Muxuu Daaran Yahay Safarka Weftiga Sare Ee QATAR Ku Marayo Somaliland Iyo Soomaaliya?

Qadar Waa Dalkee?

Qatar waa wadan dhaca Galbeedka Asia gaar ahaan khaleejka carabta , waa dalka ugu yar dalalka carbeed waxaana uu badkiisu yahay 12,000km square , dadkiisa dhaladka ah waxa lagu qiyaasaa rubuc malyuun isku tafiir iyo caqiido kaliya haysta , waxaa ay haysteen dariiqada wahaabiyada walow ay wadamada ay jaarka la yihiin ka fur–furnaayeen xaga xuquuqaha dumarka iyo nolosha kale ee bulshadu ku wada nooshahay oo aanay aad nidaamkaasi xagjir ugu ahayn.

Qatar waa wadanka ugu qanisan aduunka marka loo eego dhaqaalaha iyo qofkii iwaxa soo galla ( Per capita income ) , waxa ay caan ku tahay oo aduunka ka iibisaa gaasta dabiiciga ah ee loo yaqaano Liquefied Natural gas (LNG).

Qatar waa dal aduunka Asia iyo Khaleejka carabtaba caan kaga noqday siyaasad dhex-dhexasdnimo ah oo ay ku kasbadeen indhaha iyo taageerada xidhiidhka aduunka oo dhan intii ka horeysay waxii loo yaqaanay guga Carabta iyo kacdoonadii dawladaha carbeed ka bilaabmay ee lagu riday madaxweyneyaal iyo boqoro badan.

Khilaafkii ugu horeeyey ee dawladaha carabta iyo Qatar waxa uu bilaabmay sanadkii 2011kii markii xilka laga Tuurey madaxweynihii Masar ee Xusni Mubarak kaasi oo in badan soo socday waxaana uu gaadhay xaaladii ugu adkayd sanadkii 2017 badhtankiisii oo wadanka Qatar ay xayiraad iyo in xidhiidhka loo jaro ku soo rogeen dawladaha Saudi Arabia , UAE, Bahrain, Egypt,  Jordan , Xukumadii Libya , Jamhuuriyada Islamiga ah ee Mauratania iyo jasiiradaha Maldives oo dhamaantood u jaray xidhiidhkii ay la lahaayeen.

Laba sababood baa ugu waaweynaa waxyaabaha xidhiidhka loogu jaray Qatar;

1- Qatar waxa ay si isku mid ah heshiis ula wada ahayd dawladaha colaadaha waaweyni ka dhexeeyaan Gobolkaasi Galbeedka Asia gaar ahaan labada quwadood ee Suniga iyo Shiicada kala hogaamiya ama labada dawladood ee Saudi Arabia iyo IRan , waxaana lagu qasbayey in ay xulafada Sunniga raacdo.

2- Qatar waxa lagu tuhmay in ay dalwalba ka dhex wado farogalin siyaasi ah taasi oo lagaga cabanayey ilaa sanadkii 2011 oo ay si toos ah u taageertay Ururka Ikhwaanul Muslimiin ( Muslim brotherhood ) oo aragti islamiya iyo xoog wadamo badan oo carbeed iyo islaamkaba ka soo dhex foodhacay ah , walow wadamada qaar ay ku eedeeyeen aragagixiso hubeysan.

Waxaa jirtay in lagu eedeeyey in Amiirka Qatar uu taageero siiyo dawladaha Israel iyo Iran oo ay sucuudiga is hayaan laakiin dalka Qatar waxa ay xiliyadaasi isaga difaaceen in warkaasi yahay been abuur iyo wax la soo dhoob-dhoobay .

Cunaqabateyntan lagu soo rogay Qatar waxa aan ka qayb galin dawladaha wadamada iskaashiga khaleejka ee ( GCC ) labada wadan ee Oman iyo Kuwait oo iyagu Qatar dhinaca saarey dooneyna in xaaladaha xal loo helo oo wanaag lagu dhameeyo.

SAAMEYNTA QATAR EE SIYAASADA DUNIDA

Qatar sida aan soo sheegnay waa dal yar oo saameyn xoogan ku leh siyaasada caalamka sumcad weyna kasbaday gaar ahaan waxii ka horeeyey kacdoonadii guga carabta , waxa ay saameyn muuqata iyo mid dadbanba ku leedahay siyaasada aduunka, siyaasada galbeedka Asia iyo ta Gobolka Geeska Africa.

Qatar sidoo kale waxa ay ku taallaa meel muhiim u ah dawlado badan oo aduunka ah ( Geostrategic position) waxaana ku yaalla saldhiga ugu weyn ee dawlada maraykanku ku leedahay khaleejka Carabta kaasi oo muhiim ugu ahaa dalkaasi dagaaladii Afghanistan iyo Ciraaq ee Maraykanka iyo dagaalka argagixiso la dirirka ee aduunka ka socda

Qatar marka laga yimaado khayraadka dabiiciga ah ee ay leedahay waxa kale oo ay dhaqaale badan oo kale ku kasbatay goobta ay ku taallo iyo fur-furnaanta siyaasadeed ee nooca diblomasiyadeed ee ay isticmaali jirtay ( niche diplomacy ) oo u sahashay kasbashada dadyowga iyo dawladaha aduunka ay ka heshay boqortooyada Dohha.

Markii uu dhacay iska hor imaadka dawladaha khaleejka carbeed iyo xulafadooda iyo wadanka Qatar waxa soo baxday in ay kala durkeen dawlada maraykanka oo uu Donald Trump bartiisa twitterka si toos ah ugu weeraray Qatar ku sheegayna in ay tahay kaabaha iyo maalgaliyaha argagixisada xili uu Israel iyo wadamo khaleejka ah marayey , wallow xiligaasi ay kala hadleen xoghayihiisii arimaha dibada Rex Tillerson oo isagu sheegay in xaalada la dejiyo xiisadana la qaboojiyo si dhex-dhexaadnimo ku jirto.

GEESKA AFRICA IYO SAAMEYNTA SIYAASADEED EE QATAR IYO TURKEY.

Qatar waxa ay aad isugu dhow yihiin wadamada Turkey iyo Iran oo labaduba siyaasadoodu aad u danaynayso Geeska Africa , gaar ahaan Turkey oo kaalin mug leh oo muuqata kaga jira siyasada Gobolka Geeska Africa isaga oo ka soo gallay kaalinta dawlad la’aanta Somalia oo uu Muqdisho degay si ay isaga iyo Qatar uga dhisaan maamul ay danahooga ku qumistaan

Turkey siyaasadiisa iyo soo degitaanka Geeska Africa waxa uu saldhig uga dhigey siyaasad gurmad islaanimo iyaga oo ka mideysan wadanka Qatar in ay taageeraan nidaamka ikhwaanka oo si weyn uga jira Gobolka Geeska Africa, haddana siyaasada Turkey waxa ka muuqata isaga hiigsi fog iyo dano intan dhaafsan.

Qatar waa wadanka loo tirinayo in ay si dhab ah siyaasada Somalia gacanta ugu hayaan sababtana waxa cadeyn u ah halka ay kala marayaan xukuumada hadda Somalia ka talisa iyo waddanka UAE oo ay QATAR isku yihiin lid , waxaana si toos ah isaga hor yimid xukuumada Madaxwayne Farmaajo iyo UAE oo aad u kala xidhiidh furtey.

MUXUU DAARAN YAHAY SAFARKA MADAXDA UGU SAREYSA QATAR AY KU YIMAADEEN SOMALILAND ?

Qatar maadaama ay Somalia taageerto waxa ay siyaasiyan u kala fogaadeen Jamhuuriyada Somaliland , taasi oo Somaliland u arkaysay dawladaha Turkey iyo Qatar in aanay arimaha Jamhuuriyadii Somalia dhex ka aheyn ee ay dhinac yihiin , maadaama ay Jamhuuriyadaasi kala noqotay laba dal oo la kala yidhaahdo Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federalka Somalia.

Waxaa markii ugu horeysay wafti heersare ah dalka ku yimid madaxda khusuusiga ah ee dalkaasi wallow aan warbixin waafi ah laga bixin safarkaasi hadii aynu ku eegno indhaha diblomasiyadeed iyo kuwa xidhiidhka caalamiga ah oo aynu ku salaynayno danaha siyaasiga ah iyo xaaladaha Gobolka Geeska Africa ku sugan yahay xiligani waxa aynu soo qaadan karnaa

1- In waddanka Qatar oo diblomasiyad ahaan mid xoogan ahaa uu gobolkani kaga awood batay dalka UAE oo si mug leh inta badan saameyn weyn ugu leh siyaasada dawladaha Gobolka Geeska Africa marka laga reebo Djibouti.

2- In Xukuumadii kaliya ee loo tirinayey dalka Qatar oo ah jamhuuriyada federalka Somalia uu xiligii ka dhamaaday aanay Qatar dooneyso in ay u gasho kaambayn siyaasadeed maadaama ay tahay quwad cududeeda siyaasadeed muujin karta oo horena looga arkey.

3- In Qatar ay aragtay ahmiyada Somaliland iyo kaalinteeda oo ay rabto in ay xidhiidh la sameysato wanaagsan maadaama Jamhuuriyada Somaliland tahay dalka ku yaalla bugcada ugu muhiimsan gobolkani ( Regions Geostrategic Position ) oo  laga yaabo in ay cudud iyo cuudba dul-dhigto qaranka jamhuuriyada Somaliland.

4- In wadanka Qatar isku xilqaamay in uu wax ka qabto oo uu gurmad u noqdo jamhuuriyadii Somalia ee maanta kala ah Jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia safarkooganina uu yahay mid kalsooni ay kaga rabaan labada dhinac.

QATAR IYO JAMHUURIYADA SOMALILAND.

Qatar iyo jamhuuriyada Somaliland waligeed xudhiidho siyaasadeed ma dhex marin iyo qaar xidhiidhka caalami ah sida diblomasiyada , laakiin hore waxa u jirey xidhiidhka binu-adenimada iyo arimaha gargaarka ah kaasi oo aan waliba 99% toos isugu xidhnayn labada dal ee soo mari jirey shaqsiyaad iyo kooxo culimo ah.

Dalka Qatar wallow ay ku nool yihiin dad Somaliland ka soo jeedaa maadaama ay jamhuuriyada Somaliland ahayd , soomaalida ay is xigaan juquraafi ahaan wadamada carabta waxa dalwalba oo carbeed asalkii ugu horeeyey degay dad ka soo jeeda jamhuuriyada Somaliland oo laga helayaa laakiin wax xidhiidh siyaasi ahi ma jirin aan aheyn kala fogaansho.

Waxa aad moodaa in wax weyn is badelayaan xili Jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia ay kala maqnaashahoogu gaadhay 30 sanadood oo la mid ah intii ay jamhuuriyadii Somalia dhisnayd oo ahaa isaguna 30 sanadood , waxaana suuragal ah in laga garaabay qadiyada ka dhaxeysa labadani gobol oo wadanka Qatar na uu siyaasadiisii hore badelay.

Waxaana ay ugu dhow dahay in la gaadhay xili la garowsado in bal xalka jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia lagu dayo qaabkii hore ee aduunku wax u wadi jirey waji ka duwan , Qatar oo khibrad u leh xaga hawlaha dhex-dhexaadinta aduunkana amaan weyn iyo sumcad hore loogu hayey waxa ay noqon kartaa cida ku guuleysata in xal loo hello qadiyada labadan dhinac dhex taalla soddonka sanadood hadii kalsooni ay ka hesho iyo kasbadho Jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil