Markii Aan Ogalaaday In La Dilo Dibiga Cad Waxaan Ogalaaday In Anigana Lay Dilo…!

Vaches

Waxaa jiray saddex dibi: dibi casaan ah, dibi cadaan ah iyo dibi madaw waxaana ka dhaxaysay xidhiidh weyn oo saaxibtinama ah, waxaa soo weeraray libaax gaajoonaya waanay iska difaaceen weerarkiisi, libaaxi oo niyad jabay ayaa ku noqday meeshiisi.

Libaaxi ayaa soo fakaray oo u yimid labadii dibi ee kala ahaa casaanka iyo madawga waxaanu ku yidhi: labadiinu saaxiibo ayaan nahay mana idin rabo, laakin waxaan rabaa dibiga cad si aanan u dhimanin gaajo darteed…!

Labadii dibi ayaa ka fakaray hadalkii libaaxa markaasay yidhaahdeen: Libaaxo wuu saxanyahay markaa libaaxi ayaa Cunay dibigii cadaa.. !

Libaaxi ayaa soo noqday maalintii ku xigtay markaasu weerar ku qaaday labadii dibi ee soo hadhay, markaasay Iska difaaceen, libaaxi ayaa u soo fakaray markale, markaasu u yimid dibigii madooba isaga oo beer laxawsanaya, waxaanu ku yidhi maxaad ii weerartay?? adiga kuumaan soconin u waxaan u socday dibiga casaanka ah…! Dibigii madoobaa ayaa baqday oo ka fakaray hadalkii libaaxa oo run mooday markaasu yidhi:

Libaaxow Isla hadalkii aad na tidhii maalintii aad cuntay dibiga cadaanka ahaa ayaad na leedahay maantana…! Markaasu libaaxi yidhi: Waar waad ogtahay inaanan labadiina iska celin Karin ee adiga kuma rabo…!

Dibigii madoobaa ayaa fakaray markaasu ogalaaday isaga oo isleh nabad galyo ayaad helaysaa wixii maanta ka danbeeya..! Libaaxi ayaa ku soo booday dibigii casaanka ahaa oo Cunay…! Maalintii ku xigtay ayoo libaaxi gaajooday markaasu u yimid dibigii madoobaa markaasu dibigi qayliyay:

(Waxaa lay Cunay maalintii dibiga cadaanka ahaa la cunay)

Libaaxii ayaa ka yaabay hadalkii dibiga oo dib u yara noqday markaasu yidhii: Maxaad u tidhii dibiga cadaanka ah o aad u odhan wayday dibiga casaanka ah ileen maalintaas markii aan Cunay dibiga casaanka ah ayaad kali noqotay…!

Dibigii madoobaa wuxu yidhi:

Xiligaas waxaan ka tanaasulay mabda’kii na midaynayay ee na ilaalinayay…! Qofkii mar ka tanaasula markasta ayoo ka tanaasulayaa…! Markii aan ogalaaday in la cuno dibiga cad waxaan ogalaaday in anigana lay cuno…!

Vaches

Ambassador Samia Muse

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com