”Orromo Kaftan Ma Gasho ”. Qalinkii Ahmed Nour Guruje

yaamahan dambe waxaan maqlayay dad leh Orromo ayaa u mudaharaaday in ay hesho kaadhadh cod bixineed iyo xaquuq doorasho iyo sheekooyin la midda , hadaba waxaan dadka u sheegayaa in aan Orromo ciyaar iyo kaftan gelin sababtan awgeed .

Qarniyadii dhexe Soomaalidda iyo  Orromadu  xuduud dhuleedba may lahayn , Waxaana Xuduud lahaa Soomaalidda iyo Amxaaradda Dagaaladii waaayadaas dhici jirayna wuxuun bay dhex mari jireen Soomaali iyo Amxaarro mararka qaarna Tigree weheliyo , xuduudka Soomaalidda iyo Amxaaraduna wuxuu ahaa Gobolka Shawa gaar ahaan Adis ababa shishadeeda cid og iyo cidaan ogaynba .

Soomaalidii degenayd gobolka Shawa waxaa u Boqor ahaa reerka Soomaaliyeed ee Magaadle oo uu ka dhashay Cumar Wasalmac oo ahaa qoyska reer sheekh Yuusuf Al-kownayn ,waxa kale oo Beelaha Soomaaliyeed ee dhulkaa degenaa ka mid ahaa , 2 Beelood ee War-jeex iyo Xarla iyo Beesha Gurgurre , maanta Beelihii Warjeex iyo Xarla jaan iyo cidhib meel ay dhigeen lama hayo , Gurgureana waxaa kasii qiiqaya waxoogay aan badnayn , Beelahaas iyo deeganadadoodiina wax kale may helin way Oromoobeen .

Orromo Gobolkii Shawa kumay joogine waxay mar kale la wareegeen Gobolkii Herer iyo Soomaaliddii joogtay oo Orromowday , hadeerna waxaa qiire qiire ku jira Gobolkii Jigjiga oo degmooyinkii Baabuli , Balbaleeti , Maiiso iyo Janacsalay ayaaba Orromoobey .

Markaa Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay adeerayaal Orromo kaftan ma gashee daad aynaan moosi karin ha inagu soo jebinina , hadii daadkaasi soo jabana hadhow yay cidina isku canaanan waxaa hubaala in uu Badwaynta inagu dari doonee .

Ahmed Nour Guruje

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland