Nuxurka Buuga (The Compound Effect).Q/4aad. Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin.
October 22, 2020 - Written by admin
Cutubka 3aad : Caadooyinka.
Qaybtan bandhigeedu uu qoraagu
udoortay waa Caadooyinka iyo Dhitaynta Saamayntooda. Aristotle waxa laga qoray
“ waxaynu nahay waxaynu qabano” dadka jihada hore u socdaa waxay waddaagaan
dhufsane kaliyay leeyihiin waana Caadooyin fiican, mana laha Caadooyin Xun,
Tabtaasi baana ka dhigtay dad
Ogaal badan, haddana Waxqabad badan, Xirfad sarana ku daabay dhaqdhaqaaqooda
halka ay ku jiraan inta badan diyaar garaw quman oo midho dhal leh, kuna
lammaan tahay in ay jabiyeen dabinka caadooyinka xun’xun.
Waxa uu tusaale nool uu qoraagu
inoogu sawirayaa tusaalahan soo socda oo ku qotama haddafyada guracan iyo kuwa
quman faraqa u dhexeeya iyo raadaynta
dhaqamadaasi yaryar ku leeyihiin nolosheena caadana noqoto.
Haddii diyaaradi yooleeda ka
leexato 1% magaaladay usocoto waxay ka dagi magaalo kale oo u jirta
{150Miles}.Taasi waxay tusaale nool u tahay in dhaqan gurancan oo aad
joogtaysaa kaa dajin jaro jiho aanad mahadin. waxynu nahay siday maalinteenu
tahay kaliya. Waa in aynu toosnaa aqoonsanaan samaynta hadafka quman iyo ka
qaloocan. Harren Hardy.
Wax walbaaba waa suurta gal sidaa
daraadeed erayga (Waayo) waa waxa kugu
dhajinaaya hore u socodkaaga halka erayga (Sidee) macno yeelan mayso ilaa waayo
kuu xoogaysato. Wax kas’tana is waydii in uu ku haboon yahay jadwalkaaga
toosan, guushuna waxay ku jirtaa in aad xooga saarto xaqiijinta maaha samaynta
shayga, wayna kala duwan yihiin in aad waxa qabato, iyo ka gun gaadhida,
sidaasi oo kale xad dhaafin hirgalini ma damaanad qaado xad dhaaf farxada.
Sida Hopkins sheegay waxaan ahaa
“nabarka kaliya ee ay ka walaacaan qoyskayagu” maadaama aanan dugsiga iyo
waxbarashada ku liitay, balse markii dambe ee adeerkay I caawiyay daah furayna
hibadayda gaarka ah waxaan noqday mid kamida jilayaasha ugu sareeya ee
taariikhda soo maray.
Sidaa daradeed xadhfaafintu
marbayna ku’ba haboonayn kaalintaan ku xiiqnay, waxaana laga yaabaa in qof
waxbarashada ku liitaa uu aad ugu fiicnaan karo xirfada farsamada, ama kaalmo
kale “markaa waa in geedka la beerayo iyo goobta laga beerayo aad loo darsaa”.
Dabaqa dhiiri galinta markuu ka
hadlaayay waxa uu xusay qoraagu uur’ku taalooyin hore’oo suul daaray guusheenu
waa in aan u isticmaali karnaa shidaal togan iyo dhisme isbadal, ugana jeedo
“khalad kasta oo kaa hor yimaada u qaado waayo arragnimo iyo waxbarasho, iyo
digtooni mustaqbal”.
Mar kale waxa uu qoraagu ka
hadlay waxa loo yaqaan Hadafyada sidaan hore usoo xusnay saamaynta dhitayntu
“waa Shaqo ku gaynaysa meel kale”, xirfada kaliya ee masuul ka ah badhaahe
nolosha ahi waa “barashada sida ugu wax qabadsan ee hadafyo loo dhigto”.
Khariirad u jeex hadafkaad
doonayso in aad xaqiijiso, waana hab falgalineed kaliya dayrka inoo dhexeeya
hadafkaaga iyo adigu waa habdhaqan kaaga falgalineed ee joogtada ah.