Sidee Carqaladaha Looga Gudbi Karaa? Qalinkii Xamze Saciid Maxamed (Tudhaale)

Dhammaanteen waxaynu la tacaalaynaa inta aynu nool nahay oo dhan waa carqalad nolosheena ku jirta, oo hadba markaynu mid ka gudubno aynu u gudbayno tu kale; midba midka ka danbaysa ayay inoo sii diyaarinaysaa.

Isbedelka aad rabto in aad samayso mararka qaar waqti badan ayuu kugu qaata, halka dadka qaar uu ku qaato muddo gaaban inuu isbedel ku sameeyo.

Halkna waxaan waxyar ka taaban doonaa qodobo kaa caawin doona in aad ka kor marto carqaladahaaga nololeed ee kala duwan isbdel dhab ahna aad u samayn karto.

1: Fahan oo dareen: In aad fahanto oo aad dareento carqaladaha ku haysta ee kala duwan waxay kaa caawinaysaa in aad xabad xabad uga takhalusto adigoo wax ka baranaya isbedelkii aad rabtayna aad samayso. Khalad ugu wayn ee aynaan ugu gudbin carqaladaheena ayaa ah inaynaan fahminba.
2: U fiirso: In aad u fiirsato waxay kaa cawinaysaa in aad si fiican u falanqayso oo aad u fahanto carqladahaaga ugu danbayna xal u hesho.
3: Qorshee isbedel: In aad qorshayso oo aad dhigato Istaraatajiyad cad oo aanu madmadaw ku jirin waxay kaa caawinaysaa in aad si qurux badan uga gudubto carqaladahaaga isbedelna u samayso.
4: Bedel Hab-fikirkaaga: Halka ugu horaysa ee uu qofku ka jabo waa hab-fikirka, haddii aad badasho hab-fikirka aad ka haysato carqalada iyo noloshaba waxa hubaal ah in aad samaynayso isbdel dhab ah si fududna aad uga gudbi
karto isla carqaladahaaga nololeed. U fikir si balaadhan oo togan, adiga oo aan xaqiiqadana iska indho tirayn.
5: Aqbal masuuliyada noloshaada: In aad aqbasho masuuliyada noloshaadu waxay kaa caawinaysaa in aad hesho kalsooni dheeraad ah oo aad ka qabto naftaada, taas oo sababaysa in aanad cidna ku halayn horumarkaaga eedna aanad cidna ku saarin waxyaalaha aad khasaariso iyo guul darooyinkaaga.
6: Ha Degdegsan Isbedelka: Ogoow in uu degdegu yahay waxa ugu wayn ee inaga hor taagan isbedelka laftigiisa, in aad degdegto waxay ku dhaafinaysaa waxyaalo badan oo aad u fiirsan lahayd, waxay ku dhaxalsiinaysaa khasaare, waxaad ka helaysaa cabasho in aad la kulanto, wuxuu kugu khasbayaa in aanad is bedelin oo aad niyad jabto. Ogoow isbedel in aad samayso in ay u baahan tahay ku celcelin, samir iyo qunyar socodnimo.
Ceeb maaha in aad isbedel yar samayso laakiin waxa ceeb ah in aanad wax isbedel ahba samayn.
Qodobka ugu wayn ee dadku ku dhacaan ayaa ah kan, kaas oo ku sababa inaanay samayn wax isbedel ah.
Ogoow in uu isbedelku yahay mid waqti qaata oo qunyar socod ah, sababta oo ah markii aad yaraydba mar kaliyaata uun ismaad arag adiga oo socda ee muddo ayay soo qaadatay in aad socod barato.


Waxaa Qoray: –
Xamze Saciid Maxamed (Tudhaale)

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland