Laascanod iyo Somaliland. Waxaa Qorey Faysal Axmed Faisal Ahmed Karshe

Hargeysa(Hayaannews): Nasiibdarrooyinka u gaarka ah gobolkaa ayay ka mid tahay tan ii diiday inaan la sugo wakhti ku haboon iyo Darwiish TV ga dhidibadiisa ay bahda aqoonta mihnada saxaafadeed mudada dheer ku soo dhex noolaa hawada soo geliyeen.

Waa mid igu noqotey xanuun labaad marka aan arko gobolkaas iyo deegaamada uu xundhurta u yahay, maalinba halka uu ugu xanuunka badan yahay xubnihiisa, marka qof ka soo jeeda looga dhigo wasiir.

Waa natiijo la i leeyahay akhriso oo aanan hadana anigii arkayn, indhahana ka lalinayo, ma waxbarashada ayaan ogaa iyo sida isagoo gobolkaasi wasiirkeeda leeyahay, hadana 5 qof laga baday Scholershipkii kii ka soo jeeday soo xoojiyey mooyi..

Ma biyaha ayaa lagu celceliyey ilaa dawladii siilaanyo 3 ilaa 4 wasiirina ay ahaayeen kuwo isaga danbeeyey oo gobolkaa ka soo wada jeeda , ilaa iyo maantana iyadoo la ogaysiiyey nooca biyaha loo soo jiidayaa in ay yihiin kuwo (Leads) xambaarsan  waa gaas iyo bir e, hadana ay gabaabsi ku tahay rajadii baxnaano ee xanuunka ahayd loo soo waaridayo isla markaana ay qabeen..

Ma wasaaradii warfaafinta ayay hayaan maanta oo aanay jirin awood uu bulshadaa kaga haqabtiro masuulka ka sii socdaa, warku dadkaas mudada 13 ka sano ah ee ay somaliland gacanta ku haysay wuxuu ku ahaa lacag, maantana gobolkaa dhan aqoon maalka telesom ee afarta sadar ah ayaa u ah warbaahin.

Xog ay leeyihiin xaqiiqona ka dhiibtaan haba laga fogeeyee, hadana kii aan la hubin ee iibka ku ahaa ayaa bulshadaa wuxuu ka dhigay dar ay ka lunto natiijo kasta oo jirta isla markaana lacag ku ahi hubaashiisa.

Waxaan markhaati ka ahaa 2019 kii in wasiirka biyaha ee hadda maxamed muuse diiriye uu miisaaniyad sanadeedkii 2020 uu ugu daray gobolkaa gurigii oo loo dhiso, 7 qof oo shaqaale ah, idaacada FM ta oo la gaadhsiiyo iyo qalabaynta sidaa isuduwaha wasaarada warfaafinta ee gobolkaa faysal jama ayaa xaqiijinta iyo xogteeda laga raadraaci karaa, gaadhigii ayaan xasuustaa oo uu naga codsaday inaanu ka aqbalo misaaniyad ku darista oo uu ka reebayo, lkn uu nagu yidhi si kale ayaan idiinla raadinayaa, nasiib darro miisaaniyadii adeegaasi ku jirey wasiir gobolkii ka soo jeeda ayaa ku shaqo bilaabay oo loo soo bedelay, lamana hayo sanadkiina ku dhammaaye ogow.

Waa gobolka keliya ee aan lahayn xafiis uu leeyahsy ururka qareenka u ah saxafiyiinta ee Solja, xaqiiqso taana .

La yaabada ayay ka mid noqonaysaa markaad aragto qof ka soo jeeda gobolkaa oo hadana dhalo ka hadlaya, isaga oo gobol kale waxqabad iyo baahiyo uu ka daboolayo kaga farxinaya, aniga oo ah saxafi il warbaahineed oo dawladeed ka hawlgala ayaa isu quudhi waayey inaan masuul gobolkiisii u adeeagaya wareysto oo  idhaahdo, ”maxaad gudahaaga u nadiifin weydey, dabcan sababtaas ayaa ah dee kaygii oo qudhmay ayaanba ogahay”.

Caku wey dadkaygoow, hees bay ahayd soomaliyadiii barmaamijka beeruhu ku soo geli jirtey, somaliland tan jirta ee dimuqraadiyada gadaysaana ma garan karo si looga iibsanayo, siday deegaamadaa ula dhaqmaysaana wadaagis maahee waa aargoosi.

Ha ahaatee ka damiirka madanaha lagaga dhalaaliyey ilaa aad disho uma gudbi kartid ka aad horeba u ahaydeen webiyo isu ooman oo wacatamay.

African Union observers and journalists organizations in Europe is necessary,.

Me.

Faisal Ahmed Karshe.

#Hayaannews, Office

Email: Hayaannewssoma@gmail.com