Soomaaliya Farta Ayey Dhexda Ka Qaniini Doonta Xidhiidhka Ay U Jartay Kenya.

Soomaaliya jirta oo leh haykal dawladnimo waxaa ugu danbaysay sannadkii 1991 kii, nidaamka Xamar ka taliya waa magac u yaal afka oo qudha ka jira, Soomaaliya ma laha ciidan suga xuduudaha ay dal ahaan sheegato, malaha sumcad diblomasiyadeed oo ay ku kasban karto xulafo siyaasi ah ha noqoto mid gobolka ay ku taallo ah (geo-political strategic allies), kumana laha caalamka sumcad ay kaga dhaadhiciso inay Kenya ka gardarantahay.

Sannad kasta beesha caalamku waxay Soomaaliya ku bixisa lacag dhan 4 ilaa 6 Bilyan oo dollarka maraykanka ah, lacagtaasi badankeeda waxaa bixiya midawga Yurub iyo maraykanka, waxaana lagu bixiya ammaanka iyo nabad-gelyada goobaha xukuumadd ku sheega Xamar ka talisa ay ku shaqayso.

Culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ayaa waxaa ku jira falsafad ama aragti dunida badankeed maanta ku dhaqanto oo loo yaqaano (Realism ideology), fekerkaasi wuxuu odhanaya “nidaamka caalamiga ah ee dunida lagu maamula (the new world order)  wuu kakanyahay (is anarch), laba siyaabood ayuunbad ku badbaadi karta, waxaanay labada siyaabood kala yahiin inaad tahay dal xoog weyn oo awood dhaqaale, militery iyo siyaasadeed ku leh gobolka iyo dunida, iyo inaad tahay dal ku tiirsan dal xoog weyn oo dan siyaasadeed idinka dhexeyso, waaba xikmadda Soomaaliga ah ee tidhaahda “Buur ahaw ama buur ku tiirsanow”.

Dabcan Soomaaliya labada midna maanta maaha, buurna maaha oo Soomaaliya waa dalka adduunka ugu liita, adduunyadii kalana Soomaaliya khaati bilaahi ayey ka taagantahay.

Kenya Awood Intee Le’eg Ayey Leedahay

Kenya waa dalka ugu dhaqaale balaadhan mandaqadda bariga Afrika, sannadkii dakhliga soo galla marka lagu cabiro halbeega GDP loo yaqaana waa 90 Bilyan oo dollar, Kenya waxay ka horaysa dhaqaale ahaan dalka Ethiopia oo dadkiisu seddex jeer ku laban-laabman Kenya.

Kenya waa dalka bixiya dhaqaalaha ugu badan ee uu ku shaqeeyo urur goboleedka IGAD ee ay ku bahoobaan dalalka Bariga Afrika, waana dalka deeqda ugu badan bixiya mandaqada Afrika ururadda caalamiga ah sida Midawga Afrika, Qaramada midoobay iyo ururka dhaqaalaha adduunka.

Soomaaliya hal dollar kuma bixiso kharashaadka lagu kabo hawl-maalmeedka urur goboleedka IGAD, haddana shallay waxaynu maqalay inay Soomaaliya dacwad diblomaasiyadeed uga gudbisay IGAD dalka Kenya, waa garasho xumo halkii ugu hoosaysay, oo maxay tallaw ka filayaan in urur goboleedka IGAD ku ganaaxo Kenya oo ugu hiiliyo Soomaaliya, marka Kenya tahay dalka bixiya kharashka ugu badan ee isla ururku ku shaqeeyo.

Caqliga Xamar maanta ka taliya waxba ma dhaamo kii ka talinaayay 1969 kii ilaa 1991 kii ee ku taliyay in 1977 kii Ethiopia la weeraro, oo midawgii Soviet talladiisii la gees-maro, oo haddana maraykan oo ina Siyaad Sovietkii dartii uu eryay haddana sasabto, miyaanay ka dhignayn maah maahda carbeed ee tidhaahda “caqlal cabiid munasalu fi-leyl” caqliga cabiido habeenka saqda dhexe ayuunbu soo dega.

Markii dawladdii Soomaaliya burburtay, hantidii ummadda Soomaaliya lahayd weliba dadka Koonfur ka soo jeeda waxay ku bad-baaday magaalada Nairobi, dadka Soomaaliya waxay ku leeyahiin magaalada Nairobi ganacsi sannadkii dakhliga ka soo galla lagu qiyaaso ilaa 4 bilyan oo dollarka maraykanka ah, waxaa intaasi u dheer qaxoontigii ugu badna ee Soomaaliya ka qaxa dagaaladii kala danbeeyey waxay hoy u noqdeen dalka Kenya weliba u siisay sharciyo ay ku joogaan magaalooyinka waaweyn.

tan iyo sannadkii 2000 oo Soomaaliya loo taag waayay xalkeeda, hogaamiyayaasha Soomaaliya ka taliya waxay ku fashilmeen inay dawlad damaanad qaada xuquuqda dadkeeda samayso, magaalada Muqdisho 70% ama ka badan dadka ku nooli waa qaxoonti (Internal displaced people), weliba ay u dheertahay qarax, faqri iyo nolol xumo.

Maanta Soomaaliya khatar ka weyn oo soo food saartay Farmaajo ma jirto, dadka Soomaaliyeed waxaa u yaalla inay yeelaan “oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala gura” caqabada ugu weyn ee hortaalla waa Farmaajo oo ah nin rahman, una rahman Qatar iyo Ethiopia oo doonaya xoog iyo xeelad kolba tuu helo inuu marlabaad madaxtinimadii Soomaaliya ku soo laabto.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland