Maxaad Ka Taqaana Tariikh Nololeedkii Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar

Waxaanu halkan Idiinku soo gudbinaynaa taariikh nololeedkii kooban ee Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samater Alle ha u naxariistee oo maanta lagu Aasay Magaalada Gabiley.

Marxuumku Wuxuu ku Dhashey Magaalada Gabiley Sanadii 1957kii Waxaanu Malcaamada Quraanka Ka Galey Magaalada Gabiley, Waxa Dugsiga Hoose La Qorey Sanadii 1966kii, Sida uu Marxuumku inta badan Sheegi jirey Waxaanu Dhamaystey Waxbarashada Dugsiga Hoose/ ilaa dhexe Sanadii 1974kii, Wakhtigaas oo Loo Qaatay, Macalinimadii lagu Qasbey Isaga iyo Kooxdii ay Isku wakhtiga ahaayeen ee PP  (Public Paracticle Progarme Education) Waxaanu Ku Shaqeeyay laba Sano isagoo Markuu dhameystay, Galey Jaamacadii Lafoole, oo uu Kusoo Qaatey Kuliyada Waxbarshada Khusuusan Culuunta Biology iyo Chemistry.

Waxaanu Sanadihii Sideemataadkii, Mucalim Ka Noqdey Dugsiyada Sare ee Hargeysa iyo Burco, inkastoo aanu Burco ku Raagin Kadibna markii Burburkii dhacay Sanadii 1988kii Waxa uu Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, u Gudbey dhinaca Dalka Jabuuti, oo uu uga Sii Gudbey Dhinaca Dalka Yamen isagoo Mucalim Ka Noqdey, Dugsiyada Sare ee Waddankaasi Yamen, Waxaanu Aakhirkii Noqdey Gudoomiyaha Mucalimiinta Soomaalida ee Dalka Yemen.

Allaahu Yarxame Marxuum Suldaan Ibraahim.Jaamac Samater, Waxa uu Markiiba Qabtey Xilka Saldanada Markuu uu Dalka Dib ugu Soo laabtey Taas oo Kusoo Beegantey Geeridii Walaalkii Suldaan Maxamed Jaamac Samater, oo Halkiisii Loo Caleema Saarey, Mudadii uu Suldaanka ahaa Wuxuu aad ugu Suntanaa Doorkii uu Ku Lahaa Arimaha Bulshada Dhismayaasha Iyo Talada uu Ku lahaa Dugsiyo Jaamacado intaba.

Alle ha naxariistii jano haka Waraabiyo Waxa Isla Maanta Xilkiisii Loo Caleema Saarey Wiilka Uu dhalay ee Suldaan Samatet Suldaan Ibraahim. Jaamac Samater.