Madaxweyne Biixi Oo Tacsiyey Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel Oo Geeriyooday


INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ku geeriyooday maanta  oo ay taariikhdu ahayd 14/10/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland, wakhtigana ka mid ahaa golaha wakiilada Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.