|
|||||
HAYAANNEWS.NET
MAANSO Ka Hadlaysa Saxaafadda Iyo Saxafiga Qalinkii Mubaarig Cabdi Yuusuf
October 21, 2020 - Written by adminWaa maanso wax sheeg iyo waano ah ,oo ka hadlaysa saxaafadda iyo saxafiga quman Isla markaana toosin iyo tallo siinaysa dhamaan inta warbaahinta ka hawlgasha. Waxa hal abuuray Mubaarik Cabdi Yuusuf. waxaanay ku bilaabmaysaa sidan:- Saxaafadu waa Seef laba afloo Samo iyo xumaan Kolba waa siduu Saxafigu u dhigo Hadii saxalka iyo Saymo laga jiroo Sida ay tahiyo Sifaheeda wacan Inta lagu sar jaro La sagsaaginee Runta saaxiga ah Sees looga dhigo Anshaxana la sugo Waa samo wadiyo Sahankii bulshada Waa saxal tiriyo Saadaaliyaha Saadanbiyo barida Qaladkay saxdaa Dhaqan suubaniyo Samahay fartaa Sabi iyo dhalaan Sidii macalinkay Suuradaha alliyo Sadarada cilmiga Sahal kuu bartaa Waxay suulisaa Ficilada siloon Waxay saamaxdaa Saynisiyo aqoon Si yar loo fahmiyo Subaxii baryaba Hadba Waxa socdiyo Saacadaa war jira Dhacdo sugan inay Sawirkaa tustooy Kugu soorto xogo Marna saanadiyo Waa saban wax dila Sumuc iyo rasaas Siikaawi iyo Sawaariikh ka daran Iyo suug dhacee Saxafiga dalkoow Ha samayn warkay Isa sudhan xigtoo Sabo wada dagtaa Isku seegayaan Ama sababi Kara Salabiyo colaad Saansaan dagaal Iyo dhiig susuma Ileen si xun u sheeg Sixir iyo ka daran Saancadiyo balee Saxafiga dalkoow Warka aan sugnayn Een sal iyo raad Saxa aan lahayn Dadka uma samee Ha u soo ban dhigin Saxafiga dalkoow Warka sogordihiyo Sal fudayd ka dhawr Ku salee xaqiiq Ku sargoo wacyiga Sabankaa jiroo Si laguu fahmana Kala saar xarfaha U dhig sida u fudud Umadana u saaf Xog la saaray caad Oo noqo sirdoon Siduu xaalku yahay Ka sal gaadha’ oo Wakhti siiya badan Saxafiga dalkoow Siniin raac ha noqon Soori qaadatoo Ha u noqon salaan Saacida midkii Lacag siiya iyo Saaxiib la jira Nin siyaasiyoo Waddankiisa sira Suxafiga dalkoow Sokeeyaha is dila Seeftiyo warmaha Soodhkiyo qoryaha Isku Soo gurtee Ee kala saftana Isku Soo dhawee Suluxiyo ka tali Nabadiyo samaha Oo noqo suldaan Isku saba bulshada. Saxafiga dalkoow Ku sifow wanaag U sinow dhamaan Xisbiyada saroo Midna sabab qabiil Sacab hawgu tumin Saxafiga dalkoow Ganacsiga sirgacan Sixir bararka dhala Siyaasiga guracan Culimada salidan Umadana saskiyo Sakatiga ku rida Dhakhtarada suntiyo Kiniinada siloon Dadka siiya ‘ee Inta ay sariir Madhan seexiyaan Sakaraad ildaran Sahay kaga furtee Sina uga naxayn Noqo kii saxee Ka sameeya warar Saamayn leh togan Una Soo bandhiga Bulshadani sakhiran. Saxafiga dalkow Danyariyo sabool Dulmanaha la siray Mid u sara kacoo Gacan siiye noqo Xilka aad sidana Sahal maaha ee Sumcadiisa dhawr. ![]() Hayaannews, office Hargeysa, Somaliland Email: Hayaannewssoma@gmail.com COMMENTS
|
|||||
|