SHEEKO: Xoorka Hoos Madooba Ah Hay’addaa 1 Milyan Siisanaya!

Niman asaxaab ah baa u heshiiyey mid kale ooy asaxaab yihiin oo hunguri weynaan ay ku xaman jireen. Waxa ay ku tashadeen in ninkaa ay maanta kadada waydaarshaan oo hunguriga mid uu kaga hadho oo mahadho ku reebta ku sameeyaan.

Meel ay ku kaftami jireen oo shaaha ay ku cabi jireen, isna uu ugu yimmaado ayey sii fadhiisteen. Sidii caadada ahayd waqtigiii uu imaan jiray oon daqiiqad ka dhinayn, dhaafina ayuu yimmid madashii.

Soomaalidaa ku maahmaahda ‘Sir ma qabe Allaa u sahan ah’ ee markii uu salka la helay kursigii ee uu xasilay bay bilaabeen sheeko ay u dhigeen in ay sii socotay. Mid ka mid ah oo aad u yaqaanay sheeka alifida ayaa soo dhigay sheekadii oo yidhi “Waar miyaad og tihiin hay’adaha dalka inala jooga ee caalamiga ah waxa ay iibsamaayeen Xoorka nooc ka mid ah, gaar ahaan ka hoosta amma bogga madaw lahe?”

Waxa sheekadii meesha ka sii qaaday oo waydiinta ka jawaabay mid kale oo raaciyey “Waar niyaw hal milyan baa la siisanayaa baan maqlay oo xoorkaas hoos-madooba ah waa qaali oo hub khatar ah baa laga sameeyaa dhuusadiisan maqlay. Intay ururiyaan bay qalab kaydinaya  dabada ugu xidhaan oo kaydiyaan nafiifadaas.” #Hayaannews.net

“Alla waar hay’adahan ma caawimay u joogaan baad moodaysaan dalka? Waar khayraadkeena macdan leh, xayawaan leh ee nimcoolay leh bay ka qaniimaystaan,” ayuu raggii mid kale oo ka mid ah sheekadii ku soo afmeeray.

Ninkii ay mu’aamarada u maleegaayeen oo sheekada dhuuxaayey, markiibana hunguri ay ku xaman jireen galay baa deg deg u kacay isagoo ku macasalaameeyey, ” Waar maantaad maalmahaad dhalateen dhaantaan ood khayr ka sheekaynaysaane, bahalkaa waabu i wareeriyee, haddaan u helay jabkiisee, nabadiino.”

Raggii oo fahmay inuu qoolkii ugu dhacay, ayaa mid ka mid ah ku yidhi “Waar bahalka waa la madhiyey oo satalite baa xataa lagu baadhaye sii huleel.”

“Anuu habeen wal ba i wareeriyey oo idin tusi inaan kaga soo kabto dhibtiisa lacagtaade waydinkaa'” ayuu yidhi isagoo tallaabafa hoodta ka xaddaya.

Habeenkii oo dhab ayuu ku hawlanaa qabashada xoorka, wuxuu kol ba dabin dhigo aakhirkii noocii loo sheegay baa u galay.  Intuu shandad ku riday, buu gurigiisa galay isagoo is xariifinaaya. “Xaajiyo shaah soo kari…..waad raagtee macnahaa….Xayraannimadaad noogu qaylin jirtee maanta  ba waanaga sidanee taannu dhiidha fakhriga kaga tuuri lahayne car juuq dheh,” ayuu xaaskiisa ugu baanay.

Subaxii horre ayuu ka jarmaaday gurigiisii isagoo bas la raacay shandadii bahalku ku jiray. Markii uu cabbaar fadhiyey ayaa nin kursi ku xigga fadhiyaa arkay shandada waxa ka dhaqfhaqaaqaya. “Waar maxaad shandada ku sidataa ee ka dhaqdhaqaaqaya?”

Isagoo is xariifinaya ayuu ugu jawaabay, ” Waar miyaanad ogayn in xoorkii hoos madooba hal milyan la siisanaayo?” Kadib intuu shandadii furay ayuu is yidhi tus bahalka, markaasuu xoorkii oo cabudhay ka soo booday oo xorriyadaas uu helay ka faa’iidaystay, baskiina dhex cararay.

Rakaabkii oo dumar u badnaa ayaa isku yaacay, drawalkiina baskii gidaar halkeer ah buu ku masaxay.

Ninkii masiibada dhigayna waxa uu daba cararay Xoorkii, isagoo ku tawawacaya “waar ninku hal milyan oo dollar buu iga khasaariyee ii qabta.”

Booliskii iyo dadkii ka ag dhawaa ayaa dhaawacii kala guray, ninkii Xoorka sitayna qabtay. “Waar aniga maahee ninka xoorka aan ku taajirayey iga sii daayey ii qabta,” ayuu intii saldhigga la gaynaayey ku tiraabayey.

Hungurigu Xoor baa la iibsadana waa ku gelinayaa.

Ibraahim Khadar

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com