suurtaggal inaad soo koobto intay taqaan ama la wadaagto xidhiidh, markaa haddii aad tahay mid maseyr badan ha isku dayin inaad marka horeba noqoto ka hungurigaasu galo arrimahaa awgood,

Taa bedelkeeda waxaa kuu fudud inaad ka dheeraato damacaa oo aadan marka horeba u soo hanqal taagin.

Nb; Bashar Baan U Ahay, Wixii U Baahda Sixid, Iyo Dabcanba..

Mar hore ayayna iga timid fikradani inaan ku celiyona dabcan.

Faisal Ahmed Karshe

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka ee WWW.Hayaannews.net  Goor kasta Iyo goob kasta oo aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com