MAAYIR, QORSHUHU WAA GUUSHA SHAQADA Qalinkii: Axmednuur Maxamed Cilmi (Catooshe)

Hargeisa(#Hayaannews): Shaqo kasta oo la qabto in maxsuul fiican laga gaadho waxa udub dhexaad u ah sida loo qorsheeyo iyo sida loo maareeyo, loona raaco qorshe howleedka loo sameeyey. Qorshuhu waa ka go’aamiya qodobadan:-

Maxaa la qabanayaa? Halkee laga qabanayaa? Sidee loo qabanayaa? Yaa qabanaya? Goorma ayaa la qabanayaa? Maxaa loo baahanyahay? Xagee laga keenayaa waxa wax lagu qabanayo? Sidee lagu qiimaynayaa maxsuulka waxa la qabtay? Maxaa caqabad lala kulmi karaa? Side loo xalinayaa cabadahaas hadiiba ay soo baxaan? Qorshahani hadii uu socon waayo maxaa bedel u ah? Talaabo noocee ah ayaa laqaadayaa?

Qorshu waxa uu si cad uga jawaabaa dhammaan su’aalaha kor ku xusan. Taas ayaana keenta guusha shaqada la qabanayo. Taa bedelkeeda, qorshe la’aanta waxa laga dhaxlaa daal iyo guuldaro xoog iyo xoolaba ah.

Qoraalkan ugama dan lihi in aan kaga hadlo qorshaha iyo waxa uu yahay iyo sida loo dejiyo, se waxa aan uga jeedaa in aan kula wadaago adiga iyo golaha aad hogaamiso dhaliisha ku gadaaman hawl-galka ololaha Hargeysa nadiif ah iyo qoshe kooban oo lagu xalin karo dhaliishaas, si loo helo Hargeysa nadiif, oo a hawl-galku u noqdo mid midho dhal oo lagu guulaystay.#Hayaannews.net

Maalintii saddexaad ee ololaha Hargeysa nadiif ah ayaan nasiib u helay in aan ka mid noqdo dadweynihii tirada badnaa ee shaqaynayey, aniga oo hogaaminaya shaqaale iyo gaadiid gacafyo iyo iska-rogooyin iskugu jira, oo ku qalabaysan agabkii nadaafada oo dhamaystiran kuwaas oo socday shirkada aan maareeyaha guud ka ahay ee STAR GROUP OF COMPANIES.

Waxa aanu ka shaqaynay dagmada M.Haybe. Dadweynaha kala duwan ee shaqaynayey waxa ay markii hore iskugu yimaadeen xarunta dagmada oo ay joogeen gudoomiyaha dagmada, xog-haya dowlada hoose iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka iyo shaqaale dowlada hoose ka socda. Si fiican ayaa gudoomiyaha dagmada iyo shaqaalihiisu u qaybiyeen dadweynihii diyaarka u ahaa shaqada nadiifta caasimada, koox walbana waxa loo diray jiho. Sidaas ayaanay shaqadii dhabta ahayd ku bilaabantay. Isla markii aanu u dhaqaanay jihadii lanoo qoondeeyey, waxa ii cadaaday qodobadan:-

In aanu jirin qorshe hawleed oo abaabulan oo ay dawlada hoose ama dagmadu sii diyaarsisay, oo ka jawaabaya su’aalaha aan kor ku xusay, marka laga tago in shaqada la qabanayaa ay tahay qashin gurid ama nadaafad. Waxa kale oo ii soo baxay In aanay dowlada hoose ama waaxdu sii samayn sahan (Assessment) lagu ogaanayo (1) meelaha cayiman ee qashinka laga gurayo (2) qashinka la gurayaa nooca uu yahay (3) cida shaqaynaysa (4) waxyaabaha loo baahanyahay tusaale ahaan nooca cagaf-cagaftyada, iyo iska-rogooyinka ah ee ku haboon shaqada, (5) caqabadaha ku gadaaman shaqada iyo goobaha shaqada, tusaale ahaan wadooyin dhan waxa loo furi kariwaayey xadhkaha laydhka oo dhirta ku maran, (6) lama garanayn inta wado ee la rabo in la furo (7) sidoo kale, waxa markiiba lumay hogaamintii dowlada hoose sababtoo ah waxa aan qorshaysnayn shaqada la qabanayo IWM.

Arimahaas oo dhami waxa ay ku tusayaan in shaqada iyo hawsha la waday ay ahayd jaantaa-rogan iyo galaay uun. Sidaa daraadeed, haddii shaqada ololaha Hareysa nadiif ah uu sidaa ku sii socdo, dadaalkeenu waxa uu noqonayaa hal bacaad lagu lisay.

Sidaa daraadeed, anigoo ka faa’iidaysanaya cilmiyada aan bartay ee qorshaynta iyo siyaasada iyo cilmi baadhista, waxa aan halkan idinkula wadaagayaa qodobo iyo qorshe kooban oo u baahan tafaftir, oo aan u arko inuu keeni karo in la helo Hargeysa nadiif ah.

1) Marka koobaad sameeya waax guud oo dowlada hoose ah, oo u gaar ah u gaar ah ololaha Hargeysa nadiif. Waaxdaasi waa in ay dagmo walba u dhistaan waax u gaar ah ololaha Hargeysa nadiif oo shaqadoodu tahay samahin (assessment or feasibility study), iyada la diyaarinayo macluumaadka ku qoran shaxda xaga dambe ku lifaaqan maalin ka hor bilowga shaqada. Waaxda guudna waa in ay ku dabagashaa dagmooyinka waxqabadkooda

2) Sameeya maamul daadejin ilaa xaafad gaadhsiisan

3) Dib u eegis balaadhan ku sameeya waaxyaha dowlada hoose

4) Shaqaalaysii dad daacad ah, hawl kar ah oo aqoon u leh waaxaha loo dhiibayo, kuwaas oo aad dibada ka keentaan

5) Shaqaalaysiiya dad xirfadlayaal ah oo khibrad leh (Dhaqaaloyahano, Ingineero, qorsheeyaal, adeegayaal bulsho, Xisaabiyaal IWM)

6) Gole fulin ahaan, waax walba u madaxbanaaneeya shaqadeeda, korna u qaada isla xisaabtanka

7) Sameeya wacyigalin joogto ah, oo ka baxda gawaadhida dowlada hoose, Tv-yada iyo idaacada Radio Hargeisa

Sameeya halbeeg lagu qiyaaso shaqada todobaad walba la qabto (% imisaa la fuliyey iyadoo dagmo dagmo iyo goob goob loo daabacayo warbixintooda) laguna daabacado warbaahinta dowlada hoose.

Ugu dambayn, Maayir dadweynaha reer Hargeysa iyo guud ahaanba shacabka JSL aad ayey kuugu hanweynyihiin, waxa ayna kaa filayaan horumar ay hagayso, karti, dadaal, daacadnimo iyo aqoon.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com