Sharaf Ayuu La Hoyday Dr Aadan Yuusuf Abokor

Innaa Lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun

Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Rabbi Naxariistii Janno ha ugu deeqee Marxuum Aadan Yuusuf Abokor oo  geeridiisa la soo sheegay.

Allah ha u Naxariistee Dr Aadan waxa uu ka mid ahaa Geesiyaashii UFFO ee Xabsiga dheer u galay iyaga oo xumaan ka dhiidhiyaya, waxaana uu walkhtigiisa ku bixiyay dhismaha iyo horumarinta Somaliland, waxa uu ahaa shakhsi Af-gaaban, ehlu Sharaf ah, Samafale ah oo Hawl-kar ah.

Allah waxaan uga baryayaa inuu Jannada ugu deeqo, dhamaanteena uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin.