Mesut Ozil oo Dhaqaale lagu taakulaynayo Bisha Ramadaan carruurta ugu Deeqay dalal ay Soomaaliya ku jirto

Muqdisho (Hayaannews) – Ciyaaryahanka caanka ah ee Mesut Ozil  ayaa ugu deeqay € 101,000, oo u dhiganta 120,000 oo dollar hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, taasoo qeyb ka ah olole gargaar oo la wado inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Warbixin ay soo saartay, Ururka Bisha Cas ee Turkiga waxay ku sheegeen in deeqda Ozil loo adeegsan doono in lagu bixiyo baakado cunto oo aad loogu baahan yahay oo loogu talagalay dadka baahan ee ku nool Turkiga, Indonesia, iyo Muslimiinta Rohingya ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Bangladesh.

Ururka Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale afurinta loo fidin doono agoonta ku dhaqan gobolka Idlib ee Siiriya iyo caasimada Soomaaliya, Muqdisho, bisha barakaysan ee Ramadaan oo dhan.

Madaxweynaha Bisha Cas ee Turkiga, Dr Kerem Kinik ayaa sheegay in Ozil uu sanado badan gacan ka geysanayay caawinta kumanaan caruur ah oo dalal badan ku nool