Madaxweyne ayuu u qalmaa Mayor Ciddin!!

Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) waxa uu u qalmaa Madaxweyne, isaga oo ku kasbaday inuu ka soo baxay hawlihii Maayirnimo ee loo doortay

*Berberay bilkhayr baa, ka bidhaantay maantoo
*Cidin beretenkiisii, tartankii ku badiyoo
*Barxadii magaalada, barqo la isku aragyoo
*Bulshadii isugu timidi, baahideed daboolyoo

*Hilaacii ka bilig yidhi, bulshadii ka hodantoo
*Haraad-beel dadkeedii, Biyihii ka dheregyoo
*Badarkii ka baxay, balkiisu hawryoo
*Barqo dherega xooluhu, banka jiifka weeyoo

*Burcad zebeno wacan, ka soo bixiye haantoo,
*Intuu Ceelkubuuxsamay, baahidiina jabiyoo,
*Indhihii basaasnaa, ku bikaacsadeenoo
*Midhii wada bislaadiyo, beerii la falayoo

*Balamihii jacaylkiyo, Bilan lagu aroosyoo,
*Sidii berisaamdkii, badhaadhii la aragyoo
*Beeshuna ciyaartii, balooley ka tumatoo
*Beeraqiyo faraxii, beryo la isku aragyoo

*Dhalintuna bogoodii, berikiyo iyo wadnaha iyo
*Biixiyaha jidhkoodii, u busayle xeebtoo
*Baradii jacaylkaykay, booqashada rabanoo
*Barta aydun joogtaan, dabkii nooga baxayoo!!

*Ninka baydhayee yidhi, bisadaa Hargaysaa
*Dadkii Xamar ka bili roon, isagon barnaba qaban
*loo baaqimaayoo, baashiraad mahelayee
*Waan idiin buseylee, Berberay ma nabadbaa!!

Xildhiban Cabdirashid Berberatta