Lafagur iyo Naqdi: Doodda Uu Yuusuf Xayd Ku Asteeyay “Isaaq baan nala yirahdaa oo waa  faddilannahay”. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr.

“Haddii Isaaq Yuhuud yahay; waxay hooyadaa iyo abtiyadaa yihiin adiguna waad tahay”

Waxan akhriyay dood uu qoray nin la yidhaahdo Yuusuf Xayd, oo ciwaankeedu yahay “Isaaq baan nala yirahdaa oo waa  fadilanahay”. Iiguma jiro Facebook, laakiin maalmahan u dambeeyay waan arkayay isaga oo faallooyin kala duwan faafiyay. Tan u dambaysana Xamda Cigaal barteeda ayaan ka arkay.

Si kasta oo aragtidiisu tahayna waa qof aan shakhsiyaddiisa xurmo ugu hayo. Wax uu qof yidhina uma weerari karno beelweynaha uu ka soo jeedo ee Daarood.

Horta ma jirto meel ay Reer Sheekh Isaxaaq mudnaan gaar ah kaga sheegteen ummadda Soomaalida ah ama muslinka ah. Weedhaasi waa dhankaaga. Haddii ay cidi tidhina ugu garaabi maayo. Mudnaantu waa Alle ka cabsiga, samafalka iyo cabsida Eebbe.

Dooddiisa oo ka kooban saddex iyo toban qodob oo kolba dhan u leexanaysa, oo aan duluc  iyo abbaar gaar ah lahayn waxa uu meelo badan ku aroorinayaa in reer Sheekh Isaxaaq ka soo jeedaan Yuhuudda, taasna waxa aan ka leeyahay nasabaddu ma aha gacan-ku-rimis la dhiso. Meel cad, ab iyo isir ay ku aroorto ayay leedahay. Buugaagta Mohamed Daud iyo Cabdirisaaq Caqli ayaad dheehan kartaa.

Haddiiba aan taada ku raaco oo Yuhuud ay noqdeen Reer Sheekh Isaxaaq adiguna dhal Yuhuudeed baad tahay oo abtiyadaa weeyaan. Dhulbahante oo aad ka soo jeeddo waxa dhalay Arab Sheekh Isaxaaq. Bal taas uun ha dafirin ama jilib hoose ha isaga leexin.

Iyaga ka sokow waxa uu Israaiil ku arooriyay qowmiyado kale. In raadadka Israaiil laga helo dhulka Durriyaddu ma aha inay ku arooraan, waayo Boqortooyadii Nebi Saleebaan dunida oo dhan ayay haysatay. Ilaahay ayuu weyddiistay “maamul aan u hirgelin cid isaga ka dambaysa” sidaas ayaanay ugu kala firdheen dacallada carro-edeg.

Tiraabtiisa waxa uu ku daray in ay cunsuriyad kula kacaan beelaha Gabooye. Waar miyaynnu afgobaadsannaa? Reerahaas cid u roon, u manno sheegan karta ama sidii ay mudnaayeen ula dhaqantaa ma jirto. Waa waxa saamigoodii looga dhigay .5 ee dadka kale 1 u qaateen. Duudsi laga siman yahay cid lama saari karo.

Wax uu qof qabi karo ayuu qoowmiyad guudka u saarayaa. Haddii aad Faysal Cali-Waraabe ku eedaysay Amxaaro inuu jecel yahay, waxa an ku weyddiinayaa:

  1. Yaa ahaa jabhaddii kowaad ee Amxaaro u gasha? SDF
  2. Yaa Amxaarada geeyay gobolka Gedo 1995kii ? Marxuun Ina Cumar Masalle.
  3. Yaa Muqdisho ku xasuuqay ciidanka Tigreega 2006dii? Marxuun Cabdillaahi Yuusuf

Inaad kala saarto Somaliland iyo SNM ayaa fiican, waxa aad tidhi “SNM waxa ay doonaysaa oo ay barida Isreal oo ay aqoonsi ka rabaan si ay ugu sahasho aqoonsiga ay raadinayaan. SOOMAALI MA RABAAN MANA AAMMINSANA”. Somaliland waxa wada leh ummad kala duwan. Dadkii saxeexay la soo noqoshada madax bannaanida waxa kaalin weyn kaga jiray Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Eebbe ha u naxariisto’e. Aqoonsigeeda waxa ay u maraysaa tub diblamaasi ah, haddana Somaliland xidhiidh lama laha Israaiil. Waddan ay beel qudhi leedahay garan maayo.

Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenkii shirkii Jabuuti lagu qabtay 1991kii, waxaana hagayay oo guddoomiye u ahaa Marxuun Aadan Cabdalle Cismaan (Cadde). Markii uu arkay in dawlad la iska dhistay iyada oo aan SNM, USC iyo SPM (Caydiid, Tuur iyo Jees) midna lala tashan ee fawddo hor leh la abaabulay ayuu ka laabtay goaankaas, waxaanu u jeestay dhismaha Somaliland, waanu ka midha-dhaliyay. Xilka Soomaaliya xitaa Qaddaafi ayaa la beryay 1999kii, waanu diiday. Warqaddaas uu Israaiil u qorayna ma jirin.

Waxa aan naqdiyayaa hadalkaaga ah “1991 shirkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeeda ee lagu qabtay magaalada Djibouti Hotelka Sheraton Waxa ku jiray Mohamed Xaji Ibrahim Cigaal. Waxa qalkiisa ugu tegay Odayal Soomaali ah oo u ku jiray C/razaq Xaji Xueesn ku baryay inu dalka madax ka noqdo oo badbaado. Waxa ugu jawaabay, “Dadkaygu Somali ma rabaan.” Muddo ka dib Isreal iyo Rabin buu warqad u qoray u leeyahay Yuhuud baan nahay”.

Ta xasuuqa.. Hargeysa waxa ay diyaarado ku dileen 50,000 qof ku dhaw, waanan joogay marka la duqaynayo 1988kii, adiguse Xamar ayaad lahayd “Ciyaarihii Gobollada ayaa Muqdisho ka socda. Aakhirkiina hanqadhkii jabhadaha ayaa kaa oo qax iyo qurbe kugu sababtay.

Xilliyadii ay dhacayeen dagaallada Kalshaale waan la socday warkooda 2011-2012, marka ay iska horyimaaddaan dal dhan iyo dad isku degmo hoosaad ah, khasaaruhu waa uu kala badanayaa. Haddii ay kugu adag tahay inaad qirto waxa Hargeysa ka dhacay 1988kii, anigu gar, wax jira iyo astaan u taagan gabboodfal ka dhacay Buuhoodle ayaan u arkaa kaaraha ka taagan Cayn. Uma arko ciilqab kaaraha. Alle ha u raxmado dadka xaqdarrada loogu laayay Hargeysa iyo Buuhoodle labadaba.

Ereyga “Gacan ku dhiigle” waa qof xabbad uu riday ay qof dishay ama qudh toos u jaray. Inaad qof toos u tidhaahdaa waa badheedh iyo

“Waxba dhawrsan maayee Allow, dhagaxyo soo daadi”

Reer Boorama xaq ayay u leeyihiin inay caddeeyaaan xasuuqa iyo cid kasta oo dembi dagaal ka gashay. Dacwado ayay maxkamadaha ka furan karaan. Waxa keliya ee aan Maxamed Siyaad Barre odhan karaa waa Ilaahay camalkiisii ha ka abaalmariyo. Waxba Jaalle ha odhan, kollay inaad qudhaadu ducada kala dhacday ayaa muuqata.

Farmaajo wax uu gacanta ku hayo oo uu wax ka bixiyaa ma jiraan. Jubbaland waxa haysta Axmed Madoobe, waad ogtahay in ay Puntland shirar ku kala kaceen. Gobollo dhan ayay Alshabaab ka taliyaan. Yaa Jubbada Dhexe ama Buaale ka taliya? Wax Farmaajo laga rabo oo adduun ahi ma jiraan, wixii caalamku keeno haddii uu jeebadda ku shubto waa halkeeda. Waxa u hadhayna waa maalmo.

Hadalkiisa oo qaybo badani qallooc iila muuqdaan ayaa warcelintayda sabab u ah. Walaw uu Yuusuf Xayd joogo da’dii meydka lagu maydhi jiray, waxa uu ka sii xun yahay in afka ciidda loo daro kacaankii uu shaqaalaha ka ahaa.

 

Alle ha u naxariisto General Maxamed Faarax Caydiid oo 26kii Jeneweri 1991kii qabsaday Villa Soomaaliya. Waxa aan kaa tacsiyadaynayaa nimcadii kaa kala daadatay oo aan leeyahay samir iyo iimaan.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com