Kenya Iyo Deeq-Bixiyaha Somaliland

 

Kaalmada Maraykanka (U.S. Aid), Baanka Adduunka (World Bank), Baanka Horumarinta Afrika (African Development Bank) iyo Hayadda Caalamka Ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) afartaasiba waxay sheegaan kaalmo mug leh oo ay ugu deeqeen Somaliland.

Kaalmadaas oo badideedu dib ugu noqoto shaqaalahooda u badan xirfadlayaasha Kenya. Kuwaas oo ku fadhiya xilalka ugu sarreeya ilaa kuwa ugu hooseeya, ee ay leeyihiin Hayàdahaasi.

Wax-tarka Hayàdahaasi, oo la soo rif-rifay , ayaa ku bes-beela tuulooyinka iyo magaalooyinka ku dhaca uun, laamida teedsan Boorama ilaa Laascaanood. Marna kama degaan laamidaas, oo dhinac uma dhaafaan. Waaba sidii oo ay ka baqanayaan dhulka dad iyo duunyaba leh Hawd iyo Xeeb. Sidoo kale waxaa iyana ah, Wasiirada Somaliland oo laamida mooyee aan ka war-hayn Miyaga ballaadhan, ee ka madhan tacliin, caafimaad iyo biyo ku haboon cabista.

Soo Jeedin:

==========

1. Waxaa la gudboon Dawladda Somaliland in aanay aqoonsan Baasboorka Kenya, inta iyaba aanay aqoonsan Baasboorka Somaliland (Reciprocity)

2. Waa in Reer Kenya aan la siin Fisaha iyo degganaasha Somaliland. Inta iyaba aanay siin Fiisaha dalkooda muwaadiniinta iyo aqoonyahanka Somaliland.

3. Hayadaha kor ku xusan, ee sheeganaya inay kaalmo siiyaan Somaliland … Hadday ka dhab tahay, ha soo degaan labada dal ee aynu deriska iyo  ehelka wada nahay, ee Itoobiya iyo Jibuuti.  Kuwaas oo aynu wadaagno  isku-socod iyo is-aqoonsi.

Mohamed Daud

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland