HAYAANNEWS.NET
Maxaad Ka Taqaanaa Hanti Dhawre Cali Bilyan, Taariikhdiisa Iyo Qaabka Uu Wax U Baadho + Sirta Ka Dhexaysa Axmed Dirir. Q: 4-Aad.
May 29, 2019 - Written by editor editor
Waxaan aad u
jeclaystay inaan bulshadda la wadaaago maqaalo taxane ah oo aan isleeyahay ku
lafo gur, islamarkaana bulshada fahamsii shaqsi si layaableh intii ay
Somaliland jirtay uga dhex shaqaysanayay Hay’adda Hanti dhawrka qaranka Cali
Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), kana mid ah shaqsiyaadka bahdilay ee
madaxdii kala dambaysa ee Hay’addaasi soo maray ee baray laaluushka, waxa uu
aad u yaqaanaa oo uu bartay qaabka loo Cabsi-maalo madaxda dawladda iyo sida
Madaxda kolba ugu timaada Hay’addaasi sida loo hanto, isagoo ku xididaystay
Hay’addaasi islamarkaana waxaan tusaalayaal u soo qaadan doonaa baadhis
layaableh oo uu sameeyay, qaar uu ku fashilmay iyo qaar illaa maxkamad lala
tagay oo uu ku ceeboobay, waxa kale oo aad ku arki doontaan taxanahan Hay’addo
gaar ah oo uu Mushaharooyin ka qaato oo uu maalo, iyo sida uu u fashiliyo
shaqada hanti dhawrka ee uu isku soo oodo.
Taariikhdiisa.
Cali Sheekh
Maxamed Axmed(Cali Bilyan) waxa uu kasoo jeedaa Deegaanka HARGEYSA, Gaar ahaan
waxa ay hayb wadaag yihiin oo ay isku beel kasoo wada jeedaan Madaxweynaha
Hadda Talada Dalka haya, waxa ay walaalo yihiin Haweenayda iyadduna intii ay
Somaliland jirtay haysata Xafiiska Maamulka iyo Lacagta Golaha Guurtida oo
aanay waligood hanti dhawrku galin, lana baadhin. Waxa uu Shaqadda Hanti
dhawrka bilaabay bilawgii Aasaaskii Hay’addii markii la unkay, isagoo xilal
kala duwan oo agaasime Waaxeed kasoo qabtay, balse waxa uu yahay masuulka keli
ah ee fahmay islamarkaana ku mabay shaqadan isagoo caan ku ah Cabsi ku maalka
Hay’addaha Qaranka, heshiis la galida Madaxda kolba meesha hanti dhawrku galo
haysata, iyo inuu si hoose lacago laaluush ah uga soo qaado. Waxa kale oo uu
qaabilsan yahay inuu ceebeeyo kolba Hay’adda ay baadhaan ee laaluush bixin
wayda isagoo Buuggaa foljari ah jeebka ku qaata islamarkaana ku dhex daadiya
Kolba halka ay baadhaan ee laaluush ogolaan wayda si uu u ceebeeyo, waana
arimaha la ogaaday ee uu ku ceeboobay.
Akhri Layaabka
Dhacdadan: Sanadkii 2012-kii, waxa dhacday in hanti
dhawrka qaranku galay, islamarkaana uu baadhis ka bilaabay Kastamyadda kala
duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Waxa Kooxdii Baadhistaasi waday
madax u ahaa Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), waxa waktigaasi Hanti
dhawrka Haystay Maxamuud Dheere oo aan shaqadda inta badan ku fiicnayn una daba
fadhiisan jiray Masuuliyiin uu Cali Bilyan ka mid ahaa, taasi oo sahashay in
maamul Xumo iyo hawlgab dhinaca Shaqada ahi ku dhacdo Xafiiska Hanti dhawrka.
Waxa dhacday Wakhtigaasi in Baadhistaasi oo ay sameeyeen Koox uu Cali Bilyan
Hogaaminayay in Cali Bilyan Qaar ka mid ah Shaqaalaha Kastamka Kalabaydh u
qaabiyo buugggaag (GR) fool jari ah oo baalmarsan nidaamkii Wasaaradda
Maaliyadda kuwaasi oo lacag loogu ururin jiray Hanti dhawrka.
Waxa arintii soo
helay Xafiiska baadhista Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda oo uu wakhtigaasi
madax ka ahaa nin layidhaa Khadar Indho Leeb, waxa arintii loo xidh xidhay
Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwii uu Cali Bilyan hawsha
gaar ka ah u igmaday, waxa la isla galay Maxkamadda waxaanu kiiskaasi Muddo ka
socday Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Arimaha layaabka leh waxa ka mid ah in Cali
Bilyan iyo Hanti Dhawrihii Guud Maxamuud Dheere ay Maxkamadda ka difaacayeen
Shaqaalihii Buugta (GR) Fooljariga lagu soo qabtay, waxaana halkaasi ku kala
cadaatay halka ay buugtaasi ka yimaadeen iyo inuu Cali Bilyan hawsha si gaar ah
u fuliyay oo ay mid tahay shaqooyinka uu ka faa’iiday ee uu lacagta ka helo. Waxaanay
tani ka mid taha shaqo maalmeed Cali Bilyan ee bahdilay islamarkaana sharafta
ka qaaday Hay’adda Hanti dhawrka,waana caado illaa maanta uu ku dhaqmo oo lagu
bartay.
Waaxda Baadhista
Wasaaradda Maaliyadda ee loo yaqaan (Internal Audit) oo uu Khadar Indho Leeb
madax ka ahaa ayaa baadis xeel dheer ku samaysay Buugtii Fooljariga ahayd ee uu
Cali Bilyan sheegay inuu Xafiisyadda lacagta ee Kastamyadda uu dhex dhigtay
waxaana aakhirkii dhacday in la ogaaday in la buugaag badan oo kale la dhigtay
kastamada kale ee wadan kuwaasi oo lacag lagu urursanayay islamarkaana uu ka
dambeeyay Cali Bilyan. Waxaa la ogaaday shaqaale Cali Bilyan hawshaasi u
fududeeyay oo shirqoolkaasi kula jiray, waxaana la isla galay Maxkamadda
Gobolka Hargeysa, waxaanay arintaasi ku cadaatay Cali Bilyan inuu falkaasi
isagu gacantiisa ku sameeyay oo uu fuliyay. Waxa ay ka mid ahayd dhacdooyinkii
ugu layaabka badnaa ee hanti dhawrka shaqadiisa curyaamiyay ee keenay inay
muddo dheer u dhutiyaan hanti dhawrku fool xumadaasi uu ninkaasi gayaysiiyay.
Waxa uu goobaha uu baadhayo ka samaystaa shaqaale arintaasi la fududeeya
kuwaasi uu wax kasiiyo laaluushka uu qaato.
Qaybtii:
4-Aad.
Lasoco Qaybaha
Dambe:
Diblomaasi Haybe
Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London
COMMENTS
|